aadankhayr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadankhayr
-ka: (magac, lab, keli) qofka samafalaha ah ee dhibbanaha u gurmada. Dh: gurmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caleenkhayr
-ka: (magac, lab, keli) geed jinaw ah ama dhanaan oo caleentiisuna tahay sida xinnaha oo ay dumarku wallaca u cunaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhay
(fal) isdhexgeli oo isku dardar turubka si haadadku isugu dhafmaan. Baandhay turubka oo qaybi. Dh: baandhee.
baandhay: (fal) baadhitaan is dabajoog ah ku samee; fatashaad ku suubbi. Dh: baadh, baandhee, fatash.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadalhay
v. talk about, mention, name someone ~ something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalhay
(fal) war ama sheeko hore loo ogaa, sii wadwad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadalhay
a: hadalhee (hadalheeyey) [v2b=tr]
de: talk about, mention, name s.o. ~ s.t.
lx: hadalhay
pd: (hadalhayey)
ps: v2a=tr
key: hadalhay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laanqayr
(Laanqayr-ta)
Istallaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laanqayr
m.dh (-ro, m.l) Astaan istilaab ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laanqayr
m.dh (-ro, m.l) Astaan istilaab ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laanqayr
f. n. crescent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laanqayr
-ta: (magac, dhedig, keli) iskutallaab asalkeedu ka soo jeedo diinta kiristaanka. Laanqayrta cas ayaa dadkii tabaalaysnaa kaalmo siisay. Dh: iskutallaab, istallaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laanqayr
a: laanqeyr
cf: istallaab
de: crescent
lx: laanqayr
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: laanqayr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandhay
u.j Erey qof dheddig ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. la-mid: maandha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maandhay
u.j Erey qof dheddig ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. la-mid: maandha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maandhay
(ereydhawaaq) qof dhedig ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. Dh: maandha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanshay
(fal) barwaaqee oo wax ka farxiya wada gaadhsii. Rooboow dhulka noo maanshay. Dh: nimcee, wanaaji, maashee, maashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhay
(fal) wasakh u yeel. Wasakhay marada oo tuur. Dh: wasakhee, faddaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadantay
(fal) salaax oo ka judhuudhucsii; xadanto samee. Cagaha ka xadantay wiilka yar. Dh: salaax, xoodaami, xadantee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadangaab
-ka: (magac, lab, keli) jaad hadhuudhka yaryar ka mid ah oo uu qarankiisu aale wada yahay. Aadangaabku sabuushiisa sida halabta ayuu u kala rogaa. Dh: findis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baandhayn
(Baandhayn-ta)
(turub) shaandhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baandhayn
m.f.dh eeg baandhee. la-mid: baandhays (2), baandho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baandhayn
-ta: (n) shuffle (shafal); reshuffle (riishafal) ~ baandhada turubka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) isku hagaajin iyo isku habaynta turubka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baandhays
m.l 1. Dhar ay askartu kubabka ku duuban jirtay. 2. la-mid: baandhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhays
-ka: (magac, lab, keli) baandhayn ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calanhaye
m.l (-yayaal, m.dh) Ciyaarta kubbadda cagta labada qof ee garsooraha caawiya midkood. la-mid: calanwale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calanhaye
m.l (-yayaal, m.dh) Ciyaarta kubbadda cagta labada qof ee garsooraha caawiya midkood. la-mid: calanwale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calanhaye
m. n. flag bearer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calanhaye
-ha: (n) a person carrying the flag or signalling with a flag; flagger ~ calanwale, calanwade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calanhaye
-ha: (magac, lab, keli) qofka goobaha cayaaraha calanka qaranka sida. Dh: calanside.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calanhaye
de: flag bearer
lx: calanhaye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: calanhaye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ehlakhayr
m.l la-mid: ehelukhayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacansayr
gacansayr¹: m.l 1. Diidmo. 2. la-mid: gacansayrid.
