aabays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaaabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabays
-ta: (magac, dhedig, keli) xaabo gurasho. Meel magaalo ka fog ayaa xaabays lagu yagaan. Dh: qoryays, xaabays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabay
(fal) arrin ama talo curi; arrin hindis oo taabbage-lintiisa qorshee. Talaan aabay lahaa, tusmaan gaadhsii lahaa, tilmaan abid baan lahaa. Dh: astay, aabee, qorshay, dheego.
aabay: (fal) wax u aabbayeel; tixgeli oo aabbee. Aabay waalidkaaga ajar baa ku jiree. Dh: aabee, aabbayeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabayn
(Aabayn-ta)
1. Tixgelin; aabayeelid; daryeelid.
2. (weel) xoolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabayn
m.f.dh eeg aabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aabbayeelid iyo tixgelin. Aabbaynta waalidku waa axsaan loo aayo.
aabayn-ta: (magac, dhedig, keli) samo iyo wanaag abaabulid oo wanaajin. Umuurtii aad leedahay ninkii, kuu aabaynaaya. Dh: habayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabays
-ka: (magac, lab, keli) dab u yeelis. Dabays badan weli umaad yeelin birtan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habays
(Habays-ka)
Habayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habays
m.l la-mid: habayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habays
vl. n. act of ordering, arranging
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habays
-ka: (n) the act of organizing; arrangement (a-reenjiment), organization (orgizaayshen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habays
-ka: (magac, lab, keli) qaab wax loo dhigo ama loo qorsheeyo laftiisa. Habayska ayaa markii hore idinka xumaaday. Dh: qaabays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habays
de: act of ordering, arranging
lx: habays
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: habays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labays
m.l la-mid: labayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labays
-ka: (magac, lab, keli) eeg labayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabays
m.l la-mid: tabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barmar
-ka: (magac, lab, keli) xanuunka ku dhaca neefka marka lagu liso weel aan aabaysnayn ama gacmo aan nadiif ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabaysan
(tilmaame) wax habaysan oo wanaagsan ahaan. Eebbe taladeenna mid aabaysan ha ka yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg Carabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg danabayn. danabaysan: (tilmaame) walax ama atam la danabeeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalabays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qalabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg salabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaysi
-ga: (magac, lab, keli) beer aala ka gurasho; aale ka cuunid. Dh: quwaaxaysi, eeleysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalayso
(fal) aale ka guro ama ka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanaysi
(Aanaysi-ga)
Godob u raadsi; xigtaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysi
m.l 1. Godob u raadsi. 2. Xigtaysi. la-mid: aanaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aanaysi
vl. n. blame, act of blaming, holding someone responsible
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysi
-ga: (magac, lab, keli) eegaargudasho ku salaysan godob horay loo geystay. Dh: aanaysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aanaysi
de: blame, act of blaming, holding s.o. responsible
lx: aanaysi
pd: (-ga)
ps: vn7-m
key: aanaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. Godob u raadsasho. 2. Qaraabannimo ama saaxibnimo awgeed cid u xigsasho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanayso
(fal) godob horay laguugu geystay, cid kale uga aargudo. Ha aanaysan ninkii godob kaa galaye, xaqaaga weydiiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaysi
-ga: (magac, lab, keli) cid ama wax la garabsado oo gargaar laga dhigto. Is aawaysiga ayaa horumar laagu gaadhaa. Dh: taageersi, kaalmaysi gargaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg agagayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ararayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg caadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanays
-ka: (magac, lab, keli) eeg caanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatays
-ka: (magac, lab, keli) eeg caatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabrays
-ka: (magac, lab, keli) weerar daran ku qaadis. Dabrays baa ragga inta badan lagu laayey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambays
-ka: (magac, lab, keli) xagga danbe marid. Dh: danbays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbays
-ka: (magac, lab, keli) danbaynta wax loogu danbeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalays
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, gaal ka yeelid.
gaalays-ta: (magac, dhedig, keli) middi weyn oo af badan. Cali gaallays buu soo tuntay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarays
-ka: (magac, lab, keli) eeg haarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habayso
v.auto: plan, organize
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habayso
de: plan, organize
lx: habayso
pd: (habaystay)
ps: v3b=auto
key: habayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hambayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbays
-ka: (magac, lab, keli) eeg habayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabeys
m.l la-mid: jaabeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalays
-ka: (magac, lab, keli) geed geedaha ku marma oo xooluhu cunaan. Daaraddayada laalays baa ka baxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysi
(Labaysi-ga)
Labaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysi
m.l la-mid: labaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg labaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax la haystay, wax labaad ku darsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax la haystay, wax labaad ku darsasho. m.f.dh, labaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labayso
v.auto: have two; take two of something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labayso
(fal) wax aad horay hal uga qaadatay, mar labaad haddana biirso. Dh: lammado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labayso
de: have two; take two of s.t. for oneself
lx: labayso
nt: labaysad (ka) [vn-m], labaysasho (/da) [vn-f], labaysi (ga) [vn-m]
pd: (labaystay)
ps: v3b=auto
key: labayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqbays
m.l la-mid: laqbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadays
-ka: (magac, lab, keli) bandhig maaweelo iyo maadi ka buuxdo oo qof ama wax ka badani jilaan lana daawado. Waa maadays adduunyadu dadkuna way matalayaan. Dh: majaajillo, maweelo, maadeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahays
-ka: (magac, lab, keli) qof aan garaad badan lahayn oo wuxuu sameeyaana inta badan wax ka soo qaad lahayn. Maahayska ninmankii nii malmalay muranku waa ceebe. Dh: maangaab.
