aaggaqabow
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aaggaqabow
m.l (-gag-qabow, m.l) (jool.) Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aagga-qabow
m.l (-gag-qabow, m.l) (jooloji) Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aaga qabow
Cold front
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maggaabo
(Maggaaba-da)
Cantuugo weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggaabo
m.dh (-ooyin, m.l) Cantuugo weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maggaabo
f. n. large mouthful, big gulp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggaabo
-da: (magac, dhedig, keli) cantuugo caano lis ah la cantuugo oo afka kol laga buuxsho. Maggaabo way igu filan tahay: Dh: muggaabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maggaabo
bw: maggaw ~ maggow
cf: cantuugo
de: large mouthful, big gulp
lx: maggaabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: maggaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqaqabow
m.l Toddobada subaxnimo ilaa sagaalka ama subaxnimada inta qorraxdu ayan kululaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barqaqabow
m.l Toddobada subaxnimo ilaa sagaalka ama subaxnimada inta qorraxdu ayan kululaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagaal qabow
(n) cold war (kooldh-woor)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaasaanqabow
(Xaasaanqabow-ga)
Xaasaan iska qabow, iska roon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaasaanqabow
m.l.kh Nafley aan aad caato u ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaasaanqabow
m. n., [compound] (adj.): slight thinness ~ weakness; somewhat thin ~ lean
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasaanqabow
-ga: (magac, lab, keli) xaasaan iska qabow. Xasaanqabaw weeyaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaasaanqabow
de: slight thinness ~ weakness; [atr.] somewhat thin ~ lean
initial: x
lx: xaasaanqabow
pd: (-ga)
ps: n0-m-cmp
key: xaasaanqabow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaanqabow
-ga: (magac, lab, keli) dabeecad wanaag iyo baarrinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaggabo
m.dh Dawakhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąggabo
m.dh la-mid: goggobo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaggabo
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun la dawakhid oo la wareerid. Dh: gaggab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaabo
-da: (magac, dhedig, keli) cantuugo caano ah oo mar afka aad looga buuxiyo. Magaabo geel maalin gellinkeed bay ku waddaa. Dh: kabbasho, cantuugo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggaaw
(fal) godlo oo caano keen. Halyahay nirigtaada u maggaaw. Dh: maggaw, maggow
maggaaw -ga: (magac, lab, keli) caano keenid oo naaska ku diyaarin si loo liso. Dh: godlasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaqabow
m.l la-mid: qabqabow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tagaabo
(Tagaaba-da)
Waxtar; kaalo; macaawino; taageero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tagaabo
m.dh 1. Kaalmo; waxtar; taageero; macaawino. 2. la-mid: tagaabeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tagaabo
f. n. support, help
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagaabo
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmo iyo waxtar cid loo sameeyo, tagaabo Alle ayaa lagu taajiraa. Dh: kaalmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tagaabo
de: support, help
initial: t
lx: tagaabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: tagaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaqabo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Wax intooda badani khasaaray inta ka hartay badbaadin. 2. Neef jirro ama caato awgeed la fariistay kicin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaqabo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Wax intooda badani khasaaray inta ka hartay badbaadin. 2. Neef jirro ama caato awgeed la fariistay kicin. m.f.dh, dabaqabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaqabo
v. catch ~ seize by the tail; reach; follow up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaqabo
(fal) qabo oo badbaadi wax halis ku jira ama ku soo foolleedahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaqabo
de: catch ~ seize by the tail; [ext.] reach; follow up
lx: dabaqabo
pd: (dabaqabtay)
ps: v3b=tr
key: dabaqabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagow
-ga: (magac, lab, keli) dugaag noqosho. Dh: dugaagow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Meel magaalo noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalow
(fal) magaalo camiran oo wax laga iibsado noqo; dhismayaal badan iyo suuqyo yeelo.
magaalow: (fal) reer magaal noqo iyo muunad iyo muuqaal reer magaal yeelo. Miyi kol haddaad ka timaad haddeed magaalow.
magaalow-ga: (magac, lab, keli) eeg magaaloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggaabi
f.lg2 (-iyay, -isay) Hoore aad loo cantuugo siin (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maggaabi
v. take a big mouthful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggaabi
(fal) caano lis ah aad u cantuug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maggaabi
de: take a big mouthful
lx: maggaabi
pd: (maggaabiyey)
ps: v2a=
syn: cantuug
key: maggaabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabqabow
m.l Cabbitaan qabow oo la cabbo. la-mid: qaqabow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabqabow
m.l Cabbitaan qabow oo la cabbo. la-mid: qaqabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabqabow
-ga: (magac, lab, keli) dareerayaasha qabawga lagu cabbo. Tukaan qabqabowga lagu libiyo ayaan ciidda ku caweeyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalow
(fal) sagaal noqo; tiro sagaal ah noqo; tiro ku sagaal noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabow
(Waraabow-ga)
Cudur xun oo lays qaadsiiyo (xagga isutegidda ragga iyo dumarka), layskana dhaxlo oo lala dhasho; xabbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabow
waraabow¹: m.l Cudur xun oo laysku qaadsiiyo isu tegidda ragga iyo dumarka ama lala dhasho; xabbad.
