aanadoonid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanadoonid
-da: (magac, dhedig, keli) raadinta aargudashada xumaan hore loo geystay. Dh: aargudasho, xumaandoonid. Dh: samadoonid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanadoon
(tilmaame) qof daba socda xumaan hore loogu geystay, si uu u aargoosto. Ninkani wanaag uma socdee waa aanadoon. Dh: xumaandoon. Li: samodoon, nabadddoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanasheegad
-ka: (magac, lab, keli) eeg aanadoonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadoobid
m.dh la-mid: nacaladoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanadoobid
-da: (magac, dhedig, keli) lacnad ku dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadidoonid
-da: (magac, dhedig, keli) raadco u bixid, wax hallaabay heliddii u ambabixi. Raggi xalay baadidooniddii awrka ayay ku maqnaayeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maatadooxid
-da: (magac, dhedig, keli) laynta caruurta iyo dadka tamarta daran ee xeer ahaan in dagaal lagu laayo aanay bannaanayn. Dh: maatidooxid, xasuuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaddoonid
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag doonid: samo raadin; xumo diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aardoonad
m.l la-mid: aardoonasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aardoonad
-ka: (magac, lab, keli) aano kaa maqnayd raadsashadeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandoobid
m.dh la-mid: gantoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gandooban ka dhigid. Dh: gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandoodid
m.dh la-mid: qandoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandoodid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kelidaa, foorarid. Hadba waxay gandooddaba markay gorodda hayn waydo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qandoodid
(Qandoodid-da)
Si qandood ah, meel ugu sugnaan, u taagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandoodid
m.f.dh eeg qandood². la-mid: gandood¹, gandoodid, qandood¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandoodid
-da: (magac, dhedig, keli) si foorar ah u taagnaan; dhaqaaq la'aan yuururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wardoonid
(Wardoonid-da)
War raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wardoonid
m.dh Raadinta siraha cadawga la raadiyo. la-mid: wardoon (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wardoonid
-da: (magac, dhedig, keli) war raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arahdoonid
m.dh la-mid: arhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arahdoonid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg arahdoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadoobid
m.dh la-mid: cadcadoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaboobid
m.f.dh eeg danabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) danab yeelasho. Isliska walaxaha danaboobid ayaa ka dhalata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandoobid
m.f.dh eeg maandow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadiddoonid
m.f.dh eeg baadiddoon². la-mid: baadiddoon¹ (2), baadiddoonis, baadiggoob¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacaladoobid
m.f.dh eeg nacaladow. la-mid: lacanadoobid, nacalladoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
annaanoobid
-da: (magac, dhedig, keli) maararrowga nafta lagu maaweeliyo wax ay ku mashquusho. Annaanoobidda carruurta waa lala wadaagaa. Dh: maararroobid, ismaaweelin, ismadaddaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadiidid
-da: (magac, dhedig, keli) dhamista caanaha ama dhaadhista naaska ka joogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadiiqid
-da: (magac, dhedig, keli) caano iibgeyn. Dh: caanateelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcadoobid
m.f.dh eeg cadcadow. la-mid: cadadoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalandoolid
m.f.dh eeg dalandool². la-mid: dalandool¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalandoolid
-da: (magac, dhedig, keli) socoshada xilli aan munaasib ahayn oo kulul. Dh: dhalandhoolid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danabsoocid
m.dh (kiim.) Maxsuulka falgalka kiimikaad kana dhasha qulqul danab oo dhexmaraaya gudbiye-milme. Raadkani waxa uu abuuraa aayano u kala socda dhinaca qotinada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabsoocid
-da: (magac, dhedig, keli) midhaha falgalka kiimikaad kana dhasha qulqul danab oo dhexmaraaya gudbiye-milme. Raadkani waxa uu abuuraa aayano u kala socda dhinaca qotinada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dankaboodid
-da: (magac, dhedig, keli) si aanay naftaada dani ugu jirin u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqaloocid
m.dh la-mid: hanqaloocsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maatidooxid
-da: (magac, dhedig, keli) aad wax u layn oo dad iyo duunyaba dabka saarid. Shareecada Islaamku ma ogola maatidooxidda. Dh: xasuuqid, maatadooxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manjaroorid
-da: (magac, dhedig, keli) jiingadda dusha ka soo daadasho oo biyo soo shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanfaloobid
m.f.dh eeg xanfalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanafootamid
-da: (magac, dhedig, keli) caano dhamistooda ku tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacalladoobid
m.dh la-mid: nacaladobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacalladoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid cadhe Ilaahay ku dhacday ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraaradoobid
m.f.dh eeg xaraaradow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraaradoobid
-da: (magac, dhedig, keli) araarad yeelasho. Dh: araaradaw, araaradoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aardoon
m.l Qof, qof kale oo dakane ka galay raadinaya. la-mid: aardoonad, aardoonasho, aarsashaddoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aardoon
m.l Qof, qof kale oo dakane ka galay raadinaya. la-mid: aardoonad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aardoon
v. seek revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aardoon
-ka: (n) revenger (ri-veenjer); one who is seeking to take vengeance (ven-jansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aardoon
-ka: (magac, lab, keli) qof doonaya inu aargoosto. Dh: aanadoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aardoon
de: seek revenge
lx: aardoon
pd: (aardoonay)
ps: v1=tr
key: aardoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafood
m.f.l eeg anafoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anafood
-ka: (magac, lab, keli) godob iyo gef, kibir dartii u samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
banooni
m. n. ball
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
banooni
-ga: (n) ball (bool) ~ kubad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banooni
-ga: (magac, lab, keli) walax duuban oo wareegsan, kana samaysan balaastiik, saan ama waxyaabo kale oo la isku dardaray. Neef baa lagu afuufaa oo waxa lagu ciyaaraa cagta ama gacanta. Banooniga ii soo laag. Dh: kubbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
banooni
de: ball
lx: banooni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: kubbad {S}
key: banooni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dananid
(Dananid-da)
Ciyidda fardaha; sida faras u ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dananid
m.f.dh eeg danan². la-mid: danan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dananid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyidda faraska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandood
gandood¹: m.l la-mid: qandoodid.
