aan sinnayn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan sinnayn
(adj) uneven (an ii-van); rough (raf); unequal (an-ikwal) ~ aan isle'ekayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burunbuur
(Burunbuur-ka)
Dhul aan sinnayn oo burcooyin yaryar leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulul
(Qulu-sha)
Meel aan sinnayn; meel kala dheer; dululub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rifrif
rifrif¹: m.l.u 1. Timo si xun loo xiiray. 2. Ganka ay yeeshaan maro, derin iyo wixi lamida. 3. Cad-cad ka haray wax la kala googooyay.
rifrif²: f.g1 (-fay, -ftay) 1 . Timo, dhogor iyo wixi lamida si aan sinnayn u xiirid. 2. Waraaq, maro iyo wixi lamida cadcad yaryar u googooyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaara
m.dh (juqraafi) (Isbaanish) silsilad dheer oo buuro ah oo leh oogo aan sinnayn, Isbeyn iyo Isbaanishka Maraykanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hack
/haak (v) 1. gooyn, siiba wax si aan sinnayn loo gooyo (n) 2. faras, siiba faras duq ah (n) 3. qoraaga qoraal badan sameeya, asagoon isku taxalujin tayada qoraalkiisa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rugged
/ragidh/ (adj) 1. aan sinnayn (kala sarsarreeya) 2. xooggan (adag).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
unequal
/aniikwal/ (adj) aan is- le'ekayn, aan sinnayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
uneven
/aniivan/ unevenly; (adj) aan sinnayn (aan is-le'ekayn).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ineguale
agg. - isku mid ahayn, aan sinnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burunbuur
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul aan sinnayn, taagag ama haaro yaryar leh. Burunbuurta fuuloo bildhaami geelu halkuu kala jiro. Dh: kudunbuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusbuusmid
-da: (magac, dhedig, keli) noqoshada wax aan sinnayn. Buusbuusmidda ka ilaali distida. Dh: diisdiismid, dhuucdhuucsamid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan milmayn
(adj) insoluble (in sol yabal), that which cannot be dissolved ~ aan qasmayn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan qornayn
(adj) unwritten (an-ritan) ~ aan la qorin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan shaqayn
(adj) unemployed (an-empalooyidh)-, jobless (joobles)-, ~baagamuudo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan islahayn
(adj) matchless (maajles); having no match or equal ~ aan isku habboonayan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lasinnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) labo wax oo siman ahaan is le'ekaan; la sinaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaniinlayn
vl. n. disinfecting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaniinlayn
de: disinfecting
lx: qaniinlayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: qaniinlayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agaasinnaan
m.f.dh eeg agaasiman. la-mid: agaasinnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaasinnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin iyo talo si fiican loo maamulay ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaqusinnaan
f. n., [abstract] equality of rights
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaqusinnaan
de: equality of rights
initial: x
lx: xaqusinnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: xaqusinnaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan sax ahayn
(adj) incorrect (inkor-rekt); inaccurate (in-akureeyt) ~ khalad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabansanbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sasabaha cid wax ay ka maaggan tahay lagu riixayo. Saaxiibnayaa iyo wax badan sabansanbeeyaa ba.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan ku fillayn
(adj) insufficient (insafishanf) ~ naaqis ah. Ex: waxay siisay lacag aan ku fillayn; she gave him insufficient money
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan miisaaneyn
(adj) 1.. unbalanced (anbaalanst); 2. unfocused (an-foksidh)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan xadaysnayn
(adj) unlimited (anlimitidh), indefinite (indhefanif) ~ aan caddayn, aan xadaysnayn. Ex: waxay maqnaan doontaa waqti aan xadaysnayn; she will be away for an indefinite period of time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aasid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aayonayn
-ta: (n) [chemistry] ionization (aa-yoniseey-shen)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maansayn
m.f.dh eeg maansee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-anaynnay
de: we were doing (X)
lx: -anaynnay
ps: v3-1pl-ppgr
xe: -anaynay ~ -aneyney
xv: safanaynnay 'we were standing in line'
key: -anaynnay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aamminsan
ąamminsan: f.g4 (-naa, -nayd) 1. Qof, wax cid aammin ku qaba ahaansho. 2. Qof, wax rumaysan jirista Eebbe iyo diimaha ahaansho. Tusaale: “Diinta Islaamka ayaan aamminsanahay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aamminsan
ąamminsan: f.g4 (-naa, -nayd) 1. Qof, wax cid aammin ku qaba ahaansho. 2. Qof, wax rumaysan jirista Eebbe iyo diimaha ahaansho. Tusaale "Diinta Islaamka ayaan aamminsanahay". m.f.dh., ąamminsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aamminsan
der. [adjective] trusting, having faith in, believing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aamminsan
-aa: (adj) believing (be lii ving); having a firm faith, confidence, or trust.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamminsan
(tilmaame) cid wax rumaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aamminsan
de: trusting, having faith in, believing
lx: aamminsan
pd: (aamminsanaa)
ps: adj-der
key: aamminsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamusnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xaaladda qof aamusan. Li: hadlitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayoonayn
m.dh (kiimika) Habka soo saaridda ayoonnada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aayoonayn
