abaalsheegad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalsheegad
-ka: (magac, lab, keli) mannasheegad uu ruux wanaag hore qof kale uu sheegashadiisa ku dhibo. Dh: mannasheegad, abaalsheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaalsheegad
m.l la-mid: itaalsheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaalsheegad
(magac, lab, keli) xoogsheegad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mannasheegasho
-da: (magac, dhedig, keli) abaalsheegad oo qof wax horay loo siiyay ugu faanid. Mannasheegasho waa macnadarro. Dh: abaalsheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarsheegasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof aad wax tartay kolba wixii aad u qabatay u sheegasho. Dh: mannasheegasho, abaalsheegad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalsheegasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg abaalsheegad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanasheegad
-ka: (magac, lab, keli) eeg aanadoonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dansheegad
(Dansheegad-ka)
Dansheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dansheegad
m.l la-mid: dansheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dansheegad
vl. n. proclaming one's interests
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dansheegad
-ka: (magac, lab, keli) cabasho baahi la sheegto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dansheegad
a: dansheegasho (/da) [vn6-f]
de: proclaming one's interests
lx: dansheegad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dansheegad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarsheegad
-ka: (magac, lab, keli) abaalsheegad, qof aad wax u qabtay, u mannasheegad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaaldhurad
vl. n., [compound] pension
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaaldhurad
-ka: (n) pension (peen-shin); a sum of money paid regularly as a retirement benefit ~ lacagta hawlgabka ama lacagta weekiyada
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaaldhurad
de: pension
lx: abaaldhurad
pd: (-ka)
ps: vn-m-cmp
syn: mushaar hawlgab
key: abaaldhurad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybsheegad
-ka: (magac, lab, keli) qof haybtiisa iyo waxa uu yahay sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaalsheego
f.mg3 (-gtay, -gatay) U i.: wax xoog ku maquunin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
itaalsheego
f.mg3 (-gtay, -gatay) U i.: wax xoog ku maquunin. m.f.dh, itaalsheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
itaalsheego
v. show one's own strength ~ superiority
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
itaalsheego
de: show one's own strength ~ superiority
lx: itaalsheego
pd: (itaalsheegtay)
ps: v3b=intr
key: itaalsheego
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baas'sheegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xun oo keliya sheegid. Baas'sheegid iyo belo Allow naga ahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mannasheegad
m.l la-mid: mannasheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mannasheegad
-ka: (magac, lab, keli) abaal shee gasho anaa waxaa ku siiyay anaa waxaa kuu sameeyey cid lagu yidhaa; cid abaal loo sameeyey oo mar walba loogu faano. Mannasheegadku waa bahdilaad. Dh: mannasheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaalsheegasho
m.f.dh eeg itaalsheego. la-mid: itaalsheegasho itaalsheegad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaalsheegasho
(magac, dhedig, keli) marka sida loo kala xoogbadanyahy la isku muquuniyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habka dheegid
Inductive Method
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaldhac
(Abaaldhac-a)
Abaal laysu falay been iyo asaraar ku gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaldhac
abaaldhac¹: m.l Samo la isu galay oo wixii uu mudnaa aan lagu gudin. la-mid: abaaldhicid.
abaaldhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Ka a.: samo la isu galay wixii uu mudnaa ku gudid la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaaldhac
m.l Samo la isu galay oo wixii uu mudnaa aan lagu gudin. la-mid: abaaldhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaaldhac
v., [compound] not repay a favor, fail to reciprocate
abaaldhac vl. n., [compound] ingratitude, ungratefulness, failure to reciprocate a favor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaldhac
-a: (magac, lab, keli) wanaag la isu taray oo aan la gudin. Abaaldhac uquubo ayuu dhalaa. abaaldhigad -ka: (magac, lab, keli) cid wax u tarid iyada oo abaal danbe mustaqbalka laga sugayo. Soomaalidii hore abaaldhigad bay lahayd. Dh: abaaldhigasho. Li: abaaldar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaseere
m.l Qof madax ka ah goobta booranaha ama mingiska lagu tumo. la-mid: abbaseere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalashee
f.g2 (-sheeyey, -sheysey) la-mid: baalash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalashee
(fal) mari kabaha baalash ama dhaashi midabaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalshiig
-ga: (magac, lab, keli) baalasha haadka ku wooda buka oo laga rifo. Digaagga baalshiigga ka rif.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balasheeg
-ga: (magac, lab, keli) qof balaayo iyo baas mar walba ka warrama oo calaalcal badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaansheeg
m.dh (-gyo, m.l) (dhaq.) Qoraal cid lagu weyddiinayo badeeco ay hore u qaadatay qiimahooda in ay bixiso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaansheeg
m.dh (-gyo, m.l) (dhaq.) Qoraal cid lagu weyddiinayo badeeco ay hore u qaadatay qiimahooda in ay bixiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaansheeg
f. n. commercial invoice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaansheeg
-ga: (n) invoice (in-vooys); bill (bid); invoice of goods shipped or services provided ~ qaansheegto, Ex: shirkaddayadu waxay u dirtay qaansheeg (qaansheegto) bil ka hor; Our company sent him an invoice a month ago
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
QAANSHEEG
Fattura
Central bank
Waa warqad qof, Shirkad, ama Hay'adi, alaab la gatay, ama hawl la qabtay, lacagtood ku weydiisanayso qofkii, Shirkaddii ama Hay'addii alaabta qaadatay, ama hawsha loo qabtay.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qaansheeg
