a
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
A
a: (a')
Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
a
(a', alif) Xarafka koowaad ee xuruufta af Soomaaliga, ahna shaqal gaaban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
a
(a') m.dh Xarafka koowaad ee xuruufta af Soomaaliga, ahna shaqal gaaban.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
a
a': (alif) the first letter of Somali al-phabet, according to the style adopted by this dictionary, it is a vowel letter ~ shaqal.
a': (suffix) [the] definite article of some masculine nouns. Ex. arag; aragga; the sight, in English, the indefinite articles are a and an and the definite article is the.
a': (suffix) —s; used to form the third person masculine plural present tense of verbs. Ex: friya; that looks..; maqla; that hears; hurda; that sleeps; Ex: xayawaanka cawska cuna...; animals that eats grass...
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
a
prep. - u; ku (lo dico a lui: isagaan u sheegayaa; vado a casa: gurigaan u socdaa; vive a Roma: Roma ayuu ku nool yahay).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
a
(a): xarafka koowaad ee xuruufta Af Soomaaliga ahna shaqal gaaban oo u qorma: A, a.
-a: (qodob) sida ka raaca ereyada lab ee kelida ah kuna dhamaada hamsada (') sida go' - go'a
ba' - ba'a.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
à
à, prép. - ku
adresser une lettre à qn - ku socota.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
a
there is no indefinite article in Somali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabayeelid
(Aabayeelid-da)
U dan gelid; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabayn
(Aabayn-ta)
1. Tixgelin; aabayeelid; daryeelid.
2. (weel) xoolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabbe
(Aabba-ha)
Qof lab oo wax dhalay; labada waalid kan lab (ama aabbo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabbur
(Aabbur-ka)
Weel afka ka awda; dabool; fur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabburan
Aabur la saaray; la daboolay; furaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabburid
(Aabburid-da)
Weel dabool saarid; daboolid; furayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabi
(Aabi-ga)
Arrin aan jid ahayn oo cid lagula kaco; gardarro; maag; daandaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabo
(Aaba-ha)
Tixgelis; danayn; aabayeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aad
aad: 1. (⁰) Dhab; si daran.
2. Adigu.
-aad: Tiraab lagu dabakaro tirada oo muujiya jagada tiradaasi ku abbaaran tahay, saddex-aad (3d.); shan-aad (5d.); sagaal-aad (9d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadaan
(Aadaan-ka)
Ereyo yar oo lagu dheeraysto oo dadka tukashada loogu yeero (ama addin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadane
(Aadana-ha)
Intii Nebi Aadan dhalay ka mid ah; dad; qof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaddan
Ku abbaaran; toosan; eg; beegan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaddanaan
(Aaddanaan-ta)
Ku abbaarnaan; toosnaan; ekaan; beegnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadid
(Aadid-da)
Meel u socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafeyn
(Aafeyn-ta)
Aafo gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafo
(Aafa-da)
Dhibaato aad u weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aagaan
1. (Aagaan-ka) Furka aagaamaha iyo haamaha lagu daboolo.
2. (Aagaan-ta) Haan yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aakhir
(Aakhir-ka)
Kan danbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aakhiro
(Aakhira-da)
Meesha iyo nolosha danbe oo lagu noolaan doono, kolka adduunka laga tago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalad
(Aalad-da)
Alaabo wax lagu qabsado; qalab; hub.