-ki
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-ki
de: his
lx: -ki
ps: pro-det-3m
xe: He didnt find his son.'
xv: =-kiisa
key: -ki
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaagse
(Agaagsa-ha)
Qof wax badan helay (hilib; lacag, ...) wax yar oo uu u gooyo kii aan wax helin, ama laga qaado; xoolaha la soo dhaco, waxa laga baxsho; loog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akhriyid
(Akhriyid-da)
Erey ama hadal qoran kicin; ku dhawaaqid; naqid; marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aloosid
(Aloosid-da)
Qaanqaamin, abaabulid. kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amaah
(Amaah-da)
Xoolo qof qof ka doono, oo haysto, oo goor lagu ballamay kaddib, kii horoo lahaa uu u cesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amarti
(Amarti-da)
Islaweyni; kibir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anaakici
(Anaakici-da)
(anaa kici) col yar oo si gaar ah u laylyan oo cadowga lala dagaallama hayo dhulkiisa lagu sii dhex daayo; wuxuu ka kooban yahay, dad aan la khasbine, iyagu raalli ku ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awlal
(Awlal-ka)
1. (hilib) Dhinac; sarar.
2. Malabka kiisa raagey oo madow; xabagbarshi raagtey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baab
(Baab-ka)
1. Qaybaha ama xubnaha kitaabka middood, fasalka ka weyn.
2. Jaad; nooc; jinsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baadifad
(Baadifad-da, Baadifad-ka)
Qofka baadida hela oo qabta oo kii lahaa ku sima, waxa la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babbis
(Babbis-ka)
Qalab inta badan, caw midabyo badan laga tidco oo daab leh, oo dabka lagu belbeliyo ama kolkii la kululaado laysku babbiyo; wixii dabaysha kiciya oo xiisad u yeela oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ban
1. (Ban-ka) Dhul bannaan oo aan dhir lahayn.
2. (Ban-ta) (saxaro) catoolbax.
3. (kir iyo ban) cay xun; qurmuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqti-gowricid
(Baqti-gowricid-da)
Baqti-gowrac ku kicid; (ama bakhti-gowricid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraarugid
(Baraarugid-da)
Hurdo ka kicid; soojeedid; digtoonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraarujin
(Baraarujin-ta)
Hurdo ka kicin; wax xusuusin; qof digtoon ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bedrid
(Bedrid-da)
Sida kolka la tartama hayo oo kale uga orodsiin; bedertan gelin; kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bitin
(Bitin-ta)
Bito kicin; duulin; buubin; haadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bito
(Bita-da)
Ciid aad u fudud oo dabayshu kiciso; aan culays lahayn oo bida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buntukh
(Buntukh-a)
Hubka dabka mid ka mid ah oo gacanta lagu qaato. Wuxuu lee yahay dhuun dheer oo afkeeda xabbaddu ka baxdo oo gudaha ku leh xarriiqo qodan oo maroorsan oo xabbadda la ridayo siiya xoog sida kiriiriga u wareegaya iyo dheerayn iyo weliba sugnaan iyo meel fog gaarid; qori; (ama bunduq).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buskud
* (Buskud-ka)
Kimis xalleefsan oo fidsan oo adag, oo badanaa sonkoraysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Butaacid
(Butaacid-da)
(biyo, kd.) si xoog badan u soo bixid ama u soo kicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eki
-da: (magac, dhedig, keli) mid ahaanta ama isku muuqaal dhowaansho labo qof ama labo shey. Isku ekida labada mataanood waa wax la filan karo. Dh: ekaansho.
eki-da: (magac, dhedig, keli) ku sugnaanshaha meel la isla og yahay. Dh: ekaansho, sugnaansho, ku koobnaan.
eki -da: (magac, dhedig, keli) eeg ekaad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ski
/skii/ (n) alwaax dhuuban oo meel lugaha lagu xiro leh oo barafka lagu dulmaro.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ski
ski, n.m. - ciyaarta barafka lagu dul simbiririxdo; iski
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-kiin
de: your
lx: -kiin
ps: pro-det-2pl
see: =-kiinna
key: -kiin