100
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
100
Boqol
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqol
(Boqol-ka)
Tiro ka koobanta toban meelood oo meeshiiba toban tahay; lanbarka sagaashan iyo sagaalka xiga oo ka korreeya; (100).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mitir
° (Mitir-ka)
Cabbir wixii dheer lagu qiyaaso oo 100 sentimitir ama 1,093 yaardi ka dhigan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neberi
(Neberi-ga)
Nafleyda adduunka lagu arkay ama hadda joogta, kan ugu weyn oo ugu xoog badan; qaarkood, waxaa dhererkoodu gaaraa 100 cagood, culayskooduna 150 tan (= 1500 kiintaal ama 150 kun oo kiilo); Neberigu in kastoo uu badda ku jiro, haddana kalluun iyo libaax-badeed midna ma aha; dhasha neberigu, iyagoo nool bay dhashaan, hooyadood bayna caano ka nuugaan, sida kuwa birriga; (ama nibiri).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shilin
1. (Shilin-ka) Lacag ka dhigan gini labaatan meelood loo qaybshey meeshi; 100 senti; astaantiisu waa (/–).
2. (Shilin-ta) Xasharaad jaadad badan ah, oo dhiigga nuuga, oo aan baalal lahayn, oo dadka iyo nafleyda kaleba cuna, cudurrana keena.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alfiyoole
m.l (-layaalyo, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Kiish yar oo ka samaysan xuub khafiif ah, oo ay ku daboolanyihiin tintaafyo wada shaqaynaya oo ku yaalla dhammaadka faracyaraha hunguriga oo neefsashada sambabadu ka dhacdo dushiisa. Sambabku waxa uu leeyahay alfiyoole fara badan. Alfiyoolayaasha ku jira sambabka aadanaha waxa bedkiisa lagu qiyaasay inuu yahay 100 mm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barmaguur
m.dh (-ro ..., m.l) (fiisikis) Baro ku muujisan heerkul cabbiraha oo sugan, laguna tilmaansado astaamo walax leedahay oo la yaqaanno. Labada baro maguur ee muhiimka ah waa barta barafka (0 °C) iyo barta uumiga (100 ° C).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo
biyo¹: m.l.w 1. Hoore aan lahayn midab, dhadhan iyo ur oo ka sameysan haydaroojiin iyo oksijiin oo lama huraan u ah nolosha. 2. Hoore ka yimaadda lab iyo dhigdhig nafley marka ay isu galmoodaan ee uu ubadku ka abuurmo.
biyo²: m.l.w (kiimika) (H2O) Hoor midablaawe ah oo ku barafooba 0°C kuna uu biyooba 100°C marka cadaadisku yahay ka atmosfeerka. auumiga biyuhu wuxuu ka koobanyahay molikuyullo HO ah madi (kelikeli) ah. Biyuhu hoor ahaan, waa milaha ciriflaha ah ee ugu awood badan. Tan waxa ugu wacan sarraynta madoorsoomaheeda labdanab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqol
m.l.t Tiro ka kooban toban meelood oo min toban ah; “100”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbire-selsiyas
m.l (-rayaal ..., m.l/dh) (fiisikis) Cabbir heerkul ee barta barafku yahay 0ø; barta karkuna tahay 100°. Digriiga selsiyas (Summad: °C) waa 1/100 gaaliska heerkulka, waxana uu laxaad ahaan le'egyahay kelvin (°K).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cufnaan u-eegan
m.l (fiisikis) Summad: d. Cufnaanta walax oo loo qaybshay cufnaanta biyaha. Cufnaan u-eegan (d) = cufnaanta walaxda (P)/cufnaanta biyaha (P). Mar haddii cufnaanta biyuhu ay le'egtahay 1000 kg/m3, cufnaanta u-eegan ee walaxi waxa le'egtahay 1/1,000 (hal kumaadka) cufnaanta walaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufsane ay wadaagaan