maahays -ka: (magac, lab, keli) inta tamarta yar ee in loo naxo oo la dhawro mudan. Xilliga dagaallada mahayska iyo rayadka lama laayo. Dh: maati, maxas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarays
-ta: (magac, dhedig,meli) eeg maarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maayays
-ka: (magac, lab, keli) eeg maanyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naagays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg naagayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naanays
(Naanays-ta)
Magac dheeri ah oo qof ama wax kale loo baxsho ama lagu dhejiyo; koofaar; (ama naynaas).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naanays
naanays¹: m.dh (-so/-syo, m.dh) Magac dheeri ah oo loo yaqaan qof, kaas oo aan ahayn magaciisa dhabta ah; koofaar. la-mid: naynaas¹.
naanays²: m.dh (-syo, m.dh) (kiimika)Hab loo qoro iskudhis kimikaad iyadoo la isticmaalayo summadaha atamyada ku jira. Hoosgalayaashu waxay u taaganyihiin tirada atamyada. Naaneys molikiyuulku waxay ku tustaa oo keliya nooca iyo tirada atamyada ah ee ku jira iskudhiska. Dhis naaneys molikuyuulkuna waxay muujisaa sida atammadu u ratibanyihiin.
naanays³: f.mg1 (-say, -stay) 1. Ku n.: qof magac dheeri ah oo aan kiisii dhabta ahaa ahayn u bixin. 2. Ku n.: cid falkeeda dhaliilid. la-mid: naynaas².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naanays
naanays¹: m.dh (-so/-syo, m.dh) Magac dheeri ah oo loo yaqaan qof, kaas oo aan ahayn magaciisa dhabta ah; koofaar. la-mid: naynaas.
naanays²: m.dh (-syo, m.dh) (Kiim.) Hab loo qoro iskudhis kimikaad iyadoo la isticmaalayo summadaha atamyada ku jira. Hoosgalayaashu waxay u taaganyihiin tirada atamyada. Naaneys molikiyuulku waxay ku tustaa oo keliya nooca iyo tirada atamyada ah ee ku jira iskudhiska. Dhis naaneys molikuyuulkuna waxay muujisaa sida atammadu u ratibanyihiin.
naanays³: f.mg1 (-say, -stay) 1. Ku n.: qof magac dheeri ah oo aan kiisii dhabta ahaa ahayn u bixin. 2. Ku n.: cid falkeeda dhaliilid. m.f.dh, naanaysid. la-mid: naynaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naanays
f. n. nickname; formula {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naanays
-ta: (n) nickname (nik neem) ~ naynaas
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Naanays
Soprannome
Nickname
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naanays
(fal) magac aan kiisa rasmiga ahayn ladh ah ugu yeedh.
naanays-ta: (magac, dhedig, keli) magac ladh ah oo magaca dhabta ah ka caansanaada oo qof oo bixiyo. Guray waa naanays. Dh: koofaar.
naanays -ta: (magac, dhedig, keli) xaraf astaan ah curiye oo magaciisa u taagan. Naanaysta Os waa O; naaynayta Haydarojiin waa H.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naanays
bw: naynaas
de: nickname; [ext.] formula {chemistry}
lx: naanays
pd: (-ta)
ps: n1-f
syn: koofaar
key: naanays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hannaan gaar ah oo leh muuqaal guud oo la garan karo u samayn. Qaabaynta ayaa muhiim ah intaan hawl la bilaabin. Dh: hannaanin.
qaabayn-ta: (magac, dhedig, keli) caano lis ah iyo kuwo baryay isku biirin oo isku fadhxid. Kolka caanuhu yaryihiin ayay qaabayntu jirtaa. Dh: jaabajaabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaxays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabaysi
-ga: (magac, lab, keli) jidh maydhasho. Saabuun ayaa qabaysiga loogu talagalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg raamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxays
-ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) eeg raaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbays
-ka: (magac, lab, keli) shaqada barbaarinta lafteeda.
rabbays-ka: (magac, lab, keli) eeg rabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rablays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rablayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhammaan wada gaadhid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalays
-ka: (magac, lab, keli) saalo dhigis xoolaad. Geel ban jooga oo yamaarug daaqay, saalays badanaa.
saalays -ka: (magac, lab, keli) eeg saalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamays
(Saamays-ka)
1. Wax qof ama wax ku yimaada oo raad xoog leh, oo oogada iyo maanku iska gartaan oo wax ku qaybsadaan, ku reeba.
2. Karti wax kale sabab u noqon karta, ama keeni karta, ama abuuri karta ama beddeli karta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamays
m.l la-mid: saamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saamays
m. n. effect, impression
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saamays
-ka: (n) effect (i-fakt) ~ see [eeg] saamayn-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamays
-ka: (magac, lab, keli) karti wax kale u noqota sabab ku keenta isbeddel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saamays
de: effect, impression
initial: s
lx: saamays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: saamays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbays
m.l la-mid: sabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbays
-ka: (magac, lab, keli) sabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg taakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabcays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tabcayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg waaxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabayn
m.f.dh eeg xaabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xaabo soo gurasho; soo gurashoda xaabada. Dh: qoryayn, xaabays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabkays
-ta: (magac, dhedig, keli) xabag gurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafay
(fal) dhibaato iyo xumaan dad kale qabadsii oo gaadhsii. Haddii ad xanuun qabto dadka kale ha aafayn. Dh: aafee, ibtilee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aanay
vl. pron., neg. she / it [fem.] ... not; they ... not