aan ... weli
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aan ... weli
adv., neg. never, not yet
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ma ... weli
adv., neg. never, not yet
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeer
(Abeer-ka)
Neef ishkin ah (geel, lo') oo dheddig oo goortuu ku curan lahaa aan ku curan; qaalin aan weli dhalin; galgaal (lo'); tebis (ari) (ama ameer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baacug
(Baacug-ga)
1. Dhasha xoolaha calooshooda aan weli caano maahee wax kale gelin (= aan uus yeelan).
2. Caano la adkeeyey oo dhanaanno kala gaar ah lagu daray oo la cuno; farmaajo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bikrad
(Bikrad-da)
Gabar aan weli la guursan; inan; cadrad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boog
(Boog-ta)
Nabar furan oo aan weli biskoon; qoon; dhaawac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boojaal
(Boojaa-sha)
Diyaad aan weli curan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burcad
1. (Burcad-da) Urur tuugo; qowle.
2. (Burcad-ka) a) caanaha la lulo subagga ka baxa oo aan weli la shiilin. b) Subag dhirta laga liso oo kan caanaha laga lulo u eg. c) Bocorka caanaha geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buubaal
(Buubaal-ka)
(geel) buub badan; aan jabsanayn; layli aan weli rar baran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buubid
(Buubid-da)
1. Hawada dhexdeeda ku duulid.
2. (geel) cararidda iyo dididda awrta aan weli rarka baran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caarooti
(Caarooti-ga)
Roob aan weli dhab u curan; roob saymeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carcar
(Carcar-ta)
1. (qof) nasniintiisii iyo xooggiisii hore weli qaba, waxqabashada uu u farabbaxsanayo inuu waxqabto; xiiso; firfircooni, jeel.
2. Wax afaysan oo aan weli wax lagu qabsan, xanafta ku taal.
3. Geed aan weli la taaban, xajiinta ku taal; dardar; xajiin; xanaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceesaan
(Ceesaan-ta)
Ri ugub oo aan weli curan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curdan
(Curdan-ka)
(geed, kd.) dhowaan dhashay oo aan weli gahayr noqon; (ama curdin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqnasho
(Daqnasha-da)
Dhaawac ama nabar aan weli bogsoon, sida uu noqonayo kolka wax la gaarsiiyo ama wax ku dhacaan, (ama danqasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darmaan
(Darmaan-ka, Darmaan-ta)
Neef fardo ah oo dhallin yar oo aan weli la jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaacle
(Dhaacla-ha)
1. Xarig si gaar ah oo qurux badan loo rudco.
2. Xarigga jaadkaas ah oo gabdhaha aan weli la guursani dhexda ku xirtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhay
1. (Dhay-da), a) Caano cusub oo aan weli suusucin; caanaha markaas la lisay; kasoofeen. b) (Dhay-da, Dhay-ga) Geed yar oo aan lug iyo laamo midna lahayn; wuxuu lee yahay caleemo waaweyn oo balballaaran oo hilib leh oo iyagoo xiddig la moodo dhulka ku barraaqa.
2. (Dhay-ga) Legga xoolaha qaarki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaylo
(Dhayla-da)
Xoolaha ama ugaarta yaryar hilibkooda jilicsan oo aan weli adkaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dihin
(xoolo) aan weli la lisin ama la maalin; (dhul, kd.) aan weli waxa uurkiisa ku duugan, lala soo bixin; aan la daaqin; ugub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dihnaan
(Dihnaan-ta)
Ahaanta la yahay wax dihin oo aan weli la maalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirdiir
(Diirdiir-ta)
1. Jaad ugaarta kamid ah oo diillimo leh.
2. Balanbaallis, nirgadhoob, iyo cayayaan kaloo badan oo duula oo aan weli dillaacin; waxay u eg tahay dixiri, badanaa dhogor leh iyo oogo dhawr iyo toban xubnood leh; Sida cayayaanka kale, lix lugood oo run ah oo laboba iska soo horjeeddo, bay lee dahay; (ama diir).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aad ... u
[adverbial] [expression] very much, quite, a lot; hard, firmly