aanqasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanqasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof baad iyo biyo la'aan u liita. Dh: aq, caq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danqasho
(Danqasha-da)
Daqnasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danqasho
m.f.dh eeg danqo. la-mid: damqad, damqasho, danqad, daqmad, daqmasho, daqnad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danqasho
vl. n. act of hurting an already sore spot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danqasho
-danqashada: (n) hurting (harting); feeling pain from an injured spot ~ damqasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqasho
-da: (magac, dhedig, keli) damqasho yeelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danqasho
de: act of hurting an already sore spot
lx: danqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: danqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqasho
m.f.dh eeg sanqo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqasho
-da: (magac, dhedig, keli) isha ama sanka oo la iskala hadlo, farriin afjaaq ah la isugu gudbiyo, iyada oo dadka kale laga qaraniyo. Sanqashadu waa hadal haddana waa si gooni ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baansasho
(Baansasha-da)
Baan helid; baan, ku ladnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baansasho
m.f.dh eeg baanso. la-mid: baansad, baansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baansasho
-da: (magac, dhedig, keli) baan ku raysasho. Baansashadu bukaankan way ka muugataa.
baansasho -da: (magac, dhedig, keli) qof buka, dhakhtar, wadaad ama cid kale oo wax dawaysa u geysasho. Dh: baansad, baansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanyasho
m.f.dh eeg saanyo. la-mid: saanyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanyasho
-da: (magac, dhedig, keli) saami sheegasho; saanyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqasho
(Aqasha-da)
Aq u dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqasho
m.f.dh eeg aqo. la-mid: caqasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqasho
vl. n. starvation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqasho
-aqashada: (n) extreme lack of water and food; starvation (staarveeyshen) ~ aq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhanqale la'aan dartii dhimasho; harraad u dhimasho. Dadkani aqasho ayay u daateen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqasho
de: starvation
lx: aqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: aqasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbasho
(Anbasha-da)
Jid ama meel ka habaabid; dhumid; lumid; anbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anbasho
vl. n. misdirection, getting lost
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anbasho
-anbashada: (n) the act or an instance of wandering; to go astray ~ ambasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbasho
-da: (magac, dhedig, keli) fakasho iyo jidkii ka lumid. Dh: anbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anbasho
bw: ambo
de: misdirection, getting lost
lx: anbasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
syn: lumid
key: anbasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqasho
(Baqasha-da)
Wax cabsi leh, ka cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqasho
m.f.dh eeg baqo². la-mid: baqe, baqo¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqasho
vl. n. fear, flight from fear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baqasho
-baqashada: (n) 1. the feeling of fear; fearfulness. 2. the state or condition of fleeing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareen cabsiyeed oo xoog leh. Dh: baqdin, bajin. Li: dhiirrasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqasho
de: fear, flight from fear
lx: baqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: baqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqasho
m.dh la-mid: aqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanasho
m.f.dh eeg fano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fanad. fanax: magac loo baxsho wiil labadiisa fool ee hore kala durugsanyihiin ama debinta sare sarantahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganasho
m.f.dh eeg gano. la-mid: genasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganasho
-da: (magac, dhedig, keli) fallaadh, xabbad iyo wax kale oo la mid ah, tuurasho oo ridasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanasho
(Hanasha-da)
Hantiyid; wax yeelasho; wax qabsasho; taabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanasho
m.f.dh eeg hano.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hanasho
handling
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanasho
vl. n. appropriating ~ acquiring wealth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanasho
-hanashada: (n) the act of handling or bearing responsibility
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax hantiyid oo gacanta ku dhigid; wax yeelasho. Dh: hantiyid, taabid, yeelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanasho
de: appropriating ~ acquiring wealth
lx: hanasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: hano
key: hanasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haqasho
m.f.dh eeg haqo. la-mid: haqad (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarsasho
(Aarsasha-da)
Aargudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarsasho
m.f.dh eeg aarso. la-mid: aarsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarsasho
vl. n. vengeance, act of taking revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarsasho
-aarsashada: (n) retaliation (ri-taali-yeey-shin); revenge (riveenji) ~ aargudasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid dhib iyo aano loo geystay, soo gudasho. Dh: aargoosad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarsasho
