abaarikeentay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaarikeentay
(Abaarikeentay-da, Abaarikeentay-ga)
Dad aan dhulka ku dhalan oo waa danbe dalaw ku yimid; gadaalka'imaad; kooyto (ab'ogaa iyo abaarikeentay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarikeentay
m.l/dh.u Dad aan dhulka ku dhalan oo waa dambe dalaw ku yimid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaarikeentay
m.l/dh.u Dad aan dhulka ku dhalan oo waa dambe dalaw ku yimid. Tusaale: Soomaalidu waxay u kala bixi jirtay: ab'ogaa iyo abaarikeentay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaarikeentay
m. n., [collective] refugee, resettled drought victim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarikeentay
-ga: (magac, lab, keli) dad meeshii ay degga-naayeen abaar uga soo qaxay oo halka ay deggan yihiin gadaalyimid ku ah. Abaarikeentay maahine, arliguu badh leeyahay. Dh: gadaalyimid, koyto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaarikeentay
de: refugee, resettled drought victim Lit: one brought by drought
lx: abaarikeentay
pd: (-ga ~ -da)
ps: n6-m/f, n7-m/f
key: abaarikeentay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ab'ogaa
(Ab'ogaa-ga)
Dad dalka gudihiisa weligii degganaa; aan gadaal-ka-imaad ahayn; waddani (ab'ogaa iyo abaarikeentay).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ab'ogaa
m.l.u Dad dalka gudihiisa weligii degganaa; aan gadaal ka imaad ahayn. Tusaale: Soomaalidii hore waxay ahayd ab'ogaa iyo abaarikeentay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaareysad
m.l la-mid: abaaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahaateenaa
fk. 'Ma wasiir baad noqotay?' 'A.! Fiicnaan lahaydaa!'
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
baricéntro
s.m. -bartamaha culayska sheyga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqabeenlay
(fal) wax baqaya oo cararaya iska dhig. Baqabeenlay oo cadawga jebi. Dh: baqabbeenlee, dhabarjebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraatikeen
(Faraatikeen-ka)
(cudur) ilmasideenka oo madaxa keena ama soo wada dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraatikeen
m.l Keenidda ilmasidka geelu foodda soo muujiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraatikeen
m. n., [compound] complication in childbirth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraatikeen
-ka: (magac, lab, keli) cudur sababa ilmasideenku inuu soo dhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraatikeen
de: complication in childbirth
lx: faraatikeen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: faraatikeen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalsheegad
-ka: (magac, lab, keli) mannasheegad uu ruux wanaag hore qof kale uu sheegashadiisa ku dhibo. Dh: mannasheegad, abaalsheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysnaan
m.f.dh eeg abaaraysan. la-mid: abaaraysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) roobl'aan iyo nabaadguur qabitaan.