aammusan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusan
Aan hadla hayn; shib ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammusan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aan hadlayn ahaansho; shibban (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aammusan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aan hadlayn ahaansho; shibban (cid). m.f.dh, aammusnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aammusan
der. [adjective] silent, quiet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aammusan
-aa: (adj) silent (saay.lant) ~ aan hadal lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aammusan
(tilmaame) mid aan hadlayn; shib ah. Af aamusan waa dahab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aammusan
de: silent, quiet
lx: aammusan
pd: (aammusnaa)
ps: adj-der
syn: shibban
key: aammusan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Aammusane
naanays loo baxsho nin aan sheeko lagu baran oo hadal yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusin
(Aammusin-ta)
Hadal u diidid ama ku celin, hadal ka joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammusin
m.f.dh eeg aammusi. la-mid: aammusis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusnaan
(Aammusnaan-ta)
Hadlid la'aan; shib ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammusnaan
m.f.dh eeg aammusan. la-mid: aammusnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aammusnaan
f. n., [abstract] silence, state of being silent
aan v., relative form: not aan vl. pron., sg. I
aan vl. pron., pl. we [exclusive.]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aammusnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal la'aan: shib ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aammusnaan
de: silence, state of being silent
lx: aammusnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: aammusnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalacasho
(Daalacasha-da)
1. Wax dadka kale ka qarsoon, daawasho.
2. Kitaab ama wax la mid ah, iyadoo la aammusan yahay, isha iyo uurka ka akhrisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhasiig
(Dhasiig-ga)
Wax lays faray oo layska dhega'adkeeyo ama diiddo aammusan iyo u kicid la'aan laga horkeeno; (ama dhansiig).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shibban
Shib ah; aammusan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shibbane
(Shibbana-ha)
1. Xaraf aan keligi lagu dhawaaqi karin; waxaa la maqli karaa kolka shaqal weheliyo; xaraf kasta oo aan shaqal ahayn.
2. Aammusane.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shibban
(tilmaame) aammusan; shib ah. Dh: aammusan. Li: shaqalan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-an_5
de: [ADJECTIVE DERIVING SUFFIX] Makes adjectives from verbs
hm: 5
lx: -an
ps: adj-suf
xv: aammusan, sugan, xiran
key: -an_5
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shibban
de: silent, mum, not talking
initial: s
lx: shibban
pd: (shibbanaa)
ps: adj-der
syn: aammusan
key: shibban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aamminsan
ąamminsan: f.g4 (-naa, -nayd) 1. Qof, wax cid aammin ku qaba ahaansho. 2. Qof, wax rumaysan jirista Eebbe iyo diimaha ahaansho. Tusaale: “Diinta Islaamka ayaan aamminsanahay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aamminsan
ąamminsan: f.g4 (-naa, -nayd) 1. Qof, wax cid aammin ku qaba ahaansho. 2. Qof, wax rumaysan jirista Eebbe iyo diimaha ahaansho. Tusaale "Diinta Islaamka ayaan aamminsanahay". m.f.dh., ąamminsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aamminsan
der. [adjective] trusting, having faith in, believing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aamminsan
-aa: (adj) believing (be lii ving); having a firm faith, confidence, or trust.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamminsan
(tilmaame) cid wax rumaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aamminsan
de: trusting, having faith in, believing
lx: aamminsan
pd: (aamminsanaa)
ps: adj-der
key: aamminsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aammusaad
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aad wadday ka joogsi; qof aamusan noqosho; shib ahaan. Hadalkii badnaa aamusaad baa xigtay. Dh aamusnaan. Li: hadlid, sheekayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aammusiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale hadalka u diidid.