de: vengeance, act of taking revenge
lx: aarsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: aarsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aasmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baanasho
(Baanasha-da)
Cunno baan noqon karta siin; baanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanasho
m.f.dh eeg baano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baanad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqasho
(Baaqasha-da)
Wax dhici lahaa oo aan dhicin; meel la aadi lahaa ama la iman lahaa iska deyn ama dib u dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqasho
m.f.dh eeg baaqo. la-mid: baaqad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaqasho
vl. n. failure to arrive ~ occur; remaining absent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaqasho
-baaqashada: (n) arrival or departure cancellation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax daba mara oo ka dibdhaca waqtigii lagu waday in uu dhaco ama uu yimaaddo. Dh: dibudhac, dibdhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaqasho
a: baaqad (ka) [vn-m]
de: failure to arrive ~ occur; remaining absent
lx: baaqasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: baaqo
key: baaqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balqasho
(Balqasha-da)
Walcasho; daadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balqasho
m.f.dh eeg balqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balqasho
vl. n. spilling over; drooling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareere ka daadashadiisa hareeraha weelka uu ku jiray. Balqashay caanihii ku idlaadeen. Dh: walcasho, daadasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balqasho
de: spilling over; [fig.] drooling
lx: balqasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: balqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damqasho
m.dh la-mid: danqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawac ama nabar aan weli bogsan, xanuunka la dareemo kolka wax la gaadhsiiyo ama wax ku dhacaan, ama la taabto. Dh: danqasho, damqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gansasho
m.f.dh la-mid: gensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanbasho
(Hanbasha-da)
Calaacasha godan wax ku jira (sonkor, badar, kd.) kol keliya afka ku ridasho; hanbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanbasho
vl. n. eat with ~ from one's hand
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanbasho
cf: hanbo
de: eat with ~ from one's hand
lx: hanbasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hanbasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqasho
m.f.dh eeg harqo. la-mid: harqad (3), hirqad, hirqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinqasho
(Hinqasha-da)
Kicid u hollasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinqasho
m.f.dh eeg hinqo. la-mid: hinqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinqasho
-da: (magac, dhedig, keli) kicitaan isku diyaarin; kicid u hollasho. Dh: ruqaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqasho
m.f.dh eeg marqo. la-mid: maraqsad, maraqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ransasho
(Ransasha-da)
(xoolo, kd.) ramasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ransasho
m.dh la-mid: ramasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ransasho
vl. n. maternal feeling (of animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ransasho
-da: (magac, dhedig, keli) ransad; ransi. ranso: (fal) xoolo ransasho samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ransasho
a: ransi (ga) [vn-m]
de: maternal feeling (of animal)
lx: ransasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: ramasho
key: ransasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaadhasho qashin iyo wixii yaalba ka salabayn oo ka nadifi Gaari xaaqashada aqalkeeda looma tilmaamo. Dh harasho, xaadhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xansasho
m.f.dh eeg xanso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysasho
m.f.dh eeg aanayso. la-mid: aanaysad, aanaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aanaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasnaansho
m.l/dh eeg aasnow. la-mid: aasnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasnaansho
-ha: (magac, lab, keli) xabaalnida wax uu ku jiro meel la qoday. Dh: aasnaan, aasni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaansasho
m.f.dh eeg ayaanso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) ayaan iyo nasiib ka dayid; ku nasiibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaansasho
(Dhaansasha-da)
Rati ama wax kale oo weel biyood saaran yahay, ceel ama webi ama meel kaloo biyo ku jiraan geyn oo biyo ku soo qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansasho
m.f.dh eeg dhaanso. la-mid: dhaansad, dhaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo u aroorid oo soo dhaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabnaasho
-ha: (magac, lab, keli) wax aan dherer lahayn, dherer yaraan, wax joog yar. Dh: gaabni, gaabnaan. Li: dheeraansho; joogyaraansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalansasho
-da: (magac, dhedig, keli) sidasho aan dusha la saarine, wax la laadlaadsado. Dh: lalansad, laalaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magansasho
-da: (magac, dhedig, keli) tuugsasho; cid wax weydiisasho. Qof magansasho kuugu yimid marka u horraysa madhnaan lama cesho. Dh: magansi, baryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raransasho
m.f.dh eeg raranso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raransasho
-da: (magac, dhedig, keli) raran ku samaysasho.