0
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
0
Ebar, Maran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelin
1. (Gelin-ka) a) Maalinta ama habeenka, kala bar oo bar; labada gelin oo maalintu waa: 6:00-12:00 iyo 12:00-18:00; labada habeenkuna waa 18:00-24:00 iyo 24:00-6:00. b) Galmo; kal; gaaf; jil.
2. (Gelin-ta) Wax dhexdi ama gudihi, wax kale gaarsiin, ku ridid, dhigid, xuluulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kun
(Kun-ka)
Tiro ka kooban toban meelood oo meeshiiba boqol tahay oo laysku daray; toban boqolaad; (1,000).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malyuun
(Malyuun-ka)
1. Kun kumaad; kun meelood oo meeshiiba kun tahay; (1,000,000).
2. Tiro badan; (ama malyan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mitir
° (Mitir-ka)
Cabbir wixii dheer lagu qiyaaso oo 100 sentimitir ama 1,093 yaardi ka dhigan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waar
(Waar-ka)
Cabbir wixii dheer lagu cabbiro; wuxuu la mid yahay 3 cagood ama 36 suul ama 0.914 oo mitir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abyoone
m.l (-nayaal, m.l/dh) (xisaab) Urur ka kooban tirooyinka idil ee togan iyo kuwa taban; 0, 1, 2, 3, 4, ... Abyooneyaasha togan ee 1, 2, 3, 4,... waxa lagu magacaabaa tirooyinka tirsiimo ama kuwa wax lagu tirsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammooniya
m.dh (-mo, m.dh) (kiimika) Neef midab laawe ah oo ur sindhiidha leh. Ammooniyadu aad ayay ugu milantaa biyaha (milanka dheregsan ee ammooniyada ah waxa ku jira 36.9 % oo ammoniya ah markuu heerkulku yahay 0° C.): milanbiyoodka ammoniya waa beys waxaana ku jira saami ammooniya ah oo madaxbannaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aragti-haraa
m.dh (-iyo ..., m.dh) (xisaab) Aragtida loo tibaaxo isle'egta f(x) = (xa) gx+f(a) taas oo micnaheedu yahay haddii tibxaale f(x) ee doorsoome x, loo qaybiyo (xa), oo a ay tahay madoorsoome; tibixda haraaga waxa ay le'eg tahay qiimaha tibxaalaha marka x = a. Tibxaalaha sare f(1) = 2+3-1-4= 0, sidaa daraadeed (x-1) waa isir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aragti-isir
m.dh (-iyo ..., m.dh) (xisaab) Xaaladda ay (x-a) ku noqonayso isirka tibxaalaha f(x) ee doorsoome x, haddii iyo haddii oo keliya f(a) = 0. Tusale ahaan, haddii f(x) = x +x-6 = 0 f(-3) = 9-3-6= 0; f(2) = 4+2-6 = 0. Sidaa daraadeed isirrada f(x) waa (x-2) iyo (x+3). Aragtida isirka waxa laga soo diiray aragtida haraaga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arkaniida
m.l (baayoloji) Dir ka tirsan artaraboodhaha berriga ku nool kana kooban ilaa 5.000 oo sinji oo ay ka mid yihiin caarada, dabaqallooca, shilinta iyo aboorka. Jidhka arkaniiduhu wuxuu u qaybsamaa qayb hore oo loo yaqaanno madax saabley iyo qayb dambe oo loo yaqaan ubuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asalmadoorshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) (xisaab) Kutirsane urur oo marka lagu xiro ku tirsane kale ee kasta ee ku jira ururka aan isbeddelin. Asalmadoorshaha waxa uu ku xiranyahay kutirsaneyaasha ururka iyo xisaabfalka la adeegsado. Tusaale ahaan, eber waa asalmadoorshaha isugeynta: 0+3=3+0. Hal waa asalmadoorshaha iskudhufashada: 1x3=3x1.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayoonisfeer
m.l (fiisikis) Gibilka saddexaad ee xiga istaratosfeerka fidsan ilaa 1,000 km. Gibilkani, waxa uu leeyahay afar lakab, oo neefaha ku jiraa ay yihiin aysonno. Taasi waxa ay inoo fududeysaa isgaarsiinta iyo baahinta wararka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aysootoonik
m.l (-kyo, m.dh) (baayoloji) Waxa lagu sharxaa milannada leh cadaadis isku mid ah. Tusaale: “Milan”, .01m oo sonkor ah iyo milan .01m oo gulukows ahi waa milanno cadaadis isku mid ah leh”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barmaguur
m.dh (-ro ..., m.l) (fiisikis) Baro ku muujisan heerkul cabbiraha oo sugan, laguna tilmaansado astaamo walax leedahay oo la yaqaanno. Labada baro maguur ee muhiimka ah waa barta barafka (0 °C) iyo barta uumiga (100 ° C).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beegaal heerkul cadaadis (B.H.C.)
