aa'adu
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aa'adu
-ga: (magac, lab, keli) qof halis layaan ah; toogte magafe ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caadadu
ka timaaddo qofka dumarka ah, oo baaluqday oo aan uur lahayn sida caadiga ahna bishiiba waa mar inta ay wax iskabeddeleyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aa'id
m.f.dh eeg aa'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aa'id
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax, waran ama wax kale meel ama qof ku tuurid. Maandhow, ninkaan aa'i waw aamusahayaaye. Dh: tuurid, ridid, mirid, halgaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalad
(Aalad-da)
Alaabo wax lagu qabsado; qalab; hub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąalad
m.dh (-do, m.dh) 1. Qalab mashiin leh oo wax lagu qabsan karo. Tusaale: “Kombiyuutarku waa ąa. cusub oo cilmibaarista fududaysay”. 2. Qalab lagu dagaallamo; hub. 3. Qalabka dumarku ay qaataan ee isku qurxiyaan mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aalad
ąalad: m.dh (-do, m.dh) 1. Qalab mashiin leh oo wax lagu qabsan karo. Tusaale "Kombiyuutarku waa ąa. cusub oo cilmibaarista fududaysay". 2. Qalab lagu dagaallamo; hub. 3. Qalabka dumarku ay qaataan ee isku qurxiyaan mid ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aalad
f. n. weapon; instrument; machine; equipment; mechanism; technology; apparatus
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aalad
-da (n) instrument (inis tur mant); device (di vaays) ~ qalab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab wax loo adeegsado. Dh: agab. Wa: aalado.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Aalad
Makiinadaha iyo qalabka waaweyn ee looga shaqeeyo waabka shaqada iyo warshadaha ee u baahan aqoon heer dheer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aalad
bw: Arabic
de: weapon; instrument; machine; equipment; mechanism; technology; apparatus
lx: aalad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: aalad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aanad
vl. pron., neg. you ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aanad
a: aadan
de: you ... not = aan + aad
lx: aanad
ps: neg + vpro
xe: The work you didnt do is difficult.
xv: Shaqada aanad qabanin wey adagtahay.
key: aanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarad
m.dh (-do, m.l) Liid maro ah oo qurxin awgeed loogu tolo dacallada maryaha la xirto iyo daahyada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aarad
m.dh (-do, m.l) Liid maro ah oo qurxin awgeed loogu tolo dacallada maryaha la xirto iyo daahyada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarad
f. n. edge ~ border of an Arab robe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarad
-da (n) comer (koor-ner); edge (eej) ~ daraf, gees
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarad
-da: (magac, dhedig, keli) guntiga afkiisa hoose. Dh: xayn.
aarad -da: (magac, dhedig, keli) liid midabaysan oo maryaha la xidho ama daahyada afkooda hoose lagu qurxiyo. Wa: aaraddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarad
de: edge ~ border of an Arab robe
lx: aarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: aarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasad
-ka: (magac, lab, keli) xabaal u qodashada qof dhintay iyo duugistiisa. Aasadka meydka waa in ay xaafad walba ka tashato. Dh: aasasho, duugasho, xabaalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayad
(Aayad-da)
1. Suurad quraan, tixaha ay ka kooban tahay, middiiba.
2. Wax aan hor loo arki jirin oo yaab leh.
3. Mucjiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayad
m.dh (-do, m.l) 1. Akhriska ama qoridda quraanka inta u dhexeysa laba joogsi. 2. Wax aan hore loo arki jirin oo yaab leh; mucjiso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aayad
m.dh (-do, m.l) 1. Akhriska ama qoridda quraanka inta u dhexeysa laba joogsi. 2. Wax aan hore loo arki jirin oo yaab leh; mucjiso. aayakatalin m.dh Ka tashiga cidi ka tashato mustaqbalkeeda wixii ay ka yeeli lahayd. la-mid: aayakatashi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aayad
f. n. Koranic verse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aayad
-da: (n) koranic verse; an individual verse in the Quran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayad
-da: (magac, dhedig, keli) qaybta ugu gaaban ee suurad Quraan ah. Sida badan waa lagu hakadaa way na tirsan tahay. Kitaabka kariimka ah Suuradda ugu yari waa saddex aayadood. Dh: hooris, tix.
aayad-da: (magac, dhedig, keli) wax mucjiso ah oo lala yaabo oo Ilaahay lagu garto. Kala duwanaanta afafku waa aayad aayadaha Ilaahay ka mid ah. Dh: mucjiso.
aayad -da: (magac, dhedig, keli) gabadh guryaha iyo xafiisyada ka adeegta. Dh: shaaqiyad, jaariyad.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
aayad
آيَة مُعْجِزَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladay
(fal) qalab geli ama dhig. Geerash intaanad furin horta aaladay. Dh: qalabee, aaladee.