aammusiin -ta: (magac, dhedig, keli) qof kale. oohinta ka joojin. Saddex waxan bartay goor aan ka gaboobay dab ololintii, awr carraabintood iyo ubad aammusiintood. Li: hadalsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aammusnaw
(fal) mid aan hadlayn ahaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maammulan
La maammulay; maammul wanaagsan loo yeelay; agaasiman; nidaamsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maammulan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax si wanaagsan loo maammulay ahaansho (hawl). la-mid: maamulan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maammulan
der. [adjective] managed, organized, administered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maammulan
-maammulnaa: (adj) managed (maanajidh)-, administered (adh-minis-taridh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maammulan
de: managed, organized, administered
lx: maammulan
pd: (maammulnaa)
ps: adj-der
key: maammulan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammus
(Aammus-ka)
Hadal la'aan; shib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammus
aammus¹: m.l 1. Hadal la'aan. 2. Shib. 3. la-mid: aammusid.
aammus²: f.mg1 (-say, -stay) 1. Hadal joojin. 2. Wax sheegiddiisa ka gaabsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aammus
f.mg1 (-say, -stay) 1. Hadal joojin. 2. Wax sheegiddiisa ka gaabsasho. m.f.dh., aammusid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aammus
v. be silent, keep quiet, shut up
aammus vl. n. silence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aammus
-ay / t ay: (v) shut up (shat ap); silence (saaylans); stop speaking ~ ha hadlin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aammus
(fal) ha hadlin; wax ba ha odhan. Kolkay aamus igu tidhi, anna edebso baan idhi. Li: hadal.
aammus -ka: (magac, lab, keli) shib ahaanta; hadal la'aanta. Jawaab xun aamus baa dhaama. Li: hadal.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
aammus
صَمْت وَسُكُوت
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammusi
f.g2 (-iyay, -isay) Hadal, qaylo ama oohin cid ka celin. Tusaale: 'Carruurta ka aammusi qofka jirran'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aammusi
f.g2 (-iyay, -isay) Hadal, qaylo ama oohin cid ka celin. Tusaale "Carruurta ka aammusi qofka jirran". m.f.dh, aammusin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aammusi
v. silence (someone), shut (someone) up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aammusi
-yey / say: (v) silence (saay lansi); make silent or bring silence to someone or something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aammusi
(fal) qof kale, hadalka ka jooji; u diid hadalka. Aamusi raadiyaha. Dh: aammusii.
aammusi: (fal) qof oohin ka jooji. Ilmaha ooyaya aamusi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aammusi
de: silence (s.o.), shut (s.o.) up
lx: aammusi
pd: (aammusiyey)
ps: v2a=
key: aammusi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aammus_1
de: be silent, keep quiet, shut up
hm: 1
lx: aammus
pd: (aammusay)
ps: v1=
key: aammus_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aammus_2
de: silence
hm: 2
lx: aammus
pd: (-ka)
ps: vn2-m, vn7-m
key: aammus_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusid
(Aammusid-da)
Hadal joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammusid
m.f.dh eeg aammus². la-mid: aammus¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aammusii
(fal) eeg aamusi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammusis
m.l la-mid: aammusin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aammusni
-da: (magac, dhedig, keli) hadal la'aan: shib ahaan. Dh: aamusnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hammisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax walaac iyo murugo hayso ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hammisan
der. [adjective] worried, preoccupied, anxious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hammisan
-aa: (adj) preoccupied (pri-oko paayidh) ~ walwalsan, fakarsan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hammisan
de: worried, preoccupied, anxious
lx: hammisan
pd: (hammisnaa ~ hammisanaa)
ps: adj-der
key: hammisan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Bun wax la xammisey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xammisan
der. [adjective] toasted; broiled
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xammisan
de: toasted; broiled
initial: x
lx: xammisan
pd: (xammisnaa)
ps: adj-der
key: xammisan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammusdaran
f.mg4 (-rnaa, -nayd) Wax aan aammusaynin (cid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamminsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aaminsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxammasan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la maxammasay ahaansho (bun).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aammusnow
