aan la hubin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan la hubin
(adj) uncertain (an ser tan)-, doubtful ~ aan sugnayn, shaki ku jiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidid
(Bidid-da)
1. Dareensasho aan la hubin; u qaadasho; malayn; tuhmid.
2. Hawada marid; duulid; haadid; lalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caymis
(Caymis-ka)
Heshiis dhexmara ku wax cayminaya oo lacag u socota la siiyo iyo ku la cayminayo oo shil ama dhibaato, aan la hubin dhicise karta (caymiska nafta, dabka, tuugada, ...) looga nabaaddiinaxirayo ama ka gaashaamanaya, oo haddii waxa laga baqayey dhacaan, caymiyuhu, isaguna kolkiisa, wax lagu heshiiyey bixinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareen
(Dareen-ka)
1. War xun oo laga naxo oo sheega haya geeri, col, shil kale.
2. Ogaan aan la hubin; male; garasho; tuhun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haddii
Erey tixda ama hadalka ka dhiga mid wax ku xiran ama male iyo wax aan la hubin ku dhisan ama ulajeeddooyin kale u yeela; (haddii lacag la i siiyo, hawsha waa aan qabanayaa; haddii Warsame yimaado, gaarsii farrintayda).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tibaaxid
(Tibaaxid-da)
War ama wax kale oo aan la hubin ama sugnayn, sheegid, faafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaare
m.l.fk Qiyaasta ugu dhow wax aan la hubin oo la qiyaaso. Tusaale: “Waxaan ku sugayaa abbaaraha lix saac”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaf
balaf: m.dh War aan la hubin oo cidda sheegtay aan la aqoon.
bąlaf¹: m.l Neef xoolo ah oo biyo diido; biyodiid.
bąlaf²: f.g1 (-lfay, -laftay) la-mid: bąlfi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gef
gef¹: m.l la-mid: gaf¹.
gef²: m.l (-faf/-fef, m.l) 1. (fiisikis) Cabbiraadda ama qiyaasta aan la hubin ee xaddi. Tusaale ahaan, kulbeeg meerkari ah badanaaba waxa suurtaggal ah in heerkulka laga akhriyo darajada ugu dhow.. (xisaab) Marka laga hadlayo saafid tireed gefafku waa laba nooc: a) g. duubid: jawab tireed aan sugnayn ee ku soo baxda xisaabinta; b) Gefaf la jare ah: waxa ay la xiriiraan xadad lagama maarmaan ah ee ku jira sugnida seeb.
gef³: f.mg1 (-fay, -ftay) la-mid: gaf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubiwaa
m.l Wax aan la hubin; shaki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunnuhunnu
m.dh 1. Hadal hoos loo yiri oo aan si wacan loo maqlayn. 2. War aan la hubin.

mala-awaal
mala-awaal¹: m.l Wax aan la hubin oo male ku dhisan.
mala-awaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) Wax aan la hubin qiyaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
male
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Wax aan la hubin. 2. (fk) Mindhaa. 3. la-mid: malo.

malee
f.g/mg2 (-leeyay, -laysay) 1. (f.g/mg) M./u m.: wax aan la hubin xaqiiqdooda fikrad ku cabbirid. 2. (f.mg) Isu m.: isu haysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abbaare
m.l.fk Qiyaasta ugu dhow wax aan la hubin oo la qiyaaso. Tusaale: Waxaan ku sugayaa abbaaraha lix saac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hunnuhunnu
m.dh 1. Hadal hoos loo yiri oo aan si wacan loo maqlayn. 2. War aan la hubin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mala'awaal
mala'awaal¹: m.l Wax aan la hubin oo male ku dhisan.
mala'awaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) Wax aan la hubin qiyaasid. m.f.dh, mala-awaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
male
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Wax aan la hubin. 2. (fk) Mindhaa. 3. la-mid: malo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malee
f.g/mg2 (-leeyay, -laysay) 1. (f.g/mg) M./u m.: wax aan la hubin xaqiiqdooda fikrad ku cabbirid. 2. (f.mg) Isu m.: isu haysasho. m.f.dh, malayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ambiguity
/aambagyuwati/ambiguities; (adj) macna badan leh; aan la hubin macnaha, siyaalo badan loo fasiri karo. e.g. There are many ambiguities and contradictions in his speech.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
iffy
/ifi/ (adj) aan la hubin, shaki uu ku jiro (wax laba-labo ku jirto). e.g. He was very iffy about what to do.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan la sheegin
(adj) 1. unannounced (an-anawn-sid) 2. unspecified (an ispe sifaayid) ~ aan la tilmaamin. Ex: wakhti aan la sheegin; unspecified time
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan la dalban
(adj) unsolicited (ansolisitid) not requested ~ aan la wayddiisan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan la xallin
(adj) unresolved (an ri zoolvidy, unsolved (ansool-vidh) ~ aan weli xal loo helin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan baaluqin
(adj) immature (ima-juur); childish ~aan qaan gaar ahayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan la aqoon
(adj) unknown (annown);
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan la fileyn
(adj) unexpected (anekispektidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanashubid
-da: (magac, dhedig, keli) xil madax- nimo u caleemasaarid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan la ogolayn
(adj) unacceptable (an-aksep-tibal)-, unauthorized (an oo tha raaysid) ~ aan la fasaxin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan lala socon
(adj) 1. unaccompanied (an akam panidh) ~ aan la wehelin. 2. unknown (an-nown)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan qaybsamin
(adj) indivisible (in di vi sabaV) ~ lakala qaybin karin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan sax ahayn
(adj) incorrect (inkor-rekt); inaccurate (in-akureeyt) ~ khalad
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
aan xaq ahayn
unfair
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan xaq ahayn
(adj) 1. unjust (an-jast); not just; 2. unfair (anfeer) ~ aan caddaalad ahayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Waqdhac huban
Certain event, sure event
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan dambi galin
(adj) innocent (ina sant) sirmaqabe, daacad ah
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
aan laga adkaan
unbeaten