m.l (fiisikis) (B.H.C.) Beegalka heerkulka iyo cadaadiska oo hore loo odhan jirey heerkulka iyo cadaadiska caadiga ah, waa xaaladda beegaal ee loo adeegsado furfurista xisaabeed ee xaddiyada isla beddela heerkulka iyo cadaadiska, marka la is barbar dhigayo astaamaha neefaha. Xaaladdaasi waa marka heerkulka yahay (273.15 K ama 0øC) iyo cadaadis (760 mm Meerkuri ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilyan
m.l (-nno, m.dh) Tiro ka kooban kun meelood oo min milyan ah; kun milyan; “1.000.000.000”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo
biyo¹: m.l.w 1. Hoore aan lahayn midab, dhadhan iyo ur oo ka sameysan haydaroojiin iyo oksijiin oo lama huraan u ah nolosha. 2. Hoore ka yimaadda lab iyo dhigdhig nafley marka ay isu galmoodaan ee uu ubadku ka abuurmo.
biyo²: m.l.w (kiimika) (H2O) Hoor midablaawe ah oo ku barafooba 0°C kuna uu biyooba 100°C marka cadaadisku yahay ka atmosfeerka. auumiga biyuhu wuxuu ka koobanyahay molikuyullo HO ah madi (kelikeli) ah. Biyuhu hoor ahaan, waa milaha ciriflaha ah ee ugu awood badan. Tan waxa ugu wacan sarraynta madoorsoomaheeda labdanab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuq
buuq¹: m.l 1. Hadal ama cod dheer oo nafley badan isku mar sameyso. 2. Dad ama xoola badan oo meel isugu yimid.
buuq²: m.l (fiisikis) Jabaq kasta oo dad dhiba; waxa lagu qiyaasaa iskeelka desibal oo u dhexeeya heerka maqalka ugu hooseeya (0dB) iyo heerka dhawaaqa maqalku xanuuniyo (130dB). Dhawaqyo maqalka qasa oo dhexgala liid rakaad ee marin sigaarsiin.
buuq³: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Nafley badan, hadal ama cod badan isku mar sameyn. 2. Dad ama xoolo badan meel isugu imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbire-selsiyas
m.l (-rayaal ..., m.l/dh) (fiisikis) Cabbir heerkul ee barta barafku yahay 0ø; barta karkuna tahay 100°. Digriiga selsiyas (Summad: °C) waa 1/100 gaaliska heerkulka, waxana uu laxaad ahaan le'egyahay kelvin (°K).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-gibileed
cadaadis-gibileed¹: m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas.
cadaadis-gibileed²: m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Cadaadiska ka dhasha culeyska hawada ee ka saaraysa bar kasta oo ku taal oogada dhulka. Marka laga qiyaaso heerka badda, gibilku waxa uu celin karaa tiir meerkaari oo jooggiisu yahay 760 mm. Cadaadiskaas wuu sii yaraadaa marka sare loo sii kaco. Qiimo beegaalka c. g. (heerka badda ee halbeegga (H.C.) waa 1.01325 x 10 5 Baaskal (N/m2).