aaladay: (fal) hub iyo ciidan sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąaladee
f.g2 (-deeyay, -deysay) 1. Wax qalabeyn. 2. Wax qurxin. 3. Ciidan hubayn. 4. Cunto si ay caraf iyo dhadhan u yeelato geedo ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aaladee
ąaladee: f.g2 (-deeyay, -deysay) 1. Wax qalabeyn. 2. Wax qurxin. 3. Ciidan hubayn. 4. Cunto si ay caraf iyo dhadhan u yeelato geedo ku darid. m.f.dh., ąaladayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aaladee
v. arm, equip, mechanize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aaladee
-yey / aaladeysay: (v) equip (ikwip); supply with necessary tools aalkolo -aalkolada: (n) alcohol (alkahool) ~ aalkol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladee
(fal) eeg aaladay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aaladee
de: arm, equip, mechanize
lx: aaladee
pd: (aaladeeyey)
ps: v2b=
key: aaladee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aamanuu
m.dh Waqti hore oo aad u fog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamanuu
-da: (magac, dhedig, keli) illaa xilli aad u fog. Nimanyahaw hammiga geeli waa aamanuu hora e. Dh: aamanuun, aaman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaradee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Maro ama daah aarad u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aaradee
v. make the border for something (e.g., clothes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaradee
(fal) macawista iyo wixii la mid ah geftin u yeel.
aaradee: (fal) macawis, daah iyo wax la mid ah, liid midabaysan cidhifkiisa ku shagaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aaradee
de: make the border for s.t. (e.g., clothes)
lx: aaradee
pd: (aaradeeyey)
ps: v2b=tr
key: aaradee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aawaday
(preposition) for my sake ~ dartay. Ex: waxay u joogeen aawaday; they stayed for my sake
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Aaya-da
1) belle-mère, 2) verset.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aayad_1
cf: mucjiso
de: miracle, wonder
hm: 1
lx: aayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: aayad_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aayad_2
bw: Arabic
de: Koranic verse
hm: 2
lx: aayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: aayad_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayaxun
f.mg4 (-umaa, -umayd) Cid aan aayo ficnayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aayaxun
f.mg4 (-umaa, -umayd) Cid aan aayo ficnayn ahaansho.m.f.dh, aayaxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayaxun
(timaame) qof aan mustaqbal wanaagsan lahayn; mid aan rajo lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaadun
adaadun¹: m.l Unkidda xoolo, aqal iyo wixi lamida la unko.
adaadun²: f.g1 (-umay, -untay) Xoolo, aqal iyo wixi lamida unkid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaadun
(fal) guri, xoolo iyo wax la mid ah, alkun.
adaadun -ka: (magac, lab, keli) alkumidda aqal, xoolo ama wax la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaladi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka a.: cid alal ka keenid. la-mid: alaladsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawade
m.l (-dayaal, m.l/dh) (riw.) Qof masrax, filim, ciyaar iyo wixi lamida daawanaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daawade
m.l (-dayaal, m.l/dh) (riw.) Qof masrax, filim, ciyaar iyo wixi lamida daawanaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daawade
m. n. viewer, onlooker; audience
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daawade
-daawadaha: (n) spectator (ispek-teeytariz); onlooker; observer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawade
-ha: (magac, lab, keli) qofka daawanaya filin, riwaayad, telefishan iyo waixii la mid ah. Dadku waa daawade iyo daaddihiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daawade
de: viewer, onlooker; audience
lx: daawade
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: daawade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faa'ido
(Faa'ida-da)
Dheef; korsaar; rubisaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'ido
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: faa'iido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'ido
-da: (magac, dhedig, keli) macaashka laga helo ganacsi iyo wixii la mid ah. Dh: dheef, korsaar, rubbisaar, macaash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradur
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo la iska eegayn, kurtin ama dhagax oo lagu turunturoodo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saa'idi
-yey / say: (v) make greater or larger; increase (in-kiriis)-, expand; add more
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taayada
Tan annagu aannu lee nahay; -tayada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taayada
taayada¹: mu.lh.dh (kuwayaga, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tusaale: “Taayada lama taaban ka-ro”.
taayada²: (-taayada) dk.lh.dh Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tusaale: “Buugaagtayadu way ka duwanyihiin kuwiinna”. la-mid: tayo².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taayada
taayada¹: mu.lh.dh (kuwayaga, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tusaale: Taayada lama taaban karo.
taayada²: (-taayada) dk.lh.dh Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tusaale: Buugagtayadu way ka duwan yihiin kuwiinna. la-mid: tayo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taayada
(magac'uyaal) tusmeeya lahaanshaha qofka koowaad: tan annagu aanu leenahay. Taayada noo daa oo taada qaado. Li: tiinna.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaalado
-xaaladaha: (n) [ plural of xaalad] conditions (kon-di-shinis); circumstances (sir komistansis). Ex: xaalado kala duwan; different circumstances
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaxaduud
-ka: (magac, lab, keli) xanuun lafaha ku dhaca oo jajabiya laakiin laga daawoobo. Qaaxaduud ayaa ku dhacay oo laga daweeyey. Dh: tiinbaylafood.