ereyga

5

Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]

5

DHAN

Shan

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aad

DHAABAN
1

aad: 1. (⁰) Dhab; si daran.

2

2. Adigu.

3

-aad: Tiraab lagu dabakaro tirada oo muujiya jagada tiradaasi ku abbaaran tahay, saddex-aad (3d.); shan-aad (5d.); sagaal-aad (9d.).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bixid

DHAABAN
1

(Bixid-da)

2

1. Meel (gudo, dhex...) ka tegid.

3

2. (ganacsi) gadmid, iibsamid; dhalid.

4

3. (xoolo) dhimasho.

5

4. Caloolbixid, shubmid, falmid, dooxmid.

6

5. (dhir, time, dab, qaylo, ...) soo dheeraan; korid. 6. Muuqasho; arkid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cadadi

DHAABAN
1

(Cadadi-da, Cadadi-ga)

2

Lacagta inteeda aan xaashida ahayn; cadadka dhagaxa ah (1/, 50%, 10%, 5%); jajab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhalasho

DHAABAN
1

(Dhalasha-da)

2

1. Ifka ama dunida imaansho, u soo bixid.

3

2. Bilaabasho.

4

3. (bil) soo bixid; bilasho.

5

4. (cayaar) gool; duq, kd., helid, keenid.

6

5. Nasab; gobannimo.

7

6. (wada dhalasho) isku aabbe iyo hooyo ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhicid

DHAABAN
1

(Dhicid-da)

2

1. Meel sare ka soo hawakicid oo hoos iyo xagga dhulka soo aadid iyadoo aan lays celin karin, jiidashada dhulka darteed.

3

2. (xabbad, kd.) ridmid; kicid; qarxasho.

4

3. Hanti dad kale lee yahay xoog ku qaadid; boolyid.

5

4. Wax laysu sheegay maanka ka garasho.

6

5. Arrin ama wax aan lagu talaggelin oo iska dhaca ama iska yimaada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Fariisin

DHAABAN
1

(Fariisin-ka)

2

1. Wax fadhiya ka dhigid; meel dejin.

3

2. Jago u dhiibid.

4

3. Caano, subag, kd. garoorin.

5

4. (lo', kd.) docda qofka lisa hayaa ka fariisto.

6

5. Lacag ama wax kale oo ardayga cusub laga baxsho oo dugsiga la siiyo.

7

6. Hormaris qofka wax weyn gadanayaa sii hormariyo oo iibka kalsooni u noqda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Furasho

DHAABAN
1

(Furasha-da)

2

1. Wax xirnaa, xirnaantii ka bi'id.

3

2. Xarig ka furid oo la tegid.

4

3. Cid geeddi ah meel degid.

5

4. Qof, dad, dhar ama wax kale ka xoogid; dhicid.

6

5. Qof la boojiyey ama la qafaashay, xoolo madax-furad ah ka bixin.

7

6. (ka furasho) Ka goosasho; ka xiriirfurasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Furid

DHAABAN
1

(Furid-da)

2

1. (quful, kd.) wax xiran fure ama qaliid ku kala bixin.

3

2. (albaab, kd.) balliqid, bashiicin.

4

3. Wax guntan kala bixin.

5

4. Markhaati laysu qabsaday, siduu ahaa u sheegid.

6

5. (guur) qof la qabo sii dayn.

7

6. Hawl la qabtayoo la xusayo, cayaar, dabbaaldeg, shir, hadal, kd. dadka ka qayb gela haya u bilaabid.

8

7. Wax raran rarka ka dhigid.

9

8. Halxiraale ama wax kaloo la isku xiray, sheegid; feydid; bannayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gal

DHAABAN
1

(Gal-ka)

2

1. Dhar yar oo la tolo oo qalabka qaarki, sida barkimooyinka, lagu rogo ama la dhex geliyo oo dhawraarin u ah.

3

2. Dabool harag ah ama qori ama bir ama wax kale, oo qalabka qaarki (billawe, seef, kd.) loo sameeyo, laguna qaado.

4

3. Biyo kooban oo meel fadhiya; balli; haro.

5

4. (shax, waalo, kd.) badin; ka dhicid; foorad.

6

5. Garangar iftiin ah oo xilliyada qaarkood dayuxu dhex galo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Giir

DHAABAN
1

(Giir-ka)

2

1. (midab) isku dhafan; baraashirix.

