ereyga

7

Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]

7

DHAN

Toddobo

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Furid

DHAABAN
1

(Furid-da)

2

1. (quful, kd.) wax xiran fure ama qaliid ku kala bixin.

3

2. (albaab, kd.) balliqid, bashiicin.

4

3. Wax guntan kala bixin.

5

4. Markhaati laysu qabsaday, siduu ahaa u sheegid.

6

5. (guur) qof la qabo sii dayn.

7

6. Hawl la qabtayoo la xusayo, cayaar, dabbaaldeg, shir, hadal, kd. dadka ka qayb gela haya u bilaabid.

8

7. Wax raran rarka ka dhigid.

9

8. Halxiraale ama wax kaloo la isku xiray, sheegid; feydid; bannayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

G

DHAABAN
1

(ga')

2

Xarafka 7d oo alifka Soomaalida. Waa shibbane.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gol

DHAABAN
1

(Go-sha)

2

1. Dharka dumarka qaarki, sida marsiinada, inta laabta iyo naasaha iyo caloosha qarisa, gacanta midig hoosteedana ka furan; nabas.

3

2. (oogo) dhexda iyo lugtu kobtay isaga soo dhowaadaan; dhinac.

4

3. Dhul ku yaal webi dhinacyadiis.

5

4. Dhul qaniin leh.

6

5. Buuraha dhinacyadooda aan soo baxsanayn ee xagga gudaha isugu riixan.

7

6. Dhul dib u ceshan oo baddu soo gudaggasho; khoori; gacan: guho. 7. (Gol lahaan) ulajeeddo; u wadasho: dan; muraad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kisi

DHAABAN
1

(Kisi-ga)

2

Tiro aan qaybsami karin oo weligeed wax soo haraan sida: 5, 7, 13; aan dhaban ahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Maaliki

DHAABAN

Qofka mad'habta Maalikiyada haysta; Maalikiyadu waxay kamid tahay afarta mad'habood oo waaweyn oo Islaamka, waxaana asaasay Imaam Maalik (93-179 Hijri | 715-795 Miilaadi).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Shaafici

DHAABAN
1

(Shaafici-da)

2

1. Imaam Maxamed Idriis (767-820 Miilaadi); wuxuu asaasay mad'habta magaciisa caanka ku ah oo afarta mad'habood oo waaweyn oo Islaamka ka mid ah.

3

2. Qofka mad'habta Shaafici haysta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Tiro

DHAABAN
1

(Tira-da)

2

1. Hab lagu garto, kolka mid mid loo soo qaado kaddib, inta inood oo wax ka kooban yahay ama uu gaaro.

3

2. Miraha ama faraha wax lee yihiin ama ka kooban yihiin.

4

3. Xisaab.

5

4. Lanbarro (1, 7, 10).

6

5. Boqol ari ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Toddoba

DHAABAN
1

(Toddoba-da)

2

Tirada u dhexaysa lixda iyo siddeedda (7).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Toddobaad

DHAABAN
1

(Toddobaad-ka)

2

1. Intii toddoba maalmood ah, oo Axaddu ugu horrayso Sabtiduna ugu danbayso.

3

2. Tiro taxan, kan jagada toddobada ku abbaaran; (7d).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Toddobaatan

DHAABAN
1

(Toddobaatan-ka)

2

Tiro ka kooban toddoba tobnaad; (70).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xanafi

DHAABAN

Qofka mad'habta Xanafiyada haysta; Xanafiyadu waxay ka mid tahay afarta mad'habood oo waaweyn oo Islaamka, waxaana asaasay Imaam Abuu Xaniifa (dhintay 150 Hijri, 767 Miilaadi).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xanbali

DHAABAN

Qofka mad'habta Xanbaliyada haysta; Xanbaliyadu waxay ka mid tahay afarta mad'habood oo waaweyn oo Islaamka, waxaana asaasay Imaam Axmed bin Xanbal (164-241 Hijri, 780-855 Miilaadi).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baal

DHAABAN
1

baal¹: m.l (-lal, m.l/dh) 1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. la-mid: baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.

2

baal²: m.dh (-lo, m.l) Dhinac, doc. Tusaale: “Baasha midigta ee albaabka istaag”.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

badweyn

DHAABAN
1

badweyn¹: m.dh 1. Biyo badeed badan, dhul aad u ballaaran ku fadhiya oo adduunka u kala qeybiya qaarado, sida Atlaantigga, Hindiya iyo wixi lamida. 2. Meel badda dhexdeeda ah oo xeebta ka fog.

2

badweyn²: m.dh (-nno, m.dh) (juqraafi) Gogol biyo cusbo leh ah oo ku wareegsan dhul weyneyaasha dunida. Biyahaas iyaga ah waxaa loo qaybiyaa dhawr qaybood oo waaweyn, dhammaantood waxay dabboolaan 71% ee dusha dunida.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bastooreyn

DHAABAN

m.dh (daawo) Kululeynta caano ilaa kulku gaaro 65°C oo lagu hayo soddon daqiiqadood (30'), ama kulka la gaarsiiyo ila 72°C laguna hayo shan iyo toban daqiiqadood (15'), si loo dilo baktiiriyada ay ka mid yihiin kan qaaxada iyo kan tiifowga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bax

DHAABAN

f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iyo wixi lamida). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iyo wixi lamida). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beegaal heerkul cadaadis (B.H.C.)

DHAABAN

m.l (fiisikis) (B.H.C.) Beegalka heerkulka iyo cadaadiska oo hore loo odhan jirey heerkulka iyo cadaadiska caadiga ah, waa xaaladda beegaal ee loo adeegsado furfurista xisaabeed ee xaddiyada isla beddela heerkulka iyo cadaadiska, marka la is barbar dhigayo astaamaha neefaha. Xaaladdaasi waa marka heerkulka yahay (273.15 K ama 0øC) iyo cadaadis (760 mm Meerkuri ah).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

beys

DHAABAN

m.l (kiimika) Iskudhis sii daaya ayoonka haydarogsayl, OH- , marka uu ku jiro milanbiyood. Milannada beysyada ahi waxay leeyihiin pH ka sarreeya 7.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bituuminas

DHAABAN

m.l (jooloji) Dhuxuldhagax madowdhalaal ah; 75% ilaa 92% oo ka mid ahiba waa kaarboon; 4.5% ilaa 5.6 % waa haydarojiin. Sida caadiga ah, waxaa loo yaqaan dhuxul guri. B. waa dhuxul-dhagax heer sare ah oo ka darajo sarraysa lignaytka, kana darajo hooseysa antarasayt. Waa dhuxul dhagaxda ugu badan uguna muhiimsan ee la helo iyadoo siyaabo dhawr nooc ah u jirta, sida dhuxulkook iyo dhuxulneefeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bixi

DHAABAN

f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel uu joogay ama yaallay ka saarid. 2. Wax sida musmaar qodax iyo wixi lamida meel uu ku mudnaa ka siibid. 3. Wax halis ka badbaadin. 4. Qof, wax uu hayey cid kale siin. 5. Dab iyo wixi lamida shidid. 6. Magac u b.: nafley, meel iyo wixi lamida magacsiin. 7. Wax u b.: qof dhintay wardi ama sadaqa u hibayn. 8. Isu b.: wax kala qoqoban isufurid. 10. Isu b.: laba qof tartansiin. 11. Kala b.: kala saar. la-mid: bixi.

waa la naqliyay ✓