gacansayr²: f.mg1 (-ray, -rtay) Ku g.: talo, amar iyo wixi lamida si qayaxan u diidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacansayr
f.mg1 (-ray, -rtay) Ku g.: talo, amar iyo wixi lamida si qayaxan u diidid. m.f.dh, gacansayrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacansayr
v. reject, refute
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacansayr
-ka: (magac, lab, keli) heshiis, oggolaansho la'aan oo diidid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacansayr
a: gacanseyr
de: reject, refute Lit: throw one's hands up
lx: gacansayr
pd: (gacansayray)
ps: v1=idiom
key: gacansayr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalhayn
m.f.dh eeg hadalhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) war ama sheeko hore loo ogaa, sii hadalhayn. Dh: hadalhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadalhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqayn oo wax ka farxiya wada gaadhsiin. Maanshaynta Eebbaa abkoow meel walliba gaadha. Dh: nicmayn, maanshayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanshays
-ka: (magac, lab, keli) eeg maanshayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taandhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dacwad ku soo oogid oo maxkamadda taagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taandhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg taandhayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Waranhaye
name-m brave; blessed; protector
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wasakhayn
(Wasakhayn-ta)
Wasakh u yeelid, ku bi'in, gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wasakhayn
m.f.dh eeg wasakhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wasakh ama uskag u yeelid; nikaas marin. Dh: wisikhayn, wasakhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhays
-ta: (magac, dhedig. keli) eeg wasakhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadantayn
-ta: (magac, dhedig keli) jidh faraha gamcaha caaradooda si aayar aayar ah u dul marmarin; xadanto ku samayn. Dh: xadantays xoodaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadantays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xadantayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
calan haye
linesman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaranhayt
m.l (fiisikis) Qiyaasta heerkulka ee uu keenay fisigisyahan Jarmal ah oo la yiraahdo Gabriyeel Faaranahyt (1686 - 1736) waxaana looga isticmaalaa waddama Ingiriisiga ku hadla. Barta barafowga iyo tan karka ee biyuhu waxay kala yihiin 32 iyo 212 sida ay u kala horreeyaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faaranhayt
m.l (fiisikis) Qiyaasta heerkulka ee uu keenay fisigisyahan Jarmal ah oo la yiraahdo Gabriyeel Faaranahyt (1686 - 1736) waxaana looga isticmaalaa waddama Ingiriisiga ku hadla. Barta barafowga iyo tan karka ee biyuhu waxay kala yihiin 32 iyo 212 sida ay u kala horreeyaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Faaranhayt
Fahrenheit
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Faaranhayt
FahrenhelgHt
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ummalkhayr
pr. n., [feminine] Umalkhayr
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ummalkhayr
bw: Arabic
cf: khayr
de: Umalkhayr Lit: mother of goodness
initial: u
lx: Ummalkhayr
ps: name-f
key: Ummalkhayr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) liibaan siin; barwaaqo ka dhigid. Badhaadhaynta Eebbaa hayoo kana baryaynnaaye. Dh: baraarayn, badhaadhays, baraarays, barwaaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhaadhayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadi-ahayn
np, neg. abnormal, irregular
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalankacayn
m.f.dh eeg dalankacee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandekhayre
-ha: (magac, lab, keli) golaha sare ee beesha oo go'aannada xulista ugaas cusub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaladanbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) is'ixtiraamid iyo isqaddarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamadanbays
-ta: (magac, dhedig, keli) aan waxba ka dambayn; fursadii ugu dambays ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaydin-hays
m.l.kh Q. ah: nin meesi xoolaad si joogto u ilaaliya oo aan ka harin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Takhantakhayn
(Takhantakhayn-ta)
Takhantakho ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhantakhayn
m.f.dh eeg takhantakhee. la-mid: takhantakhin, tukhuntukhayn, tukhun-tukhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhantakhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hore u harbiyid, socod aanu raalli ka ahayn socodsiin; takhantakho ku wadid. Takhantakhayn ayuu ku gaadhsiiyay ilaa iyo saldhiga. Dh: tukhuntukhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhantakhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg takhantakhaynta.