ereyga

6

Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]

6

DHAN

Lix

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

A

DHAABAN
1

a: (a')

2

Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.

3

-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bixid

DHAABAN
1

(Bixid-da)

2

1. Meel (gudo, dhex...) ka tegid.

3

2. (ganacsi) gadmid, iibsamid; dhalid.

4

3. (xoolo) dhimasho.

5

4. Caloolbixid, shubmid, falmid, dooxmid.

6

5. (dhir, time, dab, qaylo, ...) soo dheeraan; korid. 6. Muuqasho; arkid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Buluto

DHAABAN

*(xiddigo) meereyaasha qorraxda (sayaariinta) kan ugu danbeeya oo ugu fog, haddii xagga qorraxda laga eego; wuxuu qorraxda u jiraa 6000 (lix kun) oo malyuun oo km., meelahaas.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Daqiiqad

DHAABAN
1

(Daqiiqad-da)

2

1. Wax lixdan meelood loo qaybshey meeshood, siiba: a) 1/60 oo saacadeed; lixdan labaab (60'). b) 1/60 oo darajada ama heerka qaansada.

3

2. Waqti aad u yar (ama daqiiqo).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhaban

DHAABAN
1

(Dhaban-ka)

2

Wejiga labadiisa dhinac midkood.

3

2. (Dhaban-ta) Tiro qaybsanta oo aan kala dheeri lahayn, sida 2, 4, 6, 10; aan kisi ahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhalasho

DHAABAN
1

(Dhalasha-da)

2

1. Ifka ama dunida imaansho, u soo bixid.

3

2. Bilaabasho.

4

3. (bil) soo bixid; bilasho.

5

4. (cayaar) gool; duq, kd., helid, keenid.

6

5. Nasab; gobannimo.

7

6. (wada dhalasho) isku aabbe iyo hooyo ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Fariisin

DHAABAN
1

(Fariisin-ka)

2

1. Wax fadhiya ka dhigid; meel dejin.

3

2. Jago u dhiibid.

4

3. Caano, subag, kd. garoorin.

5

4. (lo', kd.) docda qofka lisa hayaa ka fariisto.

6

5. Lacag ama wax kale oo ardayga cusub laga baxsho oo dugsiga la siiyo.

7

6. Hormaris qofka wax weyn gadanayaa sii hormariyo oo iibka kalsooni u noqda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Furasho

DHAABAN
1

(Furasha-da)

2

1. Wax xirnaa, xirnaantii ka bi'id.

3

2. Xarig ka furid oo la tegid.

4

3. Cid geeddi ah meel degid.

5

4. Qof, dad, dhar ama wax kale ka xoogid; dhicid.

6

5. Qof la boojiyey ama la qafaashay, xoolo madax-furad ah ka bixin.

7

6. (ka furasho) Ka goosasho; ka xiriirfurasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Furid

DHAABAN
1

(Furid-da)

2

1. (quful, kd.) wax xiran fure ama qaliid ku kala bixin.

3

2. (albaab, kd.) balliqid, bashiicin.

4

3. Wax guntan kala bixin.

5

4. Markhaati laysu qabsaday, siduu ahaa u sheegid.

6

5. (guur) qof la qabo sii dayn.

7

6. Hawl la qabtayoo la xusayo, cayaar, dabbaaldeg, shir, hadal, kd. dadka ka qayb gela haya u bilaabid.

8

7. Wax raran rarka ka dhigid.

9

8. Halxiraale ama wax kaloo la isku xiray, sheegid; feydid; bannayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gelin

DHAABAN
1

1. (Gelin-ka) a) Maalinta ama habeenka, kala bar oo bar; labada gelin oo maalintu waa: 6:00-12:00 iyo 12:00-18:00; labada habeenkuna waa 18:00-24:00 iyo 24:00-6:00. b) Galmo; kal; gaaf; jil.

2

2. (Gelin-ta) Wax dhexdi ama gudihi, wax kale gaarsiin, ku ridid, dhigid, xuluulin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gol

DHAABAN
1

(Go-sha)

2

1. Dharka dumarka qaarki, sida marsiinada, inta laabta iyo naasaha iyo caloosha qarisa, gacanta midig hoosteedana ka furan; nabas.

3

2. (oogo) dhexda iyo lugtu kobtay isaga soo dhowaadaan; dhinac.

