aanaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanaysi
(Aanaysi-ga)
Godob u raadsi; xigtaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysi
m.l 1. Godob u raadsi. 2. Xigtaysi. la-mid: aanaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aanaysi
vl. n. blame, act of blaming, holding someone responsible
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysi
-ga: (magac, lab, keli) eegaargudasho ku salaysan godob horay loo geystay. Dh: aanaysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aanaysi
de: blame, act of blaming, holding s.o. responsible
lx: aanaysi
pd: (-ga)
ps: vn7-m
key: aanaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaysi
-ga: (magac, lab, keli) beer aala ka gurasho; aale ka cuunid. Dh: quwaaxaysi, eeleysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. Godob u raadsasho. 2. Qaraabannimo ama saaxibnimo awgeed cid u xigsasho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanayso
(fal) godob horay laguugu geystay, cid kale uga aargudo. Ha aanaysan ninkii godob kaa galaye, xaqaaga weydiiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaysi
-ga: (magac, lab, keli) cid ama wax la garabsado oo gargaar laga dhigto. Is aawaysiga ayaa horumar laagu gaadhaa. Dh: taageersi, kaalmaysi gargaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaysi
(Danaysi-ga)
Danaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysi
m.l Qabsashada qof uu qabsado dan uu leeyahay. la-mid: danaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danaysi
m.l Qabsashada qof uu qabsado dan uu leeyahay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danaysi
-ga: (n) the state of being opportunistic (opar-junistik)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Danaysi
Perseguimento
Pursuit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysi
-ga: (magac, lab, keli) danaysad ku dhaqmid.
danaysi-ga: (magac, lab, keli) marka aad muraadkaaga oo keliya wax walba ka horraysiisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanaysi
m.l la-mid: fanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanaysi
-ga: (magac, lab, keli) dhugdhugleyda, gammaanka iyo wixii la mid ah, xagga danbe fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waaceensi
(Waaceensi-ga)
Aanaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysasho
m.f.dh eeg aanayso. la-mid: aanaysad, aanaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibnimo
-da: (magac, dhedig, keli) marka labo qof ay isugu yimaadaan wax isku ahaansho. Cumar iyo Cabdi waxa ka dhexeeya ibnimo. Dh: aanaysi, qaraabanimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaceensi
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, soo dhawaysi; ehel ka dhigasho. Dh: aanaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaceensi
cf: aanaysi
de: blame, desire for revenge
initial: w
lx: waaceensi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: waaceensi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naanaysid
m.f.dh eeg naanays³. la-mid: naynaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naanaysid
-da: (magac, dhedig, keli) naanays ku magacaabid. Dhallinyaradu naanaysid iskana daayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg aaddaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysad
m.l la-mid: aanaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysad
-ka: (magac, lab, keli) aargudasho ku salaysan godob horay loo geystay. Dilalkii dhacay waxay ahaayeen aanaysad. Dh: godobaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anafaysi
-ga: (magac, lab, keli) kibir iyo islaweyni muujin. Anafaysi aayar baa dhaama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasaysi
m.l la-mid: baasaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baasaysi
m.l Wax shar leh aaminid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baasaysi
- ga: (n) pessimism (pese miizem); a negative approach ~ baase-ha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasaysi
-ga: (magac, lab, keli) rumayn la rumeeyo in shay uu mar walba xumaan horseed u yahay. Baasaysiga qambaarku waa xujo aan daliil loo hayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayaysi
-ga: (magac, lab, keli) hadal naxariis iyo ka naxsasho ku lammaan tahay oo gabdhaha lagu sabo kana dhigan 'walaal'. Dh: beerlaxawsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg bannaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadaysi
m.l la-mid: caadaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadaysi
vl. n. habit, custom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caadaysi
-ga: (n) getting used to; accustoming [oneself to] ~ u barasho. Ex: caadaysiga hawada qabawga ah; getting used to the cold weather
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg caadaysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caadaysi
de: habit, custom
lx: caadaysi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: caadaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanayso
(fal) cunto, shaah iyo la mid ah, caano ku darso.
caanayso: (fal) neef, caano yeelo. Caanayso si aad uu deeqdo ilmahaaga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafaysi
-ga: (magac, lab, keli) hawl iska nanasin. Gaadhka ciidanku waa gaafaysi. Dh: wareegto, jilaysi, moogtan, meerto, kaayaysi, kaalaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbaysi
(Ganbaysi-ga)
Ganbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaayaysi
-ga: (magac, lab, keli) hawl, ruux ba maalin qabasho; xoolo, nin ba maalin jirid. Dh: kaltan, kal, kaaye, kaalmaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladnaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax ladan ka dhigid; caafimaadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macnaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg macnaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaxaysi
(Raaxaysi-ga)
Raaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxaysi
m.l la-mid: raaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanaysi
-ga: (magac, lab, keli) shanaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg waaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg xaajaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasaysi
-ga: (magac, lab, keli) guursi oo islaan iyo carruur yeelad. Dh: xaasaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjaysi
-ga: (magac, lab, keli) xanjo samaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantaysi
-ga: (magac, lab, keli) xantaxanto samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aanay
vl. pron., neg. she / it [fem.] ... not; they ... not
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanay
(fal) (u ~) wax ama shay godobtiisa ama sababtiisa cid kale u raac ama u tiiri. Gef walba ciddii iska lahayd u aanay. Dh: aanee.
