8
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
8
Siddeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dusaa
(Dusaa-ga)
Meeraha koowaad oo iskujoogga qorraxda oo u dhexeeya qorraxda iyo waxaraxirta; sanadiisu, ama inta uu qorraxda ku soo wareegaa, waa 88 maalmood oo kuweenna ah; cuddaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallar
(Fallar-ka)
Siddeed meelood oo meel; tummun; 1/8.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furid
(Furid-da)
1. (quful, kd.) wax xiran fure ama qaliid ku kala bixin.
2. (albaab, kd.) balliqid, bashiicin.
3. Wax guntan kala bixin.
4. Markhaati laysu qabsaday, siduu ahaa u sheegid.
5. (guur) qof la qabo sii dayn.
6. Hawl la qabtayoo la xusayo, cayaar, dabbaaldeg, shir, hadal, kd. dadka ka qayb gela haya u bilaabid.
7. Wax raran rarka ka dhigid.
8. Halxiraale ama wax kaloo la isku xiray, sheegid; feydid; bannayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaafici
(Shaafici-da)
1. Imaam Maxamed Idriis (767-820 Miilaadi); wuxuu asaasay mad'habta magaciisa caanka ku ah oo afarta mad'habood oo waaweyn oo Islaamka ka mid ah.
2. Qofka mad'habta Shaafici haysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siddeed
(Siddeed-da)
Tirada u dhexaysa toddobada iyo sagaalka; (8).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siddeedaad
(Siddeedaad-ka)
Tiro isdabajoogta, kan jagada siddeedda ku abbaaran oo u dhexeeya toddobaadka iyo sagaalaadka; (8d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siddeetan
(Siddeetan-ka)
Tiro siddeed tobnaad ka kooban (80).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanbali
Qofka mad'habta Xanbaliyada haysta; Xanbaliyadu waxay ka mid tahay afarta mad'habood oo waaweyn oo Islaamka, waxaana asaasay Imaam Axmed bin Xanbal (164-241 Hijri, 780-855 Miilaadi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arjantam
m.l (-mmo, m.dh) (kiimika) Bir ka tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah oo u jiri kartaa asal ahaan iyo weliba salfaydh (AgS) iyo kolorayd (AgCl) ahaanba. Summaddeedu waa: Ag. Bar dhalaalkeeduna (b.dh.) 960 C. Bar karkeeduna (b.k.) 2180 C. Cufnaan beeggeeduna waa 10.5, tiroborotoon 47, cuf atammeed 107.87.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baal
baal¹: m.l (-lal, m.l/dh) 1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. la-mid: baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
baal²: m.dh (-lo, m.l) Dhinac, doc. Tusaale: “Baasha midigta ee albaabka istaag”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iyo wixi lamida). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iyo wixi lamida). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bixi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel uu joogay ama yaallay ka saarid. 2. Wax sida musmaar qodax iyo wixi lamida meel uu ku mudnaa ka siibid. 3. Wax halis ka badbaadin. 4. Qof, wax uu hayey cid kale siin. 5. Dab iyo wixi lamida shidid. 6. Magac u b.: nafley, meel iyo wixi lamida magacsiin. 7. Wax u b.: qof dhintay wardi ama sadaqa u hibayn. 8. Isu b.: wax kala qoqoban isufurid. 10. Isu b.: laba qof tartansiin. 11. Kala b.: kala saar. la-mid: bixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrojiif
m.l (jooloji) Lakab dhadhaab ah oo ka hooseeya oogada dhulka, kaas oo ka kooban dhadhaabo cufnaantoodu ay ka sarrayso kuwa oogada dhulka, waxaana kala saara carrojiifka iyo oogada dhulka la yiraahdo moho; gunta dhererka carrojiifku wuxuu gaarayaa ilaa 2,900 Km. (1,800 mayl) ka hoos dhulka dushiisa. Carrojiifka isagana waxaa ka hooseeya xuddunta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deg
deg¹: m.l/dh 1. Dhul korreeya hoobadka ah. 2. Daan (webi). 3. Garabka intiisa kore; qarqar.
