aalesonkor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalesonkor
-ka: (magac, lab, keli) geed meelaha biyo badan laga beerto oo jiriidisa laga tuujiyo sonkor. aalid-da: (magac, dhedig, keli) waxtar iyo faa'ido yeelasho. Wax ku aalidda Cali waxa lagu garan hawsha maanta loo diray. Dh: oolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aale
-ha: (magac, lab, keli) geed meelaha biyo badan laga beerto oo jiriidisa laga tuujiyo sonkor, loona yaqaan aalesonkor.
aale -ha: (magac, lab, keli) qaranka hadhuudhka kiisa quwaaxa macaan ee la muudsado leh. Dh: kiinje.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QASAB-SONKOR
(Gasab-sonkor) S Saccharum officinarum L. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigsonkor
m.l Kaadisokorow; kaadimacaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalisanoow
(fal) weligaaba qüima sare ahaw; wax qaali ah ahaw. Qaalisanoow oo hoos ha isku dhigin. Dh: qaalisanaw. Li: raqiisnaw, jabnaw.