4

3. Dhul ku yaal webi dhinacyadiis.

5

4. Dhul qaniin leh.

6

5. Buuraha dhinacyadooda aan soo baxsanayn ee xagga gudaha isugu riixan.

7

6. Dhul dib u ceshan oo baddu soo gudaggasho; khoori; gacan: guho. 7. (Gol lahaan) ulajeeddo; u wadasho: dan; muraad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Goob

DHAABAN
1

(Goob-ta)

2

1. Dhul iska bannaan.

3

2. Kob la banneeyey oo dhis lagu wareejiyey ama iskaba furan oo loogu talaggalay cayaaraha iyo dabbaaldegga iyo wixii kale oo la mid ah oo la daawado.

4

3. Kob wax lagu heero ama wixii ka soo baxa lagu kaydsho, badanaana la taalleeyo; beer; goof.

5

4. Kob dagaal weyni ka dhacay oo labo col isku heshay.

6

5. Gegi dayuuraduhu ku degaan kana duulaan.

7

6. Meel weyn oo la qaybshey, qayb kamid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Hijra

DHAABAN
1

(Hijra-da)

2

Kolka Nebi Maxamed iyo Abiibakar Maka ka haajireen oo Madiina tageen; waa kolka taariikhda Muslinku ka bilaabato, waxayna ku abbaaran tahay sanada 622 oo Miilaadiga, (ama hijro).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Il

DHAABAN
1

(I-sha)

2

1. Xubinta aragga oo dadka iyo nafleyda kale; dhaayaha wax lagu arko middood; (koox: indho).

3

2. Daldaloollada yaryar oo dhulka oo biyuhu ka soo burqadaan; (koox: ilo)

4

3. Siriq; (koox: ilo).

5

4. (senen) kartida ishu cid wax ku yeeli karto; dhabato.

6

5. Aqoon, waxgarasho, ilbax (nin il leh).

7

6. Dabool iniinaha badarka doc kaga dhegsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Lix

DHAABAN
1

(Lix-da)

2

Tirada u dhexaysa shanta iyo toddobada; (6).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Lixaad

DHAABAN
1

(Lixaad-ka)

2

1. Xoog, itaal; tabar, baaxad.

3

2. Tiro taxan oo is-dabajoogta kan lixda jagadeeda ku abbaaran; kan shanaadka iyo toddobaadka u dhexeeya (6d.)

4

3. (lixda lixaad) Oogada nafleydu xubnaha ay ku garato oo ku dareento waxyaalaha dibadda ka dhaca haya ama uga iman haya; lixaad (ama laxaad).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Lixdan

DHAABAN
1

(Lixdan-ka)

2

Lix meelood oo meeshiiba toban tahay oo laysku daray; (60).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qaadid

DHAABAN
1

(Qaadid-da)

2

1. Wax kor la geeyey sidid, meel ka wadid oo meel kale geyn.

3

2. (kor u qaadid) Meel hoose ka qaadid oo meel kore geyn; bilid.

4

3. (roob) Kicid.

5

4. (duullaan, col) xoolo dhicid.

6

5. (cudur) ku dhicid.

7

6. (hees kd.) Ku dhawaaqid; ka luuqin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qorrax

DHAABAN
1

(Qorrax-da)

2

Qorraxdu waa kubbad weyn oo shidmaysa oo gaas iyo olol ah; waxay dhulkeenna ka weyn tahay malyuun jeer, kulkeeduna, meeleheeda qaarkood, waxaa lagu wadaa inuu gaari karo 20 malynun oo darajo (dhulkeenna meesha u kululi waa 60° darajo!). Qorraxdu waa xiddig weyn oo aad inooku dhow haddii xiddigaha kale loo eego; waxay inoo jirtaa 150 malyuun oo kiilomitir ku dhowaad, waa ay isku wareegtaa, 25kii maalmood iyo 9kii saacba kol. Sagaal meere oo dhulkeennu kamid yahay baa weheliya oo ku dulmeera; ~ cadceed; libdho; gabbal; qundhac; dhalco.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qur'aan

DHAABAN
1

(Qur'aan-ka)

2

Kitaabka Ilaah soo dejiyey oo Muslinku haysto oo ku dhaqmo; waa 114 suuradood oo Maka iyo Madiina ku soo kala degey oo u qaybsama 30 jus ama 60 xisbi; Masxaf; Jaamac; (ama Quraan).

waa la naqliyay ✓