abaar ba'an
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Abaar ba'an
Absolute drought

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciyaar badan
(adj) playful (paleyful) ~ dheel badan, ciyaar miiran
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marmar badan
adv., time: frequently, many times
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marmar badan
many times; often (o fan) ~ mararka-qaarkood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taxadar la'aan
-ta: (n) carelessness (keer-les-nes); lack of attention; recklessness (rak-less-nes); negligence (neg-la-jansi); ~ aan feejignayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaarayn
(Abaarayn-ta)
Abaar ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarayn
m.f.dh eeg abaaree. la-mid: abaaraysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul iyo deegaan barwaaqo ahaa, xaalufin ama abaar ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: dardaran².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la abaabulay ahaansho (hawl).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaabulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la abaabulay ahaansho (hawl). m.f.dh, abaabulnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabulan
(tilmaame) wax si wanaagsan loo qabanqaabiyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaba'san
(tilmaame) wax tirtiran; wax aan jirin. Raad baaba'san lama raaci karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaritaan
(Baaritaan-ka)
Baaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaritaan
m.l 1. Raadinta wax qarsoon. 2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo bandhigay. la-mid: baarid².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaritaan
m.l 1. Raadinta wax qarsoon. 2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo bandhigay. la-mid: baarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaritaan
vl. n. investigation, analysis, research, inspection
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaritaan
ka: (n) 1. investigation (investageyshan); analysis (anaalisis) 2. checkup (jeek ap) Ex: baaritaan caafimaad; medical checkup [a general physical examination] baarid, baaris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax dahsoon raadin ku suubbin. Dh: baadhitaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaritaan
a: baadhitaan; baaraan, baarid, baaris
de: investigation, analysis, research, inspection
lx: baaritaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: baaritaan
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bar baraf
Ice point
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mar badan
souvent (de nombreuses fois).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaldaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax aan abaal lahayn ahaansho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaaldaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax aan abaal lahayn ahaansho (qof). m.f.dh, abaaldarnaan. abaaldarro m.dh Gudid ama aqoonsi la'aanta abaal la isu galay. la-mid: abaaldarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaaldaran
der. [adjective] ungrateful, ungracious, unpleasant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaaldaran
(adj) ungrateful (an.gareeyt.ful); not feeling or exhibiting gratitude, thanks, or appreciation ~ abaallaawe, asxaanlaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaldaran
(tilmaame) ruux aan ku fiicnayn inuu gudo abaal loo galay. Abaaldaran naftaydaay Allahaa u mahad celi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaaldaran
de: ungrateful, ungracious, unpleasant
lx: abaaldaran
pd: (abaaldarnaa)
ps: adj-der
key: abaaldaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax abaari haleeshay ahaansho (dhul).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax abaari haleeshay ahaansho. Tusaale: Meeshaasi waa dhul abaaraysan. m.f.dh, abaaraysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysan
(tilmaame) deegaan roob waayay oo oomane noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaarnaan
m.f.dh eeg abbaaran². la-mid: abbaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ku beegnaanta dhacdo ee milay ama meel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg amaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabba'san
Tirtirmay; aan muuqan; la baabba'shay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabba'san
f.mg4 (-naa, -nayd) Baabba' ku dhacay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baabba'san
f.mg4 (-naa, -nayd) Baabba' ku dhacay ahaansho. m.f.dh, baabba'sanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabba'san
der. [adjective] finished, wiped out, erased, annihilated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baabba'san
-aa / ayd: (adj) 1. eliminated (i-limineeytidh), eradicated (iraadikeeytidh). 2. wiped out (waaypidh aawt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabba'san
(tilmaame) wax tirtiran oo aan waxba ka jirin. Dh: burbursan, tirtiran. Li: jira, dhisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baabba'san
de: finished, wiped out, erased, annihilated
lx: baabba'san
pd: (baabba'sanaa)
ps: adj-der
key: baabba'san
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaarnaan
m.dh la-mid: gabranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarnaan
m.f.dh eeg habaaran². la-mid: habaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof habaar qaba ahaan. Dh: inkaarnaan. Li: ducaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaarraan
(Habaarraan-ta)
Wax habaaran ahaan; (ama habaarnaan).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaarraan
f. n., [abstract] state of being cursed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarraan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof la habaaray ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaarraan
de: state of being cursed
lx: habaarraan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: habaarraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abraaritaan
-ka: (magac, lab, keli) si kuddo iyo fiirsi la'aan ah u boodid oo wax u sii dhex jibaaxitaan. Dh: jibaaxitaan, majiiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) xumaan iyo dhib, qof kale, Eebbe uga baryitaan. Li: ducayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marar badan
adv., time: often, usually, frequently
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaroobitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaaroobid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Wanqar la'aan
Asymmetry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxtar la'aan
-ta: (n) uselessness (yuus-lis-nes) inefficiency (in-ifi-shen-si); incompetence (in-kom-pa-tensi); helplessness
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysnaan
m.f.dh eeg abaaraysan. la-mid: abaaraysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) roobl'aan iyo nabaadguur qabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaaradaysan
(tilmaame) calaamad lagu garto leh. Dh: calaamadaysan, summadaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) kobcid oo hanaqaadid. Dh: hanaqaaditaan, koritaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabayl-badan
(adj) windy (windi); stormy (istoormi)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marmar_badan
de: frequently, many times
lx: marmar badan
ps: adv-time
key: marmar_badan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rabdad baraf
Pack ice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabab la'aan
(adj) without reason; unreasonable (an-riisanabal) ~ aan sabab lahayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) geela mes baad iyo biyo leh u kaxeyen. Dh: xabaadhitaan.