gandood²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: qandood².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandood
(fal) meel, sidii wax ciillan u foorar.
gandood -ka: (magac, lab, keli) foorarka ciilka iyo cadhadu ka muuqdaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanooni
(fal) waddada xaqa ah u tilmaan; jidka saxda ah tus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kanooni
m.l (-iyo, m.dh) Qori af weyn leh oo meel fog wax ka baabi'iya; mafdac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kanooni
m.l (-iyo, m.dh) Qori af weyn leh oo meel fog wax ka baabi'iya; mafdac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kanooni
m. n. cannon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kanooni
-ga: (n) cannon (kaanan); artillery (aarti lari); howitzer (hawat zer)~ madfac, artilari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kanooni
-ga: (magac, lab, keli) qori af weyn leh oo meel fog wax ka baabi'iya. Dh: mafdac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kanooni
de: cannon {It}
lx: kanooni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: kanooni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadoon
(tilmaame) habboon wanaagsan. Had keentay talo maadoon. Dh: suubban, fiican.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadooci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax sida laan qoyan, ul, rabadh iyo wixi lamida loodin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nadooci
v. bend
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadooci
(fal) qallooci; soo god; soo loodi. Nadooci foostada biyeheedu way yaraadeene. Dh: qallooci, loodi, god. Li: toosi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nadooci
de: bend
lx: nadooci
pd: (nadoociyey)
ps: v2a=tr
key: nadooci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qandood
(Qandood-ka)
(aqal, wax weyn) meel ka taagan; meel qotoma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandood
qandood¹: m.l la-mid: gandood¹, qandoodid.
qandood²: f.g1 (-day, -dday) Nafley si is- hoggaamis u istaagid. la-mid: gandood².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandood
v.st: stand, be standing, set up ~ erected (of a building, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandood
-ka: (magac, lab, keli) sara joogid aan dhaqdhaqaaq lahayn. Caliyow qandoodka iska daa oo kac shaqayso. Dh: qotomid, quyudid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qandood
de: stand, be standing, set up ~ erected (of a building, etc.)
lx: qandood
nt: qandood (ka) [vn-m-st]
pd: (qandooday)
ps: v1=st
key: qandood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafoobid
m.f.dh eeg aafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ibtilo qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aardoono
f.mg3 (-ntay, -natay) Qof in uu aano soo guto meel u aadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aardoono
(fal) cid aano hore kuu geysatay, ka gooso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadoobid
(Dadoobid-da)
Dhalanka iyo baxaalliga dadkoo kale yeelasho; dad noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadoobid
m.f.dh eeg dadow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadoobid
-da: (magac, dhedig, keli) yeelashada dhaqanka fiican ee dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadoodid
(Gadoodid-da)
Wax gardarro ah oo afka la iska yiri ama addinka layska yeelay ka xumaanshaheed muujin, dhirfid; dharsid; xanaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadoodid
m.f.dh eeg gadood². la-mid: gadood¹, gedaad¹, gedaadid, gedood¹, gedoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadoodid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gardarro ah oo lagugu sameeyo, si aad ah u cadhoosho. Dh: dhirfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaanid
-da: (magac, dhedig, keli) diyaarinta qoos loogu talagalay in kimis laga dubto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanoonin
-ta: (magac, dhedig, keli) wacyi gelin iyo abaabul. Samaale wuxu u xilsaaran yahay hanooninta iyo wacyigelinta bulshada. Dh: hanuunin, waanin.
hanoonin -ta: (magac, dhedig, keli) meel dadku isugu yimaadaan oo la isku wacyi geliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janaanid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xiiso u qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maradoon
magac loo bixiyo gabadh dib u dhalad ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdooni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg nabdoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nadoocin
(Nadoocin-ta)
Wax nadoocsan ka dhigid; soo qalloocin; soo godid; soo loodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadoocin
m.f.dh eeg nadooci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadoocin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhan u janjeedhin; qalloocin. Usha kolka la solo nadoocinteedu dhib ma leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadoocis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nadoocin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadoodid
-da: (magac, dhedig, keli) joogsasho kooban samayn oo inyar qaadid. Roobku wuu da'ayaa oo qadoodid ma leh. Dh: hakasho.