waraabow²: m.l (daawo) Cudur muddo dheer oo ka mid ah cudurrada galmada, waxaana keena baktiiriyuunka “trepopnema pallidum” oo jirka ka gala meel dhawac ah.
waraabow³: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Waraabe noqosho. 2. Wax hilib badan cuna noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waraabow
waraabow¹: m.l Cudur xun oo laysku qaadsiiyo isu tegidda ragga iyo dumarka ama lala dhasho; xabbad.
waraabow²: m.l (daaw.) Cudur muddo dheer oo ka mid ah cudurrada galmada, waxaana keena baktiiriyuunka 'trepopnema pallidum' oo jirka ka gala meel dhawac ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraabow
m. n., [collective] syphilis; rabies, hydrophobia
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waraabow
-da: (n) syphilis (sifalas) ~ isfiilito
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabow
(fal) waraabe noqosho ama dabeecadaha waraabaha yeelo.
waraabow-ga: (magac, lab, keli) cudur habdhiska taranka ku dhaca galmadana la isku qadsiiyo. Waraabow ayaa laga daaweeyey wiilka. Dh: xabbad, jabti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraabow
de: syphilis; rabies, hydrophobia
initial: w
lx: waraabow
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
syn: bajo, isfiilito, xabbad
key: waraabow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maggaabid
(Maggaabid-da)
Maggow keenid; godlasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggaabid
m.f.dh eeg maggow². la-mid: maggow¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maggaabin
(Maggaabin-ta)
Cantuugid weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggaabin
m.f.dh eeg maggaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggaabin
-ta: (magac dhedig, keli) cantuugid xoog ah oo caano la soo lisay la cantuugo. Geelie magaabin buu ku dhergaa. Dh: qantuugid. Li: qudhqudhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maggaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnaqabo
f.mg3 (-btay, -batay) 1. Cid wadnaha xanuunayaa ahaansho. 2. Qof wadnaqabad ah ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaggaaban
adj., pl. short, small (ones)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaggaaban
a: gaagaaban
de: short, small (ones)
lx: gaaggaaban
pd: (Sg: gaaban)
ps: adj-pl
key: gaaggaaban
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hawo qabow
Cold air
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbaggarbow
m.l la-mid: garbab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbagarbow
-ga: (magac, lab, keli) cudur lo'da ku dhaca. Dh: garbab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laballaabow
(Laballaabow-ga)
Labo arrimood oo gudban ama wax kale, wax ka qabashadood u tallamid; labo laabood yeelasho: ma sidatan baad yeeshaa mase sidatan kale? Walaac; shaki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballaabow
laballaabow¹: m.l Kala doorashawaayidda qof laba arrimood oo gudboon kala dooran waayo. la-mid: laballaaboobid.
laballaabow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof laba arrimood oo gudboon kala dooran waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laballaabow
m.l Kala doorashawaayidda qof laba arrimood oo gudboon kala dooran waayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laballaabow
m. n. hesitation; considering both sides of a question
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballaabow
-ga: (magac, lab, keli) labo arrimood oo gudban ama wax kae, wax ka gabashadood u tallamid; labo laabood yeelasho; ma sidatan baad yeeshaa mase sidatan kale? Dh: walaac, shaki, labaclul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laballaabow
cf: labaclul, walaac, shaki
de: hesitation; considering both sides of a question
lx: laballaabow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: laballaabow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggarafoon
m.l (-nno, m.dh) Qalab xoojiya codadka yaryar oo hirarka jabaqda u beddela tamardanabeed, kaasoo loo sii beddeli karo jaqab marka lagu qaado silig ama silig la'aanba. la-mid: maggaroofan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maggarafoon
m.l (-nno, m.dh) Qalab xoojiya codadka yaryar oo hirarka jabaqda u beddela tamardanabeed, kaasoo loo sii beddeli karo jaqab marka lagu qaado silig ama silig la'aanba. la-mid: maggaroofan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maggarafoon
m. n. microphone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggarafoon
-ka: (magac, lab, keli) qalab casri ah oo meelo badan loo adeegsado oo codka soo qabta weyneeya baahiyana. Masaajidka maggarafoon fiican u sameeya. Dh: codbaahiye, maykarafoon, makarafoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maggarafoon
a: maggaroofan (ka) [n2-m] {Eng}
de: microphone
lx: maggarafoon
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: maggarafoon
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waafaqsanow
v. be in agreement; comply with
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waafaqsanow
de: be in agreement; comply with
initial: w
lx: waafaqsanow
pd: (waafaqsanaaday)
ps: v3a=
key: waafaqsanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kitaabgaablow
m.l la-mid: kitaabgaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kitaabgaablow
-ga: (magac, lab, keli) nin kutubta wax yar ka yaqaan, haddana wax ka sheegsheega oo wadaad iska diga. Dh: fiqiduur, qalinduurre, kitaabgaab, afarbaalle.