ereyga

-do

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

-do

DHAN
1

a: =-to

2

de: may I / may he do (X); let him do (X)

3

lx: -do

4

ps: v3b-1sg/3m-opt

5

key: -do

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aakhiro

DHAABAN
1

(Aakhira-da)

2

Meesha iyo nolosha danbe oo lagu noolaan doono, kolka adduunka laga tago.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aaran

DHAABAN
1

(Aaran-ka)

2

1. Qaalmaha yaryar oo geela; qaan.

3

2. Doog iyo barwaaqo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Abaar

DHAABAN
1

(Abaar-ta)

2

Roob la'aan; doog la'aan; jiilaal dheeraaday.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Abuur

DHAABAN
1

1. (Abuur-ka) a) Wax aan hor u jirin uumis; alkun. b) Geed ubxa haya, docda uu lafta ama iniinta ku lee yahay, oo kolkii la beero korta oo geed hor leh oo cusub noqota; laf ama iniin ama cad kasta oo geed hor leh noqon karta; firi. c) Hawsha la qabto kolka beerta abuurka lagu rida hayo.

2

2. (Abuur-ta) Sida loo uumay (farsamo, hab, qaab); baxaalli.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Afarsuulle

DHAABAN
1

(Afarsuulla-ha)

2

Muruq afar suul ama afar madax leh, siiba muruqa weyn oo ku yaal bowdada docdeeda kore, oo kolka uu isku soo rooro lugtu kala baxdo oo fidsanto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Afeef

DHAABAN
1

(Afeef-ta)

2

Hadal, kolka la dooda hayo la hormarsado, oo waxyaalo la oran doono marmarsiinyo looga dhigo, ama waxyaalo laga baqa hayo sooqaadkood lagu gudbo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aflax

DHAABAN
1

(Aflax-a)

2

Waxa la doonayo (waxbarasho...) oo guul iyo liibaan laga gaaro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Afmiinshaar

DHAABAN
1

(Afmiinshaar-ka)

2

Qof warbeennad saamays weyn leh, oo lagu kala dhinto ama lagu dagmo dhisa ama dhisi yaqaan, oo dadka ama dowladda wax kaga cuna.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Afyuun

DHAABAN
1

(Afyuun-ka)

2

Geed-ubax la beero oo waxtar (dawo) iyo dhibaato weyn labadaba leh, oo dhulka kulul ka baxa; wuxuu lee yahay dhacaan sida caanaha u cad oo la engejiyo, oo dabadeed la cuno ama sida sigaarka loo shito; kartida iyo maanka qofkaba habbisuu saaraa, haddaan degdeg la isaga qabanna waa lala doorsoomaa oo lala dufoobaa (sida xashiishka, qaadka ...).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aglool

DHAABAN
1

(Aglool-ka, Agloo-sha)

2

1. Hab weelka la xoolayna hayo, gocoyonnimada looga ba'sho: asal, dufan, laysku karshey baa lagu rogrogaa.

3

2. Wax la dhisa hayo ama la samayna hayo, qaabintiisa iyo jaangooyadiisa hore; bilaw; unug. 3.* Aqal, la dhisi doono, astaanti iyo muuqaalki warqad, ku muujin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Alkun

DHAABAN
1

(Alkun-ka)

2

1. Wax aan hor u jirin oo la abuuro; abuur; uun.

3

2. (Alkun-ka, Alkun-ta) Labada inay is guursadaan isu doonay, waxay isu yihiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Amaah

DHAABAN
1

(Amaah-da)

2

Xoolo qof qof ka doono, oo haysto, oo goor lagu ballamay kaddib, kii horoo lahaa uu u cesho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Arar

DHAABAN
1

(Arar-ta)

2

1. Gogoldhigga doodda, hadalka qoran (buugag)

3

2. Daaqa la soo daajiyo xoolaha intaan ceelka la geyn oo biyaha la siin.

4

3. Hareer; agagaar

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ararasho

DHAABAN
1

(Ararasha-da)

2

Hadalka, doodda, buugagga,, arar ka hor-marsasho; gogoldhigasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Argaggixiso

DHAABAN
1

(Argaggixisa-da)

2

1. Dad ama urur, argaggixin ku doonta danohooda, siiba kuwa siyaasadeed.

3

2. Wax lala argaggaxo oo dhan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aroor

DHAABAN
1

1. (Aroor-ka) a) Biyo doonasho (xoolo). b) Hoos aadid; degitaan; jeexniin; daliig qodan.