(fal) eeg aammusnaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamusnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xaaladda qof aamusan. Li: hadlitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amaamudan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la amaamuday ahaansho (hanti, aqal iyo wixi lamida); unkaman; alkuman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaamudan
(tilmaame) wax unkan; arrin asaasan Taladani waa mid amaamudan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hammuuman
-aa: (adj) hungry as a result of missed breakfast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaamaysan
-aa: (adj) owing (oowiwg); liable (laaya-bal); indebted for compensation of damage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaamaysan
(tilmaame) deyn lagu leeyahay ah. Nin qaamaysan weeyaan odaygu. Dh: deymeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaameysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof qaan galay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaameysan
der. [adjective] indebted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaameysan
(tilmaame) mid deyn qaba ah; wax qaan lagu leeyahay ah. Dh: daymaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaameysan
de: indebted
lx: qaameysan
pd: (qaameysnaa)
ps: adj-der
key: qaameysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamuursan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la deday ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saameysan
der. [adjective] affected; afflicted
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saameysan
de: affected; afflicted
initial: s
lx: saameysan
pd: (saameysnaa)
ps: adj-der
key: saameysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xammaysan
La xammeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax aad u ordaaya ahaansho. 2. Wax aad u raran ahaansho (gaadiid).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xammaysan
der. [adjective] boiled, brought to a boil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammaysan
(tilmaame) cuntooyinka badh le diiday oo laga soomiyay ah. Dh: mamnuucan.
xammaysan: (tilmaame) karkarsan oo heerka ugu kulul gaadhsiisan ah. Dh: baylsan.
xammaysan: (tilmaame) kaynaansan oo xoogu or daya ah. Faras xammaysan ayaa i waydaartay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xammaysan
de: boiled, brought to a boil
initial: x
lx: xammaysan
pd: (xammaysnaa)
ps: adj-der
key: xammaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamminsanaw
(fal) wax kaa maqan ama aanad arkayn, mid rumaysan ahaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aamminsanow
ąamminsanow: f.g3 (-naaday, -naatay) 1. Qof, wax cid aamminka ku qabo noqosho. 2. Qof, wax rumaysan jiritaanka Eebbe iyo diinta noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aamminsanow
v. trust, have faith in, believe in
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamminsanow
(fal) eeg aaminsanaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aamminsanow
de: trust, have faith in, believe in
lx: aamminsanow
pd: (aamminsanaaday)
ps: v3a=
key: aamminsanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgammuuran
afgammuuran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay) Wax af beelay noqosho (qalab af fiiqan). la-mid: afgammuuxan¹, afgamuuran¹, afgamuuxan¹.
afgammuuran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax af beelaay ahaansho (qalab af fiiqan). la-mid: afgammuuxan², afgamuuran², afgamuuxan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afgammuuran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax af beelaay ahaansho (qalab af fiiqan). m.f.dh, afgammuurnaan. la-mid: afgammuuxan, afgamuuran, afgamuuxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgammuuxan
afgammuuxan¹: f.mg1 (-xmay, -xantay) la-mid: afgammuuran¹.
afgammuuxan²: f.mg4 (-xnaa, -xnayd) la-mid: afgammuuran².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maammulnaan
m.f.dh eeg maamulan. la-mid: maammulnaansho, maamulnaan, maamulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaman
-ka: (magac, lab, keli) intii la soo noolaa; inta la xusuusan yahay; xilli dheer oo la soo jirey. Tan iyo aamankii ayay dadkani isa soo garab degenaayeen. Dh: abidkeed, aamanuu, aamanuun, weligeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasan
La xabaalay; la duugey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasan
aasan¹: f.mg1 (-smay, -sanaty; -smi) Wax cidi aastay noqosho.
aasan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la aasay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aasan
aasan¹: f.mg1 (-smay, -sanaty; -smi) Wax cidi aastay noqosho. m.f.dh, aasmid.
aasan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la aasay ahaansho. m.f.dh, aasnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aasan
der. [adjective] buried
aasan [inchoative] v. be buried, get buried
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasan
-aa: (adj) buried (beeridh); placed in the ground ~ xabaalan ama duugan