aardoonasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aardoonasho
m.f.dh eeg aardoono. la-mid: aardoonad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aardoonasho
-da: (magac, dhedig, keli) goosashada eed hore, aanadeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arahdoonasho
m.f.dh eeg arahdoono. la-mid: arahdoonad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arahdoonasho
-da: (magac, dhedig, keli) qadhaab ka raadsashada dhirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargoosasho
m.f.dh eeg aargooso. la-mid: aargoosad, aargoosi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargoosasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato hore loo geystay, biilideedii qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aardoon
m.l Qof, qof kale oo dakane ka galay raadinaya. la-mid: aardoonad, aardoonasho, aarsashaddoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karandoonasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka roobka karantu ku da'ay aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aardoono
f.mg3 (-ntay, -natay) Qof in uu aano soo guto meel u aadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aardoono
(fal) cid aano hore kuu geysatay, ka gooso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doonasho
(Doonasha-da)
Raadsasho, jersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doonasho
m.f.dh eeg doono.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doonasho
vl. n. desire, seeking; fetching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doonasho
-da: (magac,dhedig, keli) wax aan la hayn, raadsasho. Dh: raadsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doonasho
de: desire, seeking; fetching
lx: doonasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: doonasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aardoonad
m.l la-mid: aardoonasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aardoonad
-ka: (magac, lab, keli) aano kaa maqnayd raadsashadeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroosasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aroosad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baroorasho
(Baroorasha-da)
Baroor samayn; boohin badan oo lagu dheeraysana hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorasho
m.f.dh eeg barooro. la-mid: baroorad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baroorasho
vl. n. crying, act of mourning, keening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baroorasho
-baroorashada: (n) the act of mourning (mooning) ~ baroodiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroorasho
-da: (magac, dheddi, keli) oohin dhiillo iyo naxdin leh oo ay qofka ka keento geeri ama dhib kale oo soo gaadhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baroorasho
de: crying, act of mourning, keening
lx: baroorasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: baroorasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoocasho
m.f.dh eeg garooco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garoocasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto kolba dhan ka cunis. Dh: dhinacasasho; baalsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoomasho
m.f.dh eeg garoomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karoorasho
m.dh la-mid: karuurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madoobasho
vl. n. becoming black
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madoobasho
de: becoming black
lx: madoobasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: madoobasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addoonsasho
(Addoonsasha-da)
Addoon ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addoonsasho
m.f.dh eeg addoonso. la-mid: addoonsad, addoonsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoonsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg addoonsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargoosasho
m.f.dh eeg sargooso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargoosasho
-da: (magac, dhedig, keli) qorshaysasho, joongoosasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabargoosasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka neef ishin ah xadhig lagaga xidhay lugaha uu ka furfurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarsoonaansho
m.l/dh la-mid: qarsoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarsoonaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax aan muugan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warroonaansho
m.l/dh la-mid: warroonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arkoonaansho
m.l/dh la-mid: arkonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arkoonaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg arkoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalgoosasho
-da: (magac, dhedig, keli) hawl badan ama socod dheer oo aad soo gashay ka nasasho. Daalgoosasho ayuu safarkii ku jiraa weli. Dh: daaltirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daardaarasho
m.f.dh eeg daardaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daardaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) caano la lulayo kolba in yar baabacada ku dhiijisasho. Gabadh caana lulaysa daardaarasho looma diido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doondoonasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax lumay daydayasho. Weli ma guursane doondonasho ayaan ku jiraa. Dh: doodoonad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guddoonsasho
(Guddoonsasha-da)
Guddoon samaysasho; talo ama arrin si ku dhammaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoonsasho
m.f.dh eeg guddoonso. la-mid: guddoonsad, guddoonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandoobnaansho
m.l/dh la-mid: gantoobnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandoobnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la gaabshay oo aan la dhammaystirin ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargooso
f.mg3 (-stay, -satay) Ka aa.: cid, cid kale oo waxyeelo u geystay ka gudasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aargooso
f.mg3 (-stay, -satay) Ka aa.: cid, cid kale oo waxyeelo u geystay ka gudasho. m.f.dh, aargoosasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargooso
(fal) cid kale aano ay kuu geysatay, ka gooso; cid dhib kuu geysatay, ka aargudo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarsasho
(Aarsasha-da)
Aargudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarsasho
m.f.dh eeg aarso. la-mid: aarsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarsasho
vl. n. vengeance, act of taking revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarsasho
-aarsashada: (n) retaliation (ri-taali-yeey-shin); revenge (riveenji) ~ aargudasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid dhib iyo aano loo geystay, soo gudasho. Dh: aargoosad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarsasho
de: vengeance, act of taking revenge
lx: aarsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: aarsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addoonso
f.g3 (-saday, -satay) Cid addoon ka dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
addoonso
v. enslave
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoonso
(fal) addoon ka dhigo; cid kale gumayso. Addoonso ayaa ku yidhi, dadkaa adigoo kale ah? Dh: gumayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
addoonso
de: enslave
lx: addoonso
pd: (addoonsaday)
ps: v3a=
key: addoonso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonsho
-ha: (magac, lab, keli) garashada iyo fahanka cilmi daahnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogasho
(Doogasha-da)
