10
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
10
Toban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqol
(Boqol-ka)
Tiro ka koobanta toban meelood oo meeshiiba toban tahay; lanbarka sagaashan iyo sagaalka xiga oo ka korreeya; (100).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadadi
(Cadadi-da, Cadadi-ga)
Lacagta inteeda aan xaashida ahayn; cadadka dhagaxa ah (1/, 50%, 10%, 5%); jajab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaban
(Dhaban-ka)
Wejiga labadiisa dhinac midkood.
2. (Dhaban-ta) Tiro qaybsanta oo aan kala dheeri lahayn, sida 2, 4, 6, 10; aan kisi ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mitir
° (Mitir-ka)
Cabbir wixii dheer lagu qiyaaso oo 100 sentimitir ama 1,093 yaardi ka dhigan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neberi
(Neberi-ga)
Nafleyda adduunka lagu arkay ama hadda joogta, kan ugu weyn oo ugu xoog badan; qaarkood, waxaa dhererkoodu gaaraa 100 cagood, culayskooduna 150 tan (= 1500 kiintaal ama 150 kun oo kiilo); Neberigu in kastoo uu badda ku jiro, haddana kalluun iyo libaax-badeed midna ma aha; dhasha neberigu, iyagoo nool bay dhashaan, hooyadood bayna caano ka nuugaan, sida kuwa birriga; (ama nibiri).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shilin
1. (Shilin-ka) Lacag ka dhigan gini labaatan meelood loo qaybshey meeshi; 100 senti; astaantiisu waa (/–).
2. (Shilin-ta) Xasharaad jaadad badan ah, oo dhiigga nuuga, oo aan baalal lahayn, oo dadka iyo nafleyda kaleba cuna, cudurrana keena.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiro
(Tira-da)
1. Hab lagu garto, kolka mid mid loo soo qaado kaddib, inta inood oo wax ka kooban yahay ama uu gaaro.
2. Miraha ama faraha wax lee yihiin ama ka kooban yihiin.
3. Xisaab.
4. Lanbarro (1, 7, 10).
5. Boqol ari ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toban
(Toban-ka)
Tirada u dhexaysa sagaalka iyo kow-iyo-tobanka; (10) (ama toman).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tobnaad
(Tobnaad-ka)
Tiro taxan oo isdabajoogta, lanbarka tobanka jagadiisa ku abbaaran; kan sagaalaadka iyo kow-iyo-tobnaadka u dhexeeya; (10d.); (ama tobanaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alfiyoole
m.l (-layaalyo, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Kiish yar oo ka samaysan xuub khafiif ah, oo ay ku daboolanyihiin tintaafyo wada shaqaynaya oo ku yaalla dhammaadka faracyaraha hunguriga oo neefsashada sambabadu ka dhacdo dushiisa. Sambabku waxa uu leeyahay alfiyoole fara badan. Alfiyoolayaasha ku jira sambabka aadanaha waxa bedkiisa lagu qiyaasay inuu yahay 100 mm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arjantam
m.l (-mmo, m.dh) (kiimika) Bir ka tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah oo u jiri kartaa asal ahaan iyo weliba salfaydh (AgS) iyo kolorayd (AgCl) ahaanba. Summaddeedu waa: Ag. Bar dhalaalkeeduna (b.dh.) 960 C. Bar karkeeduna (b.k.) 2180 C. Cufnaan beeggeeduna waa 10.5, tiroborotoon 47, cuf atammeed 107.87.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barmaguur
m.dh (-ro ..., m.l) (fiisikis) Baro ku muujisan heerkul cabbiraha oo sugan, laguna tilmaansado astaamo walax leedahay oo la yaqaanno. Labada baro maguur ee muhiimka ah waa barta barafka (0 °C) iyo barta uumiga (100 ° C).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iyo wixi lamida). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iyo wixi lamida). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bixi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel uu joogay ama yaallay ka saarid. 2. Wax sida musmaar qodax iyo wixi lamida meel uu ku mudnaa ka siibid. 3. Wax halis ka badbaadin. 4. Qof, wax uu hayey cid kale siin. 5. Dab iyo wixi lamida shidid. 6. Magac u b.: nafley, meel iyo wixi lamida magacsiin. 7. Wax u b.: qof dhintay wardi ama sadaqa u hibayn. 8. Isu b.: wax kala qoqoban isufurid. 10. Isu b.: laba qof tartansiin. 11. Kala b.: kala saar. la-mid: bixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo
biyo¹: m.l.w 1. Hoore aan lahayn midab, dhadhan iyo ur oo ka sameysan haydaroojiin iyo oksijiin oo lama huraan u ah nolosha. 2. Hoore ka yimaadda lab iyo dhigdhig nafley marka ay isu galmoodaan ee uu ubadku ka abuurmo.
biyo²: m.l.w (kiimika) (H2O) Hoor midablaawe ah oo ku barafooba 0°C kuna uu biyooba 100°C marka cadaadisku yahay ka atmosfeerka. auumiga biyuhu wuxuu ka koobanyahay molikuyullo HO ah madi (kelikeli) ah. Biyuhu hoor ahaan, waa milaha ciriflaha ah ee ugu awood badan. Tan waxa ugu wacan sarraynta madoorsoomaheeda labdanab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqol
m.l.t Tiro ka kooban toban meelood oo min toban ah; “100”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbire-selsiyas
m.l (-rayaal ..., m.l/dh) (fiisikis) Cabbir heerkul ee barta barafku yahay 0ø; barta karkuna tahay 100°. Digriiga selsiyas (Summad: °C) waa 1/100 gaaliska heerkulka, waxana uu laxaad ahaan le'egyahay kelvin (°K).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-gibileed
cadaadis-gibileed¹: m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas.
cadaadis-gibileed²: m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Cadaadiska ka dhasha culeyska hawada ee ka saaraysa bar kasta oo ku taal oogada dhulka. Marka laga qiyaaso heerka badda, gibilku waxa uu celin karaa tiir meerkaari oo jooggiisu yahay 760 mm. Cadaadiskaas wuu sii yaraadaa marka sare loo sii kaco. Qiimo beegaalka c. g. (heerka badda ee halbeegga (H.C.) waa 1.01325 x 10 5 Baaskal (N/m2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilada lamaddegaanka
m.dh (juqraafi) Nooca cimilada ee dhulka oomanaha ah, amase aan helin qoyaan iyo roob joogto ah. Cimiladani waxa ay dhacdaa oo laga helaa loolal badan dhexdooda. Waxaase ugu caansan tan kulaaleyda iyo tan loolalka dhexe. Qoyaanka lagu asteeyaana waa 250mm (10 in) inkasta oo qoyaankaasi ku filanyahay inuu kaymo ka saaro waqooyiyada Kanada iyo Saybeeriya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo-badhaale
m.dh (juqraafi) Nooca cimilo ee laga helo dhulalka hoose ee u dhexeya loolka 5° ilaa 10° ee woqooyiga iyo koonfurta badhaha. Sannadka oo dhan heerkulka iyo huurkuba si aan isbeddel lahayn ayayba u sarreeyaan, isbeddellada xilliyeedna waa wax aad u yar.
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
100
Boqol