m.dh (kiim.) Habka soo saaridda ayoonnada. ab m.l.u 1. Awoowyaashii hore oo laga soo jeedo. 2. Abkay ma arag: weligay ma arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aayoonayn
vl. n. ionization
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aayoonayn
de: ionization
lx: aayoonayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: aayoonayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiimayn
m.f.dh eeg casiimee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dansanaan
m.f.dh eeg dansan. la-mid: dansanaansho, densanaan, densanaan -sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dab, laydh ama wax la mid ah bakhtiisan ahaan. Dh: densanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasilnaan
m.f.dh eeg fasilan. la-mid: fasilnaansho, fasirnaan, fasirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) maro weyn oo isku taallay, mid la tolay oo qof lagu qiyaasay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasirnaan
m.dh la-mid: fasilnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) war ama xog macnaysnaan oo cadcaddaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lasimnaan
m.f.dh eeg lasiman. la-mid: lasimnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqayn oo wax ka farxiya wada gaadhsiin. Maanshaynta Eebbaa abkoow meel walliba gaadha. Dh: nicmayn, maanshayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ranjiyayn
m.dh la-mid: rinjiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ranjiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ranji marin; renjiyeyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waa inaan
(expression) I have to. Ex: waa inaan u yeeraa; I have to call him —waa inuu: he has to —waa inaad: you have to —waa inay: they have to / she has to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) daryeelid oo xag dhaqaale xag caafimaad iyo xag cunto ahba ka haqabtirid. Dh: dhaqaalayn, daryeelid. Li: halladaadid, daranyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanantayn
m.dh la-mid: xadatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigsinayn
m.dh (fiisikis) Hab lagu raadiyo dhakhsaha uu hal xaddi doorsoome isla beddelo xaddiga doorsoome kale. Tusaale ahaan baabuur baa socday fogaanta x1 ilaa x2 waqtiga u dhexeeya t1 ilaa t2. Xawaare celceliska babuurku waa (x2-x1)/(t2-t1) oo loo qori karo Dx/Dt, taas oo x ay u tagantahay isbeddelka x ee waqtiga t.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xigsinayn
m.dh (fiisikis) Hab lagu raadiyo dhakhsaha uu hal xaddi doorsoome isla beddelo xaddiga doorsoome kale. Tusaale ahaan baabuur baa socday fogaanta x1 ilaa x2 waqtiga u dhexeeya t1 ilaa t2. Xawaare celceliska babuurku waa (x2-x1)/(t2-t1) oo loo qori karo Dx/Dt, taas oo x ay u tagantahay isbeddelka x ee waqtiga t.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xigsinayn
Differentiation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan dhalan
(adj) unborn (an boon). Ex: ilma aan dhalan; an unborn child
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan muuqan
(adj) hidden (hidhen)-, invisible (inviizibal); unseen (ansiin) ~ aan la arkayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bannaanayn
m.f.dh la-mid: bannayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax bannaan oo sharcigu oggol yahay ka dhigid. Wax Ilaahay xarrimay cidi ma bannaanayn karto. Dh: bannayn, xalaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faansanaan
m.f.dh eeg faansanaan. la-mid: faansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid la faaniyay ahaan; mid la amaanay ahaan. faansanaansho -ha: (magac, lab, keli) faan iyo amaan qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaasirnaan
m.f.dh eeg gaasiran². la-mid: gaasirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhimman ahaan. Dh: dhimmanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosinnaan
m.f.dh eeg hoosiman. la-mid: hoosinnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannifnaan
m.f.dh eeg sannifan. la-mid: sannifnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waansanaan
m.f.dh eeg waansan. la-mid: waansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) waano qabid oo talada wanaagsan qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xannaanayn
(Xannaanayn-ta)
Xannaano u gelid, u samayn; dhaqaalayn; hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xannaanayn
m.f.dh eeg xannaanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) daranyo dhabid; wax itaal yar daryeel iyo waxsiin la qarab joogid. Dh: dhaqaalayn, hayn, xanaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xannibnaan
m.f.dh xanniban². la-mid: xannibnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannibnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xanniban ahaan. Adaa iskugu wacan xannibnaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bandhignaan
m.f.dh eeg bandhigan. la-mid: bandhignaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bandhignaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax yaal bannaanka oo la wada arkayo ahaan. Buugaagtu bandhignaanta badan way ku siigoobaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daniseetayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baahi wax la qabsan kari waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farajannayn
m.f.dh eeg farajannee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farajannayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xunbaha faraha isku jebintooda si ay u codeeyaan 'qac'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjiidnaan
m.f.dh eeg hanjiidan la-mid: hanjiidnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangannaan
m.f.dh eeg saangan². la-mid: saangamnaan, saangaamnaansho, saangannaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
aan xaq ahayn
unfair
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan xaq ahayn
(adj) 1. unjust (an-jast); not just; 2. unfair (anfeer) ~ aan caddaalad ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caano dhanaan
n. phr. sour milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhsiisnaan
-ta: (mgac, dhedig, keli) ku ekaansho; la sinnaansho; le'ekaasho.