aakhiraseegid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiraseegid
-da: (magac, dhedig, keli) wanaagga iyo dariiqii toosnaa ka leexasho. Dh: tawbadseegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiraseeg
-ga: (magac, lab, keli) wixii wanaagsanaa waxan aahayn ka shaqayn oo xumaan falid. Xaalufinta dhulku, waa aakhiraseeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiradhigad
-ka: (magac, lab, keli) hor Ilaahay, wax loola baxo. Ayaa aakhiradhigad la baxaya oo masaajidka nala dhisaya? Dh: sadaqo, sadaqad, dar-Alle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiwareemid
m.dh la-mid: baqtiwareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiwareemid
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhintay ama nafi ku jirin, meydkiisa warmo gelgelin ama rasaas, dhagax iyo wax la mid ah ku garaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg aakhiraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiraysad
-ka: (magac, lab, keli) dhimashada qofku uu nolosha ka xijaabto. Aakhiraysadkaagii ayaan aragnay saw ma aha?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhirusebaan
-ka: (magac, lab, keli) dabayaaqada adduunka ee ka yar horraysa xilliga qiyaamadu dhici doonto. Dhismaha dhaadheer oo lagu tartamo waa calaamad aakhirusebaan. Dh: aakhiruseman, aakhirusemaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddigasheegid
(Xiddigasheegid-da)
Xiddigaha wax ka sheegid, ka faallo; xiddigin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigasheegid
-da: (magac, dhedig, keli) xiddigaha wax ka sheegid oo ka faalin. Dh: xiddigin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabayeelid
(Aabayeelid-da)
U dan gelid; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabayeelid
m.f.dh eeg aabayeel². la-mid: aabayeel¹ (2), aabeyeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aabayeelid
vl. n., [compound] attention, consideration, being concerned about
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aabayeelid
de: attention, consideration, being concerned about
lx: aabayeelid
pd: (-da)
ps: vn1-f-cmp
key: aabayeelid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhirayso
(fal) dhimo oo xijaabo. Aakhirayso sawkaan ku idhi diidday amarkiiye. Dh: allayso, xijaabo, dhimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lawareegid
-da: (magac, dhedig, keli) hanti si sharci ah ama aan sharci ahayn kula wareegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakhirasho
-da: (magac, dhedig, keli) fudayd ka dhigasho; sahal ka dhigasho. Dh: fudaydsasho, sahasasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakhraamid
(Sakhraamid-da)
Sakhraan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakhraamid
m.f.dh eeg sakhraan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sakhraamid
f. n., [abstract] intoxication, drunkenness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sakhraamid
-da: (n) drunkenness (dharaanken-nes) ~ sakhraannimo, sarkhaanimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakhraamid
-da: (magac, dhedig, keli) qof sakhraansan noqosho, oden
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sakhraamid
de: intoxication, drunkenness
initial: s
lx: sakhraamid
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: sakhraamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhasusid
m.f.dh eeg takhasus². la-mid: takhasus¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhraarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax labo qalbac ah; wax kala dhexgelin, ku kala qabad. Marka latakhraaro yaxaaska afkiisa waa lagu dhexdhici karaa. Dh: liqdaarida, tikhraarida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warsheegid
(Warsheegid-da)
Warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warsheegid
m.f.dh eeg warsheeg². la-mid: warsheeg¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbayeelid
-da: (magac, dhedig, keli) tixgelin iyo u tudhid. Hawlfulinta ciidanka waa in la raaciyo aabbayeelid iyo tudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanasheegad
-ka: (magac, lab, keli) eeg aanadoonid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahibeelid
-da: (magac, dhedig, keli) baahi wax ama qof loo qabay oo laga kaaftoomo. Dh: haqab-beelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhabeelid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho ka soo noqosho; cadhabeelis.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gariiradeed
Helical
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
La wareegid
Esproprio
Expropriation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saranseerid
m.f.dh eeg saranseer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwareegid
-da: (magac, dhedig, keli) tiir ama goobo ku dul duurduurid oo kolkaad mar wareegtaba haddana ku celin.
warwareegid -da: (magac, dhedig, keli) Socsocosho oo kolba meel iska marid Warwareegid bilaa macni ah waa lagu daalaa. Dh: Socsocod.
warwareegid -da: (magac, dhedig, keli) socod aan toos ahayn oo kolba dhinac loo baydho socosho. Dalcadaha toos looma bexee warwareegid ayaa lagu fuulaa. Dh: duurduur, baydhbaydh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cabdirashiid
name: Abdi Rasheed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cabdirashiid
bw: Arabic
de: Abdi Rasheed
lx: Cabdirashiid
ps: name-m
key: Cabdirashiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafkadeegid
-da: (magac, dhedig, keli) saboolnimi qofkuu uu ku danbeeyo gidaarseexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafwareegid
m.dh eeg gaafwareeg². la-mid: gaafmeerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafwareegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la rabo in la ilaaliyo dusha iyo hareeraha ka kormeerid. Dh: afmeer, gaafameer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaahwareerid
m.f.dh eeg jaahwareer². la-mid: jaahwareer¹ (2), jahawareer¹, jahawareerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahawareerid
m.dh la-mid: jaahwareerid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lakab raseed
Bedding plane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xijaabashada qof hore u noolaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiwareemid
m.f.dh eeg baqtiwareen². la-mid: bakhtiwareemid, baqtiwareen¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiwareemid
-da: (magac, dhedig, keli) baqtigawrac samayn oo wax nool iyo wax dhintayba birta saarid. Ciidanka baqtiwareemid looma oggola. Dh: baqtigawricid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiradhigasho
-da: (magac, dhedig, keli) bixinta sadaqad Alle loogu dhowaado. Sheekhu dadka waxa uu ku waaniyay aakhirodhigashada.