xabbaaritaan -ka: (magac, lab, keli) xoolo ad lahayn xoog ku kaxaysasho. Dh: xabaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dhabarka ku qaaditaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daba yar yahay
shrink in number
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fansaar dhaban
Function, even
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fansaar dhafan
Composite function
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Abaar-ta
sécheresse.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarsad
m.l la-mid: abaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarsad
-ka: (magac, lab, keli) deegaan abaari heshay noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abasaxan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: abasaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abataqan
m.dh Meel aad uga fog qofka hadlaaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abataqan
(fal) hadal isdhaaf ah ku hadal.
abataqan -ka: (magac, lab, keli) hadal isdhaaf ah, ku hadlid.
abataqan -ka: (magac, lab, keli) meel qodan oo dalluun ah. Dh: dalluun, hog, jar, laalley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaaran
(ku abbaaran)
ku beegan; ku toosan; ku aaddan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaaran
abbaaran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Ku a.: wax waqti go'an meel ku aaddan noqosho. 2. Ku a.: wax meel ku aaddan noqosho.
abbaaran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Ku a.: wax waqti go'an meel ku aaddan ahaansho. 2. Ku a.: wax meel ku aaddan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abbaaran
f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Ku a.: wax waqti go'an meel ku aaddan noqosho. 2. Ku a.: wax meel ku aaddan noqosho. m.f.dh, abbaarmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abbaaran
der. [adjective] aimed at; directed toward
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abbaaran
-aa: (adj) directed (direk tidh); in a position facing: Ex: waxuu ku abbaaray halkaas; he directed it [faced] that way
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaaran
(tilmaame) «ku ~» ku beegan; ku toosan; ku qiyaasan. Saacaddu waxay ku abbaaran tahay kowdii habeennimo. Dh: beegan, qiyaasan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abbaaran
de: aimed at; directed toward
lx: abbaaran
ps: adj-der
key: abbaaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) tol iyo qaraabo la'aan. Caddaawe waxa uu reeraha kale baahada ula bixiyaa waa abla'aan. Dh: tolla'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
af badan
adj., [expression] sharp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarbaal
-ka: (magac, lab, keli) beertu marka ay afar dhegood leedahay; biqilku marka uu qiyaasta hal toddobaad jiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaadaan
v., pl., relative form, [inchoative] that they be / become ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahaadaan
(v) they were or they may become ~ ahaadeen
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaadaan
de: that they be / become ...
lx: ahaadaan
ps: v5a-3pl-rel-inch
key: ahaadaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaataan
v., pl., relative form, [inchoative] that you all be / become ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahaataan
(v) you become. Ex: waxaa la rabaa inaad carruur fiican ahaataan; you are supposed to become good children
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaataan
de: that you all be / become ...
lx: ahaataan
ps: v5a-2pl-rel-inch
xe: I hope that you will excuse us.
xv: Waxaan rejeynayaa inaad naga raalli ahaataan.
key: ahaataan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarnaan
m.f.dh eeg ajaran². la-mid: ajarnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaabayn
m.f.dh eeg alaabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xafiis iyo wax la mid ah, qalab shaqo soo dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
albaaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la albaabay noqosho (irrid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Araarayn
(Araarayn-ta)
Labo qolo oo dagaallama haya kala joojin; dagaal joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araarayn
m.f.dh eeg araaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qolo oo dagaallamaya kala joojin. Araaraynta reeraha, aabbaa innoo dhigay. Araare ajal ma oosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaarayn
m.f.dh eeg awaare.