a.m.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
A.M.
/ey em/ (abbr) waqtiga u dhexeeya saqda dhexe ilaa duhurkii 12:00 A.M. e.g. I got up at 9:00 A.M. this morning.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
A.M.
(abbr) Ante meridiem oo laha gaabiyi. waqtighy ing dhaheeyi hamiing leelky ilaa duhurky 12:00 saa'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
A
a: (a')
Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baarax
(Baarax-a)
Meel bannaan oo nabad lagu deggan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraashirix
(Baraashirix-a)
Midab baro ama dhibco badan oo isku darsan leh; birdhicyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barkadhac
(Barkadhac-a)
Muruqyada surka oo xanuuna waxbarkasho-xumo darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beridhax
(Beridhax-a)
Meel inta la dego waxyar kaddib laga guurayo; meel aan lagu raageyn, aan sal ahayn; beridhaxmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cillaan
1. (Cillaan-ka) a) Midabka dahabka iyo liinta bisil. b) Geed la harsado oo aan qodxo lahayn oo ubax udgoon. c) Caleemaha cillaanka oo la tumo oo wax lagu daro oo dabadeed dumarku isku qurxiyo inta ciddiyaha, sacabbada, kd. marsadaan; xinni.
2. (Cillaan-ta) Bahal yar oo qurux badan, oo mulaca u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayax
(Dayax-a)
Meere yar oo cirka ku sugan oo dhulka 28 maalmoodba kol ku soo meera, isaga iyo dhulka oo wada socdaana ay qorraxda, 12kii biloodba kol ku soo wareegaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhejin
(Dhejin-ta)
1. Nabid.
2. (ku dhejin) a) Meel qabadsiin; ku nabid. b) Wax been ah, qof korka ka saarid; wax ku nabid; masabbidid. c) Dhabataysi, ilayn, cawryid, qumanyaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhug
(Dhug-ta)
1. Cudur geela ku dhaca; dhukaan; dhugato.
2. (-') a) Maan, fiiro, maskax, laab, xirgi, caqli, garaad; dhugmo. b) Abbaar; toog; nishaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuguc
(Dhuguc-a)
(miro) sida miraha aad u bislaadaa noqdaan; hoobaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diin
1. (Diin-ka) a) Maamul xag Ilaah laga jideeyey oo dad ku dhaqmo; hab weyn oo lagu dhaqmo oo Ilaah loogu dhowaado; (ama diinta). b) Bahal xamaaratada kamid ah oo aad u gaabiya oo miyiga ku dhaqma. Qolof xoog badan baa ku rogan, wuxuuna u eg yahay qubada badda; (ama diindiin)
2. (Diin-ta) Diinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dildillaac
(Dildillaac-a)
Meelo badan ka dillaacsanaan ama hadba meel ka dillaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fayraq
(Fayraq-a)
Maro ama wax la mid ah oo si dhuudhuuban u dildillaacay ama loo jeexjeexay, jeex kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galoobbax
(Galoobbax-a)
Meel dadka gela haya iyo kan ka baxa haya, labaduba badan yihiin oo intaas isdabammara hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelin
1. (Gelin-ka) a) Maalinta ama habeenka, kala bar oo bar; labada gelin oo maalintu waa: 6:00-12:00 iyo 12:00-18:00; labada habeenkuna waa 18:00-24:00 iyo 24:00-6:00. b) Galmo; kal; gaaf; jil.
2. (Gelin-ta) Wax dhexdi ama gudihi, wax kale gaarsiin, ku ridid, dhigid, xuluulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giirbaq
(Giirbaq-a)
Midab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunbuluuluq
(Hunbuluuluq-a)
Murmuruxa iyo biyaha gala oogada gubata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunguri-juqjuq
(Hunguri-juqjuq-a)
Muuqaalka iyo udgoonka wanaagsan oo cunnadu, waxa ay dadka ku kiciyaan oo in la cuno lala jeclaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiiraggo'
(Jiiraggo'-a)
Muruqgo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiqjiq
(Jiqjiq-a)
Meel yar oo ciriiri ah; dhudhub.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
A.D.
/ey-dii/ (abbr) harfy laha gaabiyi oo ing teeghyng: Anno Domino oo Laatin eh. way lyng etheegsytheeyi naby lisy dhalyshithis ku reed.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
P.M.
/pii em/ (abbr) laba-iyo tobanka duhurnimo ka dib (post meridiem oo la soo gaabiyey, oo la micna ah ~ duhur ka dib.