2

2. (Aroor-ta) Kolka waagu beryo; waabberi; arooryo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aroorid

DHAABAN
1

(Aroorid-da)

2

1. Biyo raadin; biyo doonid.

3

2. Hoos u dhigid; wadid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aroorin

DHAABAN
1

(Aroorin-ta)

2

1. Biyo la doonid; ceel u kaxayn.

3

2. Hoos u dhigid, u dejin, ku fogeyn.

4

3. Qof hurda riyo wax ku tusid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Asaraar

DHAABAN
1

(Asaraar-ka)

2

Wax dad kale sheegay oo lagu qabto oo been lagu sheego; dood; muran; beenin; ogaaldiid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Awaaji

DHAABAN
1

(Awaaji-ga)

2

War la doona hayo in dad badan la gaarsiiyo, oo lagu dhawaaqo ama si kale loo faafiyo; naado

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

-doo

DHAFANDHAAF
1

a: =-too

2

de: that, those (far away)

3

lx: -doo

4

ps: deic-f-suf

5

key: -doo

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

-d

DHAFANDHAAF
1

de: -ing [GERUND]

2

lx: -d

3

ps: vn2(a)-m-suf

4

xe: going

5

xv: -ad ~ -id

6

key: -d

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

do

DHAFANDHAAF
1

-do

2

(naxwe) Qodob magacyada dheddig oo kelida ah qaarkood iyo kuwa lab oo kooxda ah qaarkood raaca oo caddeeya (ri-da, mara-da, lo'-da, bad-da: wadaadda-da, aqalla-da, dibi-da, walaalla-da).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

do

DHAFANDHAAF

/dhuu/ (v) fal, samee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

do

DHAFANDHAAF

v.tr., fal, samay, yeel; all is done, gidi dhamaaday; I know not what to do with them, anigu waxaan ku falo garan maayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

-du

DHAFANDHAAF
1

de: the [FEMININE DEFINITE SUBJECT]

2

lx: -du

3

ps: det-f-subj

4

xe: the cloth

5

xv: =-tu

6

key: -du

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ido

DHAFANDHAAF
1

(Ida-ha)

2

(magac wadareed) riyaha maahee jaadka kaloo labaad oo ariga; waxay lee yihiin dhogor badan iyo harag idiin laga dhigo iyo caano aan badnayn; waa calannaqsadaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ido

DHAFANDHAAF

m.l Ariga intiisa leh bari weyn, macal, iyo dhogor badan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ido

DHAFANDHAAF

m.l Ariga intiisa leh bari weyn, macal, iyo dhogor badan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ido

DHAFANDHAAF

m. n., [collective] sheep; flock of sheep

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

ido

DHAFANDHAAF

-idaha: (n) [Plural of lax] sheep (shiip)

waa la naqliyay ✓

Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]

Ido

DHAFANDHAAF
1

(I) Pecora, generico Razza a testa nera e coda grassa;

2

(E) Sheep, generic, black-headed, fat-tailed stock

3

(S) Ido (S. g.: Idò, Edò)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ido

DHAFANDHAAF
1

-ha: (magacwadareed) adhiga qaybta aan riyaha ahayn. Ido goosan ah buu waraabe halkan ku cunay xalay.

2

ido -ha: (magacwadareed) lix xiddigood oo dhexdooda ay ku urursanyihiin xiddigo badan oo ay adagtahay sida loo arko. Dh: galgaalli.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ido

DHAFANDHAAF
1

de: sheep; flock of sheep

2

lx: ido

3

pd: (/ha)

4

ps: n0-m-col

5

xe: sheeps milk', laba idayow 'two sheep

6

xv: lax, wan

7

key: ido

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

ido

DHAFANDHAAF

صَانٍ، شَاةَ، خَرُوفَ

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

udo

DHAFANDHAAF

m.dh (-ooyin, m.l) 1. Saxaro. 2. Cudur geela dhabxanagga kaga dhaca.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

udo

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) saxarada dadka. Ka bi'i udaha qofka buka. Dh: xaar.

2

udo -da: (magac, dhedig, keli) xanuun geelu ka qaado dhirta dacawadu ku kaadiday markuu daaqo.

3

udo-ha: (magac, lab, keli) saxarada dadka. Ka bil udaha qofka buka. Dh: xaar, sindho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

-aado

DHAFANDHAAF
1

de: may I / he be

2

lx: -aado

3

ps: v5a-1sg/3m-opt

4

xe: May I be beautiful!

5

xv: An quruxsanaado!

6

key: -aado

waa la naqliyay ✓