-tu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-tu
a: -dhu, -du, -shu; Refers to the sentence subject
de: the one [FEMININE DEFINITE SUBJECT]
lx: -tu
ps: det-f-subj
key: -tu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadaan
(Aadaan-ka)
Ereyo yar oo lagu dheeraysto oo dadka tukashada loogu yeero (ama addin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaar
(Abbaar-ta)
Sida eg, tusmo; marin; aaddanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addin
(Addin-ka)
1. Lugaha iyo jeenyaha iyo gacmaha middood.
2. Ereyo yar oo lagu dheeraysto oo dadka tukashada loogu yeero (ama aadaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afcelin
(Afcelin-ta)
*Afniqid; turjumaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afceliye
(Afceliya-ha)
Afhaye; afnaqe, turjumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afhaye
(Afhaya-ha)
Qof dadka afaf kala duwan ku hadla, u kala afceliya; afceliye; turjumaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afnaqe
(Afnaqa-ha)
Afceliye; turjumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afweyn
(Afweyn-ta)
Riciraha tunka tan ugu korraysa oo afka weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyaal
(Afyaal-ka)
1. Madax; horfiiq.
2. Qofka dadka soo dhoweyntiisa u qaybsan.
3. Oodafo; dhacan.
4. Horgalka tusbaxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Allabbari
(Allabbari-ga)
Eebbe wax-ka-bari; Ilaah-bari; Rabbi-bari; Eebbe-tuug: duceysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Andaqaad
(Andaqaad-ka)
Arrin lagu heshiiyey, wixii xil ka yimaada ama eeddii ka timaadda oo la qaato; eedqaad; xilxanbaar; shaf-u-tun; u qoolnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Andaqaadid
(Andaqaadid-da)
Arrin lagu heshiiyey wixii xil ka yimaada ama eeddii ka timaadda, qaadasho; eed qaadid; xil xanbaarid; isu qoolid; shaf u tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aroorin
(Aroorin-ta)
1. Biyo la doonid; ceel u kaxayn.
2. Hoos u dhigid, u dejin, ku fogeyn.
3. Qof hurda riyo wax ku tusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arxamid
(Arxamid-da)
Jimic u gelid; u turid; u naxariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arxan
(Arxan-ka)
Naxariis; raxmad; turaal; jimic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asluub
(Asluub-ta)
Dhaqanwanaag; anshax; tusmo; marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayo
Kuma? Kee? Tuma? Tee?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabbacayn
(Baabbacayn-ta)
(geel) orod cagaha dhulka lala dhaco; durdurin; ku tumasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabbul
(Baabbu-sha)
Timo aad u baxa iyagoo aan la ilaalin; yoofil; tuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baandhayn
(Baandhayn-ta)
(turub) shaandhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tu
Wax ama qof dheddig oo keli ah; mid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tu
mu.ac.dh (kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo dhaddig ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya; mid. Tusaale: “Tu wanaagsan baan ku toosay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tu
mu.ac.dh (kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo dhaddig ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya; mid. Tusaale: Tu wanaagsan baan ku toosay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tu
pron. - adiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tu
(fal) marka awrka la fadhiisinayo ayaa la isticmaalaa. Dh: juu.
tu-da: (magac, dhedig, keli) cudur xoolaha ku dhaca. Tu'ida: ayaa gashay xoolaha.
tu: (magac'uyaal) tilmaamaya qof ama wax dhedig oo keli ah. Dh: mid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tu
tu, pron. pers. - adiga
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-du
de: the [FEMININE DEFINITE SUBJECT]
lx: -du
ps: det-f-subj
xe: the cloth
xv: =-tu
key: -du
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-te
de: -er, -or [AGENT NOUN] Makes masculine nouns of Declension 7 showing agent, doer, or profession
lx: -te
ps: n7-m-suf
xe: listener
xv: dhegayste
key: -te
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
ITU
Ururka war isgaarsiinta Aduunka