ereyga

aan la xallin

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan la xallin

DHAN

(adj) unresolved (an ri zoolvidy, unsolved (ansool-vidh) ~ aan weli xal loo helin

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

murug

DHAABAN
1

murug¹: m.l 1. Cayayaan geedka digirta ka cuna caleenta. 2. Isku marmidda xarig, dun iyo wixi lamida ay isku milqaan.

2

murug²: m.dh 1. la-mid: murugo 1. Uurkutaallo; caloolxumo. 2. la-mid: murud.

3

murug³: f.g1 (-rgay, -rugtay; -rgi) 1. Xarig iyo wixi lamida si aad ah isku dhex gelid. 2. Arrin iyo wixi lamida wax aan la xallin karin noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

murug

DHAABAN
1

murug¹: m.dh 1. la-mid: murugo. Uurkutaallo; caloolxumo. 2. la-mid: murud.

2

murug²: f.g1 (-rgay, -rugtay; -rgi) 1. Xarig iyo wixi lamida si aad ah isku dhex gelid. 2. Arrin iyo wixi lamida wax aan la xallin karin noqosho. m.f.dh, murgid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

insoluble

DHAABAN

/insolyabal/ (adj) 1. aan la xallin karin (aan xal lahayn) 2. aan milmayn (aan qasmayn).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

insurmountable

DHAABAN

/insarmoontabal/ (adj) aan la xallin karin (aad u adag).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

unresolved

DHAABAN

/anrisolvdh/ (adj) aan la xallin (aan weli xal loo helin).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

unsolved

DHAABAN

/ansolvdh/ (adj) aan la xallin (aan xal-laga gaarin).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

inextricable

DHAABAN

inextricable, adj. - aan la xallin karin

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

insoluble

DHAABAN

insoluble, adj. - aan milmayn; aan la xallin kari (mushkilad).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan la dalban

DHAFANDHAAF

(adj) unsolicited (ansolisitid) not requested ~ aan la wayddiisan

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan la aqoon

DHAFANDHAAF

(adj) unknown (annown);

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan la hubin

DHAFANDHAAF

(adj) uncertain (an ser tan)-, doubtful ~ aan sugnayn, shaki ku jiro

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan la fileyn

DHAFANDHAAF

(adj) unexpected (anekispektidh)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan la ogolayn

DHAFANDHAAF

(adj) unacceptable (an-aksep-tibal)-, unauthorized (an oo tha raaysid) ~ aan la fasaxin

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan la sheegin

DHAFANDHAAF

(adj) 1. unannounced (an-anawn-sid) 2. unspecified (an ispe sifaayid) ~ aan la tilmaamin. Ex: wakhti aan la sheegin; unspecified time

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan baaluqin

DHAFANDHAAF

(adj) immature (ima-juur); childish ~aan qaan gaar ahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan dambi galin

DHAFANDHAAF

(adj) innocent (ina sant) sirmaqabe, daacad ah

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan daxalaysan

DHAFANDHAAF

(adj) stainless (isteeyn les); without stain or blemish: Ex: bir aan daxalaysan; stainless steel

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan ku fillayn

DHAFANDHAAF

(adj) insufficient (insafishanf) ~ naaqis ah. Ex: waxay siisay lacag aan ku fillayn; she gave him insufficient money

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan xal lahayn

DHAFANDHAAF

(adj) insoluble (insolyabal) impossible to solve; having no solution ~ aan la xallin karin. Ex: dhibaato aan xal lahayn; an insolvable problem. Ex: arrin aan xal lahayn; insoluble matter

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan kala jeclayn

DHAFANDHAAF

(adj) indifferent (in dif rant)-, having or showing no preference ~ xumaan ama wanaag aan kala jeclayn

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan dhalan

DHAFANDHAAF

(adj) unborn (an boon). Ex: ilma aan dhalan; an unborn child

waa la naqliyay ✓

Ereyo Talyaani-Soomaali - Maxamuud Garyare, Cabdikariim Daa'uud Weyre

La gallina

DHAFANDHAAF

Doorada

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laanlaamin

DHAFANDHAAF

(magac, dhedig, keli) meel ijaar ama ood hore lahayd laamo aan badnayn oo qoyan saarasaarid. Laanlaamin badanaa, reerkii ladnaan jiray, ma libaax ayaa helay. Dh: laandayrid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aayakatalin

DHAFANDHAAF

m.dh Ka tashiga cidi ka tashato mustaqbalkeeda wixii ay ka yeeli lahayd. la-mid: aayakatashi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aayakatalin

DHAFANDHAAF

-ta: (n) self-determination (selfditarmaneey-shin); independence ~ aayokatalin

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aayakatalin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) diyaarinta wax mustaqbalka lagu manaafacaado oo wanaagsan. Maamul wanaagsan waxa lagu yaqaan aayakatalin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

anshaxcelin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) cid horay anshaxu uga xumaa oo dib loogu toosiyo. Ubadkii dagaallada ku aafoobay ayaa barnaamij anshaxcelin ah loo samaynayaa. Dh: dhaqancelin, anshaxcelis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fallawaalli

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) shaqo si fudud oo aan daacadnimo ku jirin u qabasho. Dh: fudaydsi.

2

fallawaalli-da: (magac, dhedig, keli) sixir ama fal lala waasho. Dh: waalli. Li: fayoobi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Manjaxaabin

DHAFANDHAAF
1

(Manjaxaabin-ta)

2

Si manjaxaabo ah u legdid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

manjaxaabin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg manjaxaabi. la-mid: majaxaabin, majaxaabis, majaxaabo, manjaxaabis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

manjaxaabin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) ledginta ku timaad cagaha oo la iska hoos qaado ama lugaha oo la iska laago ogaal la'aan. Qof kaa itaal weyn manjaxaabin waad ku ledgi kari. Dh: mijaxaabin, manjxaabis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wankalaalin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg wankalaali². la-mid: wankalaali¹, wankalaalis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan waxbaran

DHAFANDHAAF

(adj) uneducated (anejukeeytidh), ignorant (ig no rant) ~ see also [eeg] jaahil ah

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

labolaxaadin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg laballixaadsad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan qaybsamin

DHAFANDHAAF

(adj) indivisible (in di vi sabaV) ~ lakala qaybin karin

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan sax ahayn

DHAFANDHAAF

(adj) incorrect (inkor-rekt); inaccurate (in-akureeyt) ~ khalad

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

aan xaq ahayn

DHAFANDHAAF

unfair

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

aan xaq ahayn

DHAFANDHAAF

(adj) 1. unjust (an-jast); not just; 2. unfair (anfeer) ~ aan caddaalad ahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

aan laga adkaan

DHAFANDHAAF

unbeaten

waa la naqliyay ✓