3

2. Surka xaggiisa danbe; jeego; qadaad.

4

3. Joof; gan; bulbul.

5

4. Biriir; wejitub; fooltub.

6

5. Dhibco ama baro yaryar oo wejiga ku yaal; furuqdhoon.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gol

DHAABAN
1

(Go-sha)

2

1. Dharka dumarka qaarki, sida marsiinada, inta laabta iyo naasaha iyo caloosha qarisa, gacanta midig hoosteedana ka furan; nabas.

3

2. (oogo) dhexda iyo lugtu kobtay isaga soo dhowaadaan; dhinac.

4

3. Dhul ku yaal webi dhinacyadiis.

5

4. Dhul qaniin leh.

6

5. Buuraha dhinacyadooda aan soo baxsanayn ee xagga gudaha isugu riixan.

7

6. Dhul dib u ceshan oo baddu soo gudaggasho; khoori; gacan: guho. 7. (Gol lahaan) ulajeeddo; u wadasho: dan; muraad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Goob

DHAABAN
1

(Goob-ta)

2

1. Dhul iska bannaan.

3

2. Kob la banneeyey oo dhis lagu wareejiyey ama iskaba furan oo loogu talaggalay cayaaraha iyo dabbaaldegga iyo wixii kale oo la mid ah oo la daawado.

4

3. Kob wax lagu heero ama wixii ka soo baxa lagu kaydsho, badanaana la taalleeyo; beer; goof.

5

4. Kob dagaal weyni ka dhacay oo labo col isku heshay.

6

5. Gegi dayuuraduhu ku degaan kana duulaan.

7

6. Meel weyn oo la qaybshey, qayb kamid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Il

DHAABAN
1

(I-sha)

2

1. Xubinta aragga oo dadka iyo nafleyda kale; dhaayaha wax lagu arko middood; (koox: indho).

3

2. Daldaloollada yaryar oo dhulka oo biyuhu ka soo burqadaan; (koox: ilo)

4

3. Siriq; (koox: ilo).

5

4. (senen) kartida ishu cid wax ku yeeli karto; dhabato.

6

5. Aqoon, waxgarasho, ilbax (nin il leh).

7

6. Dabool iniinaha badarka doc kaga dhegsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jajab

DHAABAN
1

(Jajab-ka)

2

1. Burbur; googgo.

3

2. (lacag) cadadi.

4

3. (oogo) muruqyo xanuun.

5

4. (xisaab) tiro dhan oo qaybo is le'eg loo qaybshey, qayb ama qaybo kamid ah.

6

5. Cayayaan yar oo duuban oo girgirro yaryar leh oo aan madax iyo manjo midna lahayn: korka waxaa kaga rogan xaad cas oo wixii taabta ku jajabta oo haddaan la soo wada saarin lala bukoodo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jebin

DHAABAN
1

(Jebin-ta)

2

1. Wax is haysta xoog u kala duulin; labo cad ka dhigid.

3

2. (ganacsi) qiime hoos u dhigid; raqiisin.

4

3. (weeso, kd.) gadid; burin.

5

4. (guddoon, qiil, kd.) burin.

6

5. (cayaar) dhibcihii ama intii lagu adkaana hayey, intaan la gaarin, laga reebid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jil

DHAABAN
1

(Jil-ka)

2

1. Daliigo suun ah oo dhuudhuuban oo dhigaha la samayna hayo, korka lagaga duubo.

3

2. Hab, dadka aan cidohooda la joogin, loo qaybsado oo cunno loo siiyo.

4

3. Canjil; dhaajis.

5

4. Kaltiris; miile.

6

5. Faa'ido, dheef.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kisi

DHAABAN
1

(Kisi-ga)

2

Tiro aan qaybsami karin oo weligeed wax soo haraan sida: 5, 7, 13; aan dhaban ahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Konton

DHAABAN
1

(Konton-ka)

2

Tiro shan tobnaad ka kooban; shan meelood oo meeshiiba toban tahay; (50).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Nabaaddiino

DHAABAN
1

(Nabaaddiina-da)

2

1. Colaad iyo dagaal la'aan.

3

2. Heshiis la kala dhigto oo nabadeed.

4

3. Xumaan iyo dhibaato la'aan; cabsi la'aan.

5

4. Degganaan; xasilloonaan.

6

5. Laabsami; caloolsami; ~ nabadgelyo; nabad; badbaado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Nabad

DHAABAN
1

(Nabad-da)

2

1. Colaad iyo dagaal la'aan.

3

2. Xumaan iyo dhibaato iyo cabsi la'aan.

4

3. Degganaan; xasilloonaan.

5

4. Ladnaan; fiicnaan.

6

5. Salaan; Nabaaddiino; nabadgelyo; badbaado.

waa la naqliyay ✓