1. Roob badani ku di'id.
2. Nabar hore oo inuu biskoodey la mooda hayey, xanuun iyo lahan danbe soo celin; soo labakaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogasho
m.f.dh eeg doogo. la-mid: doogad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doogasho
vl. n. recurrence of pain in an old wound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhul, doog iyo tigaad cusub yeelasho. Imika ayuu dhulku doogasho bilaabayaa.
doogasho -da: (magac, dhedig, keli) nabar hore soo gocasho oo hoosta ka soo bukoosho. Jugtii gaadhay ayuu nabarkii doogasho bilaabay. Dh: kacdoon, gocasho.
doogasho -da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo gaajo horay loo soo maray ka soo rayn oo ka soo kabasho. Xoolihii maalamahan ayaan doogasho ka dareemaynnaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doogasho
de: recurrence of pain in an old wound
lx: doogasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: doogaad
key: doogasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorasho
(Doorasha-da)
Dad ama waxyaalo badan ama arrimo kale, kan ama kuwa ugu fiican oo u doorroon kala bixid; ka togasho; ka xulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorasho
m.f.dh eeg dooro². la-mid: doorad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorasho
vl. n. choosing, choice; nomination; election, [pl.] elections
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doorasho
-doorashada: (n) election (ilek-shan), vote (vowt); (jooys) food, ka xulasho choice
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Doorasho
Elezione; selezione
Election; selection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad rabtid, kuwo kale ka bidid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorasho
a: doorad (ka) [vn2-m]
de: choosing, choice; nomination; election, [pl] elections
lx: doorasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: doorasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
doorasho
انْتِحَابِ اخْتِيَارِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardhasho
m.f.dh eeg dardho². la-mid: dardhad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardhasho
-da: (magac, dhedig, keli) qabaw iyo roob ku qooyay, qadhqadhyo la dareemid. dardho: (fal) roob iyo qabow dartii la qadhqadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kardhasho
m.f.dh eeg kardho².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kardhasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareen hunguri oo qofka gala marka uu raagsado wax uu baahi u qabay oo uu sugi kari waayo siiba cuntada. Dh: qumbacasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargoosato
-da: (magac, dhedig, keli) nafley badda ku nool oo la qadhaabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aargudasho
(Aargudasha-da)
Aarsasho; Aarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargudasho
m.dh eeg aargudo. la-mid: aargudid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aargudasho
vl. n., [compound] act of taking revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aargudasho
-aargudashada: (n) retaliation (ritaali-yeey-shiri); ~ aarsi-ga, aarsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargudasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) eeg aargudad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aargudasho
de: act of taking revenge
lx: aargudasho
pd: (/da)
ps: vn6-f-cmp
key: aargudasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgoosasho
-da: (magac, dhedig, keli) hore u dhicid kufitaan afka loo dhaco.
afgoosasho-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, hadal u diiditaan ay canaani ku jirto; canaantan iyo gooddi qofka lagu aammusiiyo. Afgoosashada anaa diiday, marti ma aha ereygaygu, odhaahdiisa waan sheegan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqoonsasho
(Aqoonsasha-da)
Aqoon u yeelasho; barasho; ogaansho; garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonsasho
m.f.dh eeg aqoonso. la-mid: aqoonsad, aqoonsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonsasho
-da: (magac, dhedig, keli) aqoon u yeelasho. Dh: barasho, garasho.
aqoonsasho -da: (magac, dhedig, keli) cid kuu dhiganta ictiraafid. Dh: aqoonsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroorsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ceel iyo meel biyo leh geysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboolasho
-da: (magac, dhedig, keli) weel afka wax ka saarasho. Dh: aabbudhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowsasho
m.f.dh eeg garowso. la-mid: garowsad, garowsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garowsasho
-da: (magac, dhedig, keli) garaysasho; garawsad; garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagoogasho
(Hagoogasha-da)
Maro, kd., si hagoog leh u huwasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagoogasho
m.f.dh eeg hagoogo. la-mid: hagoogad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagoogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hagoogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harowsasho
m.f.dh eeg harowso. la-mid: harowsad, harowsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malooqasho
m.f.dh eeg malooqo.