aanay: (magac'uyaal) tilmaamaya qofka saddexaad oo dhedig oo gala weedh diidmo ku jirto. Gabadhii waxaa loo dhisay wiil aanay rabin. Ciidda waxa la isku diyaariyaa inta aanay soo gali, ayna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aanay
a: ayan
de: she / it [fem] ... not; they ... not = aan + ay
lx: aanay
pd: (aaney)
ps: neg + vpro
key: aanay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanayn
(Aanayn-ta)
Aano ku raadin ama darteed wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanayn
m.f.dh eeg aanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» fal cid kale u tiirinta, si loo muujiyo in uu sababtiisa lahaa. Aanaynta gabay fidnadeed oo aanay lahayn Caasha, waa xadgudub loo gaystay xuquuqda qoraalka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danays
-ka: (magac, lab, keli) dan iyo fiiro gaar ah u yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanays
-ka: (magac, lab, keli) dhugdhugleyda, gammaanka iyo wixii la mid ah, qof labaad, xagga danbe fadhiisin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-anaysa
a: =-aneysa
de: it is you who are / she who is doing (X)
lx: -anaysa
ps: v3-2sg/3f-subj-prog
key: -anaysa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalayso
(fal) aale ka guro ama ka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasaasi
m.l la-mid: asaasi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aasaasi
m. n. (adj.): basis, basics; basic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasaasi
-ga: (n) 1. essential (i-sen-shel); fundamental (fan-dha-men-tai). 2. inherence or indispensable ~ lama huraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasi
-ga: (magac, lab, keli) waxa mahuraankal ah ee wax kale aan looga maarmayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aasaasi
de: basis, basics; [atr.] basic
lx: aasaasi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: aasaasi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
aasaasi
أَسَاسِيَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adkaysi
(Adkaysi-ga)
Hawl, dhibaato, xanuun, dhabar-adayg u lahaansho; dulqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adkaysi
adkaysi¹: m.l 1. Dhibaato hawl, xanuun, dhabar'adayg u lahaansho; dulqaad. 2. la-mid: adkaysasho.
adkaysi²: m.l (daawo) Awoodda difaaca jirka: waa cabbir adkeysanka jirka uu cudurrada u yeelan karo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adkaysi
adkaysi¹: m.l 1. Dhibaato hawl, xanuun, dhabar'adayg u lahaansho; dulqaad. Tusaale: Afeef hore lahaw ama adkaysi dambe. 2. la-mid: adkaysasho.
adkaysi²: m.l (daaw.) Awoodda difaaca jirka: waa cabbir adkeysanka jirka uu cudurrada u yeelan karo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
adkaysi
endurance
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adkaysi
vl. n. endurance, patience, tolerance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adkaysi
-adkaystay / adkaysatay: (v) endure (indhuur); resist (risiizt); endure something with tolerance and patience.
ku adkayso - adkastay / adkaysatay: (v) persist (persiist); insist (insiisf); refuse to yield. Ex: waxuu ku adkaystay inuusan arag; he insisted, that he had not seen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adkaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg adkaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adkaysi
de: endurance, patience, tolerance
lx: adkaysi
pd: (-ga)
ps: vn7-m
key: adkaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afhaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg afhaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg afraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg Allaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaysi
m.l la-mid: bahaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bahaysi
-ga: (n) 1. a connection based on motherly kinship. 2. alliance (a leey ansi)~ isbahaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg bahaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaysi
m.l la-mid: bunaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg bunaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanays
-ka: (magac, lab, keli) eeg caanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaysi
-ga: (magac, lab, keli) cadaysasho oo badheedhid.
cadaysi -ga: (magac, lab, keli) wax cad ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof, dan u gaar ah fushasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof, dan u gaar ah fushasho. m.f.dh, danaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danayso
v.auto: follow after one's interests, be opportunistic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danayso
-danaystay / danaysatay: (v) 1. be opportunistic (opar-junistik) 2. use something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danayso
(fal) dantaada ka raaco. Dantaada u dibjir oo danayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danayso
de: follow after one's interests, be opportunistic
lx: danayso
pd: (danaystay)
ps: v3b=auto
key: danayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facaysi
(Facaysi-ga)
Facaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaysi
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg facaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanayso
f.g3 (-stay, -satay) Faras la fuushanyahay gadaal ka fuulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanayso
(fal) faras ama wax la mid ah, qofka wada daba fadhiiso.