Fattura
Invoice; bill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansheeg
-ta: (magac, dhedig. keli) warqad deymaha lagu qoro oo muddada bixinteedu ay ku caddahay maalin bil sannad iyo wixii la mid ah. Qaansheegta aad amaahaha ku qortay ii keen. Dh: deynsheeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaansheeg
de: commercial invoice
lx: qaansheeg
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: qaansheeg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaareysad
m.l la-mid: abaaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baas'sheeg
-ga: (magac, lab, keli) qof waxa xun oo keliya sheega oo belo ka warrama.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashiraad
-da: (magac, dhedig, keli) weji furan iyo farax ku soo dhoweynta iyo qaabilaadda qof marti ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirsheegad
-ka: (magac, lab, keli) qofka oo haybtiisa tilmaama isagoo cabsoonaya ama cid kale ka cabsiinaya. Dh: haybsheegad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaleexad
m.l la-mid: laballeexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warsheegid
(Warsheegid-da)
Warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warsheegid
m.f.dh eeg warsheeg². la-mid: warsheeg¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxsheegid
m.dh 1. Hadlid. 2. Hamasho. la-mid: waxsheeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxsheegid
-da: (magac, dhedig, keli) war ama xog kale oo loo baahnaa cid u tebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaldhicid
(Abaaldhicid-da)
Abaal laysu galay oo la asaraaro, oo la beeniyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaldhicid
m.f.dh eeg abaaldhac². la-mid: abaaldhac¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beensheegid
m.dh Ku hadlidda qof hadal been ah ku hadlo. la-mid: beensheeg (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beensheegid
-da: (magac, dhedig, keli) been ku warramid; hadal xaqiiqada ka duwan dhihid. Beensheegid ninka caado ka dhigtaa beenaale ayuu noqdaa. Dh: beensheegis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballeexad
m.l Socod dan la'aan ah oo uu qofku iska wareego. la-mid: labaleexad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballeexad
-ka: (magac, lab, keli) socod dan la'aan ah oo uu qofku iska wareego. Dh: labaleexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaansheegte
m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof qaansheeg soo qortay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaansheegte
m. n. creditor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaansheegte
-qaansheegtaha: (n) one who sends an invoice or bill to customers; creditor (karedhi-ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansheegte
-ha: (magac, lab, keli) qof cid kale deyn ku leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaansheegte
de: creditor
lx: qaansheegte
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qaansheegte
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minnasheegad
m.l la-mid: mannasheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabushaysad
-ka: (magac, lab, keli) (u ~) isku diyaarin iyo agaasimid sida ugu fudud ee u fiican loo qorsheeyo. Tabaabushaysad ayey u qalab urursanayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanasheegasho
-da: (magac, dhedig, keli) raadinta aargudashada xumaan hore loo geystay. Dh: aanadoonasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaldhigasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg abaaldhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaarikeentay
(Abaarikeentay-da, Abaarikeentay-ga)
Dad aan dhulka ku dhalan oo waa danbe dalaw ku yimid; gadaalka'imaad; kooyto (ab'ogaa iyo abaarikeentay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarikeentay
m.l/dh.u Dad aan dhulka ku dhalan oo waa dambe dalaw ku yimid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaarikeentay
m.l/dh.u Dad aan dhulka ku dhalan oo waa dambe dalaw ku yimid. Tusaale: Soomaalidu waxay u kala bixi jirtay: ab'ogaa iyo abaarikeentay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaarikeentay
m. n., [collective] refugee, resettled drought victim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarikeentay
-ga: (magac, lab, keli) dad meeshii ay degga-naayeen abaar uga soo qaxay oo halka ay deggan yihiin gadaalyimid ku ah. Abaarikeentay maahine, arliguu badh leeyahay. Dh: gadaalyimid, koyto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaarikeentay
de: refugee, resettled drought victim Lit: one brought by drought
lx: abaarikeentay
pd: (-ga ~ -da)
ps: n6-m/f, n7-m/f
key: abaarikeentay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daba'aleelaad
-ka: (magac, lab, keli) xayawaan. dabada wax ku qaniina oo jidhkiisuna aleelo leeyahay iyo qolfo. Daba'aleelaad ayaa xalay i qaniinay. Dh: dibqallooc, qarraaf, hangaralle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaldhacsad
m.l la-mid: gabbaldhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaardhexaad
-ka: (magac, lab, keli) lakab jinsi oo u dhexeeya dub duleedka iyo dub gudeedka. waxaana uu soo saaraa nudo isku-xidhayaal dhiiqa, muruqyada iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaabusheeye
m. n. organizer, programmer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaabusheeye
de: organizer, programmer
initial: t
lx: tabaabusheeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tabaabusheeye
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u itaalsheego
v. abuse one's power
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_itaalsheego
de: abuse one's power
initial: u
lx: u itaalsheego
pd: (itaalsheegtay)
ps: v3b=expr
key: u_itaalsheego
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabagbarsheed
-ka: (magac, lab, keli) qayb ka mid ah malabka shinnida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaandheregla'
-da: (magac, dhedig, keli) lafdhabarta geela oo cadka laga jaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaad sheegtey
greeting: How are you?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaad_sheegtey
de: How are you? Lit: What did you tell?
lx: maxaad sheegtey
ps: greeting
key: maxaad_sheegtey