ereyga

4

Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]

4

DHAN

Afar

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Afar

DHAABAN
1

(Afar-ta)

2

Tirada saddexda iyo shanta u dhexaysa (4).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Afartamaad

DHAABAN
1

(Afartamaad-ka)

2

1. Tirada heerka afartanka ku abbaaran; 40d. (ama afartanaad).

3

2. Xilli roob oo toban beri ah oo ka bilawda afartamaadka dabshidka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Afartan

DHAABAN
1

(Afartan-ka)

2

Tiro ka kooban afar tobnaad, (40).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Afraad

DHAABAN
1

(Afraad-ka)

2

Tiro taxan, kan jagada afarta ku abbaaran; (4d.) (ama afaraad).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Afyaal

DHAABAN
1

(Afyaal-ka)

2

1. Madax; horfiiq.

3

2. Qofka dadka soo dhoweyntiisa u qaybsan.

4

3. Oodafo; dhacan.

5

4. Horgalka tusbaxa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aqool

DHAABAN
1

(Aqoo-sha)

2

1. Wax dad badan ka dhexeeya (cunno) kala agaasin iyo qayb-wanaaggooda.

3

2. Gooraha wax la cuno middood.

4

3. Sooryo; qorshe.

5

4. Wadid, meelgeyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baacin

DHAABAN
1

(Baacin-ta)

2

1. Baac wax ku cabbirid.

3

2. Wax la dhifanayo, kor u sii wadid, taniyo inta gacantu ka wada kala baxdo.

4

3. (u baacin) u taagid.

5

4. Kor u qaadid; bilid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Balalo

DHAABAN
1

(Balala-da)

2

1. Geedo waabaayo leh.

3

2. Xoolo ceel la keeno, iyadoo aan yeel loo sidin oo dabadeed baryo lagu waraabsho.

4

3. Bilaw; unug.

5

4. Cudur xoolaha ku dhaca.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bixid

DHAABAN
1

(Bixid-da)

2

1. Meel (gudo, dhex...) ka tegid.

3

2. (ganacsi) gadmid, iibsamid; dhalid.

4

3. (xoolo) dhimasho.

5

4. Caloolbixid, shubmid, falmid, dooxmid.

6

5. (dhir, time, dab, qaylo, ...) soo dheeraan; korid. 6. Muuqasho; arkid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bixin

DHAABAN
1

(Bixin-ta)

2

1. Meel (gudo, dhex, ...) ka saarid.

3

2. Korin, dibad keenid.

4

3. (dab, ...) hurin; shidid; daarid.

5

4. Siin; dhiibid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bun

DHAABAN
1

(Bun-ka)

2

1. Cabitaan la cabbo oo udgoon oo laga sameeyo miro yaryar oo kulkulucsan oo beer leh oo uu dhalo geed dheer oo dhulka kulul ka baxa: inta iniinaha la dubo oo la budeeyo baa sida shaaha loo karshaa; qaxwe.

3

2. Sharuur.

4

3. Miraha geedka.

5

4. Geedka laftiisa (caleemihiisa waxaa la yiraahdaa quddi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bur

DHAABAN
1

(Bur-ka)

2

1. (-°) Ul lagu dagaallamo oo madax buuran; qool; dhamas.

3

2. Badar la tumay oo budo laga dhigay oo rooti, laxoox, kd. laga samaysto.

4

3. Cad yar (ciid, sonkor, kd.).

5

4. Abur, xoor.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Burin

DHAABAN
1

(Burin-ta)

2

1. (-°) Wax hor u jirey baabbi'in; xeer hore jebin; weeso, kd. jebin, gadid.

3

2. () Eryid, cayrin, cagaajin.

4

3. Dheeri siin.

5

4. Abur soo saarid; karid (wax kulul oo shubma).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Buuri

DHAABAN
1

(Buuri-ga)

2

1. Geedo jaadad badan ah oo ubax guduud iyo caddaan ah iyo caleemo waaweyn, oo waran qaabki leh, bixiya; saakarro; Tabako.

3

2. Caleenta geedahaas oo siyaalo badan loogu isticmaalo (afka oo laga qiiqiyo ama laga cuno, sankoo laga cuno).

4

3. Waxyaalo kaloo caleemahaas laga sameeyo; sigaar; shurrug; saliid; dawo; udgoon; kd.

5

4. Buuriga la qiiqiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cuud

DHAABAN
1

(Cuud-ka)

2

1. Qoriqadiid udgoon oo la shito.

3

2. Cayaar qori yar (cuud) iyo ulo, lagu cayaaro.

4

3. Good, xoolo.

5

4. (badar) jariirta aad loo yaryareeyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Daraawiish

DHAABAN
1

(Daraawiish-ta)

2

1. Urur wadaaddood (dariiqo) oo shiikh u taliyo, nabaddiyo colaaddaba.

3

2. Daraawiishtii Mahdigii Suudaan iyo tii Ina Cabdille Xasan.

4

3. Ciidanka Soomaalida oo nabadda gudaha, qayb kamid ah.

5

4. Masaakiin; cayr.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhaban

DHAABAN
1

(Dhaban-ka)

2

Wejiga labadiisa dhinac midkood.

3

2. (Dhaban-ta) Tiro qaybsanta oo aan kala dheeri lahayn, sida 2, 4, 6, 10; aan kisi ahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhalasho

DHAABAN
1

(Dhalasha-da)

2

1. Ifka ama dunida imaansho, u soo bixid.

3

2. Bilaabasho.

4

3. (bil) soo bixid; bilasho.

5

4. (cayaar) gool; duq, kd., helid, keenid.

6

5. Nasab; gobannimo.

7

6. (wada dhalasho) isku aabbe iyo hooyo ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhicid

DHAABAN
1

(Dhicid-da)

2

1. Meel sare ka soo hawakicid oo hoos iyo xagga dhulka soo aadid iyadoo aan lays celin karin, jiidashada dhulka darteed.

3

2. (xabbad, kd.) ridmid; kicid; qarxasho.

4

3. Hanti dad kale lee yahay xoog ku qaadid; boolyid.

5

4. Wax laysu sheegay maanka ka garasho.

6

5. Arrin ama wax aan lagu talaggelin oo iska dhaca ama iska yimaada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhooban

DHAABAN
1

1. (aqal, kd.) dhisan.

2

2. (dhagax, kd.) meel ku uruursan oo taallo laga dhigay.

3

3. (xoolo, dad, ...) meel yoobsan; meel tuuran; xoonsan.

4

4. (fallaar) waabaayaysan.

waa la naqliyay ✓