deg²: f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Meel rug ah dhigasho (cid). 2. (f.g) Wax duulayey fariisasho. 3. (fg.) Xabbad turub ah bad dhigid. 4. (f.mg) Wax, biyo hoos ugu shiidid. 5. (f.mg) Dhul, webi iyo wixi lamida heerkooda hoos uga dhicid. 6. (f.mg) Wax isku qasan kala miirmid. 7. (f.mg) Wax kacsan xasilid. 8. (f.mg) La d.: cid khasaaro badid. 9. (f.mg) Ku d.: cid marti u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhac
dhac¹: m.l 1. Si xoog iyo sharcidarro ah oo hanti cid kale leedahay lagu qaato. 2. Dh. ah: hanti si xoog iyo sharcidarro ah lagu soo qaatay. 3. la-mid: dhicid.
dhac²: f.g/mg1 (-cay, -cday; -dhici) 1. (f.g) Hanti cid kale leedahay si xoog iyo sharcidarro ah ku qaadid. 2. (f.g) La dh.: ul, karbaash, gacan iyo wixi lamida wax ku garaacid. 3. (f.g) Dhurwaa habeen xero xoolo ku jiraan weerarid. Tusaale: “Dhurwaa baa xeradii u dhacay”. 4. (f.mg) Wax meel sare ka soo dillaamid. 5. (f.mg) Ku dh.: imtixaan ku gudbi waayid. 6. (f.mg) Qorrax, dayax iyo wixi lamida godgelid. 7. (f.mg) Wax waqti loogu talaggalay dhammaysasho. 8. (f.mg) Dabayl xoog u socosho. 9. (f.mg) Xabbad iyo wixi lamida qarxasho. 10. (f.mg) Wax culus oo aan la filayn soo kordhid. 11. (f.mg) La dh.: wax si aad ah ugu bogid. 12. (f.mg) Ku dh.: wax aan laga fiirsan falid. 13. (f.mg) Ku dh.: dhar iyo wixi lamida lebbisasho. 14. U dh.: si dhuumasho ah wax u boobid. 15. (f.mg) Biyo aan loo miyayn cabbid (xoolo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhig
dhig¹: m.l Wax laba meelood loo qaybshey, middood.
dhig²: m.dh (-go, m.l) 1. Ulo dhaadheer, jil iskula duuban, qaab qaanso leh oo aqal Soomaaliga lagu dhiso. 2. Summad geela lagu dhigo oo leh qaab dhig hoos u jeedda.
dhig³: m.dh (-go, m.l) (juqraafi) Xarriiqo barbarra ah oo isku xira cirifka waqooyi iyo kan koonfureed.
dhig⁴: f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Wax la siday meel saarid. 2. (f.g) Wax keydin. 3. (f.g) Qalin, teeb iyo wixi lamida wax ku qorid. 4. (f.g) Cid wax barid. 5. (f.mg) Ka dh.: wax meel saaran dejin. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax uu la cararayo ka ridid. 7. (f.mg) Ka dh.: cid jago u magacaabid. 8. Ka dh.: wax in uu yahay wax aan lugu hubin u qaadasho. 9. Kala dh.: wax kala saarid. 10. Sabab uga dh.: wax dhaca cid u aanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsoome
m.l (-mayaal, m.l/dh) (xisaab) Xaddi isbeddela sida x oo u taagan xaddi dahsoon ama aan la aqoon, badanaaba ah tiro. Tusaale ahaan: 3y - 1= 8, y waa doorsoome.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooxada rift
m.dh (juqraafi) Waadi ka samaysmay lab dillaac oo barbarro ah dhulka u dhexeeya oo hoos u degay. Dooxadaasi aad bay u dheertahay marka la fiirsho ballaceeda. Tusaale loogu aqoon ogyahay waa dooxada rift oo kala fidsan iyadoo dhexmaraysa Suuriya, Israil, iyo Jordan, iyo bariga Afrika, dherer keedu wuxuu ka badanyahay 4.800 km. (3,000 mayl).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ekinokookas
m.l (baayoloji) Deriskunoole ka mid ah qaybta “Tapeworms” dhererkiisu gaaro 8 mm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fur
fur¹: m.l (-rar, m.l) Wax afka looga shiro weel, sida buraashad, dhalo, iyo wixi lamida.
fur²: m.dh (-ro, m.l) Summad xoolaha lagu asteeyo oo dhegta inteeda sare la gooyo.
fur³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Albaab, dariishad iyo wixi lamida ballaqid. 2. Guntin xarig kala bixin. 3. Gaadiid rar ka dhigid. 4. Halxiraale fasirid. 5. Mashruuc, dhisme iyo wixi lamida ballaarintooda ku dhawaaqid. 6. Xabbado badan ridid. 7. Wax meel ku jira sii dayn. 8. Haweeney la qabo dalaaqid.