m.l.u (-ayaal, ml./m.dh) Tiro dhufsane u ah laba ama dhowr tiro oo kale. Tusaale ahaan, 100 waa dhufsanaha ay wadagaan 5,25 iyo 50.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagax
m.dh.sh.r 1. Orodka ugu dhaqsaha badan ee nafleydu samayso. 2. Orod ka mid ah ciyaraha fudud ee lagu tartamo oo ah 100 m.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskayl heerkul
m.l (-llo ..., m.dh) (fiisikis) Susunka qiimayaasha ee u taagan heerkul. Susunka noocani ah waxa la helaa, sida badan, in la doorto labo barood oo maguuraan ah; taas oo inta u dhexeyso loo qaybiyo qayb-hoosaadyo ku salaysan hab laysku raacay. Tusaale ahaan iskaylka Selsiyas waxa uu leeyahay 9 qaybood oo u dhexeeya (0° C) barta dhalaashanka ee biyaha iyo (100° C) oo ah barta karka ee biyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kun
m.l.t. (-umanaal/-umanyaal, m.l) Tiro ka kooban toban meelood oo min boqol ah; toban boqolaad; “1000”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liitir
m.l (-rro, m.dh) Halbeeg lagu cabbiro hooraha una dhigma 1000 senti mitir oo saddex jibbaaran. la-mid: litir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
logardam caadi
m.l (-myo ..., m.dh) (xisaab) Logardam salkiisu yahay toban tusaale ahaan, log = 2 ama 100 = 10.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shilin
shilin¹: m.l (-mmo/-maad, m.l/dh) Lacag sarrif ah oo ka samaysan bir qiimaheeduna u dhigmo 100 senti.
shilin²: m.dh Xasharaad siddeed lugood leh oo jaadad badan, baalalna aan lahayn oo dhiigga xoolaha ku nool cudurrana keenta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tan
tan¹: m.l 1. Culays dhan 1000 kg. 2. Mug.
tan²: mu.ti.dh (kuwan, w) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka ha-dlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “Tan meesha fadhidaa waa walaashay”.
tan³: (-tan) dk.ti.dh Dibkabe tilmaame oo magac dheddig dib looga qodbo oo wax qofka hadlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tusaale: “Tintan tayda ma aha”.
tan⁴: fk. Ilaa; T. ama taniyo: mar laga bilaabo; jeer laga gaaro. Tusaale: “Tan iyo intii uu halkaan yimid wuu bukay”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro
tiro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Hab lagu garto kolka mid mid loo soo qaado kaddib, inta inood oo wax ka koobanyahay. 2. Ari ka kooban boqol (100) neef. 3. T. iyo tayo: caddad iyo qaayo.
tiro²: m.dh (-ooyin, m.l) 1. (xisaab) Summado loo adeegsado tirinta iyo cabbirid-da. Tirooyinka hadda guud ahaan la adeegsado waxa ay ku salaysanyihiin habdhis salkiisu yahay Hindi-Carab. 2. (xisaab) Tiro kasta oo ah maangal ama murakab waxa jiro noocyo badan oo tirooyin ah: (b) tirsiimo (abyoone togan) (t) tiro idil (j) abyooneyaasha (x) tiro lakab ah (kh) tiro lakab la'. 3. (naxwe) Koox naxweed oo waxqabadkeedu yahay in ay tilmaanto cadad dad, xayawaan iyo shay oo giddigooda ah tirsamayaal. Tusaale: “Kow, labo, qof”; tirada lidka isku ah waa keli iyo wadar (mid/dhawr).
tiro³: f.g3 (-rtay, -ratay) Wax meel ka ba'sasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro-dhalasho
m.dh Lambarka dhallaanka nool oo sannad gudihiis dhasha 1000 kii naagood da'doodu u dhexeysa (15-44) sano da'da dhalidda.
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
1000
Kun
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
10
Toban