ereyga

3

Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]

3

DHAN

Saddex

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aad

DHAABAN
1

aad: 1. (⁰) Dhab; si daran.

2

2. Adigu.

3

-aad: Tiraab lagu dabakaro tirada oo muujiya jagada tiradaasi ku abbaaran tahay, saddex-aad (3d.); shan-aad (5d.); sagaal-aad (9d.).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aar

DHAABAN
1

(Aar-ka)

2

1. Libaax weyn oo lab.

3

2. Aan biqin; geesi.

4

3. Aarsi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aayad

DHAABAN
1

(Aayad-da)

2

1. Suurad quraan, tixaha ay ka kooban tahay, middiiba.

3

2. Wax aan hor loo arki jirin oo yaab leh.

4

3. Mucjiso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Abaydin

DHAABAN
1

(Abaydin-ta)

2

1. Carruur, caanaha ay hooyada ka nuugaan, ka gooyn.

3

2. Caano aan kuwa hooyo ahayn (oo xoolaad) carruur siin oo ku korin.

4

3. Carruurta lafteeda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Af

DHAABAN
1

(Af-ka)

2

1. Xubinta nafleydu cunnada ka cunto oo bushimaha iyo carrabka iyo ilkuhu ku yaalliin.

3

2. Ereyada iyo ulajeeddooyinkooda; hadal dhan oo tol isku garto oo ku wada hadlo, oo wax ku qabsado.

4

3. Dhinaca birtu wax ka gooyso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Afyaal

DHAABAN
1

(Afyaal-ka)

2

1. Madax; horfiiq.

3

2. Qofka dadka soo dhoweyntiisa u qaybsan.

4

3. Oodafo; dhacan.

5

4. Horgalka tusbaxa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aglool

DHAABAN
1

(Aglool-ka, Agloo-sha)

2

1. Hab weelka la xoolayna hayo, gocoyonnimada looga ba'sho: asal, dufan, laysku karshey baa lagu rogrogaa.

3

2. Wax la dhisa hayo ama la samayna hayo, qaabintiisa iyo jaangooyadiisa hore; bilaw; unug. 3.* Aqal, la dhisi doono, astaanti iyo muuqaalki warqad, ku muujin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ahaysiin

DHAABAN
1

(Ahaysiin-ta)

2

1. Wax aan jirin, wax jira ka dhigid; abuurid; uumid.

3

2. Dhab ama run ka dhigid.

4

3. Si, ama, wax ka dhigid, ka yeelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Amminla'

DHAABAN
1

(Amminla'-da)

2

1. Xilliyada sannaddu u qaybsan tahay midkood.

3

2. Diraacda qaarkeeda danbe.

4

3. Roob-Garas.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aqool

DHAABAN
1

(Aqoo-sha)

2

1. Wax dad badan ka dhexeeya (cunno) kala agaasin iyo qayb-wanaaggooda.

3

2. Gooraha wax la cuno middood.

4

3. Sooryo; qorshe.

5

4. Wadid, meelgeyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Arar

DHAABAN
1

(Arar-ta)

2

1. Gogoldhigga doodda, hadalka qoran (buugag)

3

2. Daaqa la soo daajiyo xoolaha intaan ceelka la geyn oo biyaha la siin.

4

3. Hareer; agagaar

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aroorin

DHAABAN
1

(Aroorin-ta)

2

1. Biyo la doonid; ceel u kaxayn.

3

2. Hoos u dhigid, u dejin, ku fogeyn.

4

3. Qof hurda riyo wax ku tusid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baacin

DHAABAN
1

(Baacin-ta)

2

1. Baac wax ku cabbirid.

3

2. Wax la dhifanayo, kor u sii wadid, taniyo inta gacantu ka wada kala baxdo.

4

3. (u baacin) u taagid.

5

4. Kor u qaadid; bilid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bah

DHAABAN
1

(Bah-da)

2

1. In hooyo wada dhashay; tol; qolo.

3

2. Gob; (sida: bah iyo beel.

4

3. (°) Xiddigo dayaxu maro oo u dhexeeya xoor iyo faruuryo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bakaal

DHAABAN
1

(Bakaal-ka)

2

1. (cudur) bar cad oo isha birteeda ku dhalata.

3

2. Meeraha labaad oo qorraxda ku wareega oo u dhexeeya dhulka iyo Dusaaga (Sahra); Xiddigta Waabberi; Waxaraxir; (ama Bakool).

4

3. Qof lixaad weyn; dhammays ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Balalo

DHAABAN
1

(Balala-da)

2

1. Geedo waabaayo leh.

3

2. Xoolo ceel la keeno, iyadoo aan yeel loo sidin oo dabadeed baryo lagu waraabsho.

4

3. Bilaw; unug.

5

4. Cudur xoolaha ku dhaca.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ban

DHAABAN
1

1. (Ban-ka) Dhul bannaan oo aan dhir lahayn.

2

2. (Ban-ta) (saxaro) catoolbax.

3

3. (kir iyo ban) cay xun; qurmuun.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baxsiis

DHAABAN
1

(Baxsiis-ka)

2

1. Ceel cusub oo kolkaas la qoday.

3

2. Ceelkaas biyihiisa.

4

3. Wax kasta oo wax kale laga soo dhex bixiyo, laga soo dhex saaro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Big

DHAABAN
1

(Big-ta)

2

1. If muuqda oo durba libdha; carar durba la qarsoomo; bidhaan; bilig.

3

2. (Xarad) Bar, gaashi.

4

3. Orod haddiiba la libdho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Birdhi

DHAABAN
1

(Birdhi-ga)

2

1. Cad yar oo xabag ah ama dhagaxa qaaliga ah.

3

2. Iniin kastoo badanaa dhalaalaysa.

4

3. Midab dhibco ama baro leh.

waa la naqliyay ✓