-dhu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-dhu
de: the [FEMININE DEFINITE SUBJECT]
lx: -dhu
ps: det-f-subj
xe: the girl
xv: =-tu
key: -dhu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaarikeentay
(Abaarikeentay-da, Abaarikeentay-ga)
Dad aan dhulka ku dhalan oo waa danbe dalaw ku yimid; gadaalka'imaad; kooyto (ab'ogaa iyo abaarikeentay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adduun
(Adduun-ka)
1. Dhulka iyo waxa deggan; ifka lagu nool yahay; duni.
2. Maal; xoolo; hanti; adduunyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyuun
(Afyuun-ka)
Geed-ubax la beero oo waxtar (dawo) iyo dhibaato weyn labadaba leh, oo dhulka kulul ka baxa; wuxuu lee yahay dhacaan sida caanaha u cad oo la engejiyo, oo dabadeed la cuno ama sida sigaarka loo shito; kartida iyo maanka qofkaba habbisuu saaraa, haddaan degdeg la isaga qabanna waa lala doorsoomaa oo lala dufoobaa (sida xashiishka, qaadka ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anaakici
(Anaakici-da)
(anaa kici) col yar oo si gaar ah u laylyan oo cadowga lala dagaallama hayo dhulkiisa lagu sii dhex daayo; wuxuu ka kooban yahay, dad aan la khasbine, iyagu raalli ku ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbasho
(Anbasha-da)
Jid ama meel ka habaabid; dhumid; lumid; anbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbin
(Anbin-ta)
Jid ama meel ka habaabin; dhumin; lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aq
(Aq-da)
Dhadhamo iyo dhuuni la'aan; dhanqasho; janqasho; anqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ardaa
(Ardaa-ga)
Dhul bannaan oo guryaha ka horreeya oo derbi ama teed ku wareegsan yahay; meel duggaal laga dhigo oo kor ka furan oo la fariisto ama la seexdo ama dano kale lagu qabsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ardiyad
(Ardiyad-da)
Canshuurta dhulka laga qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arkid
(Arkid-da)
Indhaha ku duwid oo ku garasho; dhugasho; fiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arlo
(Arla-da)
Dal; dhul; ardi; duni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaruurid
(Asaruurid-da)
God ama ceel ama wax la mid ah, ciid ka buuxin, xabaalid, dhulka la simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayeeyo-lugdheer
(Ayeeyo-lugdheer-ta)
Xasharaad jaadad badan ah oo dheer oo dhuuban; waxay leedahay labo addin oo hore oo madaxa u dhow, oo waaweyn, oo qodxo leh iyo afar kaloo lugood, oo dhuudhuuban iyo baalal, midabkeeduna waa cagaar; ~ abooto-idabbadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabbacayn
(Baabbacayn-ta)
(geel) orod cagaha dhulka lala dhaco; durdurin; ku tumasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabbaco
(Baabbaca-da)
1. Gacanta dadka inta dhudhunka ka hoosaysa oo calaacasha, faraha iyo suulku ka mid yihiin oo wax lagu qabto; cukur; sacab; cagta nafleyda qaarkeed;
2. Orod gaar ah oo geelu cagaha la dhaco dhulka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baad
1. (Baad-da) Xoolo qofkii ama dadkii laga adkaado baxsho; sedo (sado); ammaan; canshuur.
2. (Baad-ka) a) Waxa dhulka ka baxa oo nafleyda daaqdaa, cunto; cunno. b) Labada garab oo haadka iyo dayuuraduhu ku duulaan; baal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baah
(Baah-a)
Dhulka wada gaaray; faaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baahid
(Baahid-da)
Dhulka wada gaarid; faafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baar
1. (Baar-ka) a) Geedka madixiisa kore oo laamuhu ka baxaan. b) (geel) Timaha kuruska korkiisa ka baxa. c)* Meel lagu iibsho waxyaalaha la cabbo, badanaa taagnaan baa wax lagu cabbaa.
2. (Baar-ta) Geed jaadad badan ah oo dhulka kulul ka baxa: wuxuu leeyahay dhex dheer oo aan lamo lahayn, madaxana wuxuu ku lee yahay caleemo aad u waaweyn oo dheerdheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babbaay
(Babbaay-ga)
Geed dhulka kulul ka baxa oo yare baarta u eg; baarka sare wuxuu ku lee yahay caleemo balballaaran; wuxuu dhalaa miro waaweyn oo qaraha u eg oo iniino badan oo filfil u eki dhexda uga buuxaan; (ama mafafaay).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-du
de: the [FEMININE DEFINITE SUBJECT]
lx: -du
ps: det-f-subj
xe: the cloth
xv: =-tu
key: -du
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-dha
de: the [FEMININE DEFINITE ARTICLE]
lx: -dha
ps: det-f-suf
xe: not usually spelled with double dhdh
xv: =-ta after feminine nouns ending in dh.
key: -dha
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-shu
a: =-tu
de: the [FEMININE DEFINITE SUBJECT]
lx: -shu
ps: det-f-subj
key: -shu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-dhii
a: =-tii after feminine nouns ending in dh
de: the [FEMININE KNOWN SUBJECT]
lx: -dhii
ps: det-f-suf
key: -dhii