-dha
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-dha
de: the [FEMININE DEFINITE ARTICLE]
lx: -dha
ps: det-f-suf
xe: not usually spelled with double dhdh
xv: =-ta after feminine nouns ending in dh.
key: -dha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
A
a: (a')
Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabbe
(Aabba-ha)
Qof lab oo wax dhalay; labada waalid kan lab (ama aabbo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aad
aad: 1. (⁰) Dhab; si daran.
2. Adigu.
-aad: Tiraab lagu dabakaro tirada oo muujiya jagada tiradaasi ku abbaaran tahay, saddex-aad (3d.); shan-aad (5d.); sagaal-aad (9d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadane
(Aadana-ha)
Intii Nebi Aadan dhalay ka mid ah; dad; qof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalaa
Inta badan; badanaa; dhaaxa; qajeel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammin
1. (qof) Aan dhagar iyo laqdabo aqoon; daacad; lillaahi.
2. (meel, kd.) nabad ah; aan cabsi lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayatiin
(Aayatiin-ka)
Waxtar aan durba dhalane, waa danbe, oo iyadana loo baahan yahay, la filana hayo oo loogu talaggalo; waxtar raaga; cirib-danbeed; meecaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaarikeentay
(Abaarikeentay-da, Abaarikeentay-ga)
Dad aan dhulka ku dhalan oo waa danbe dalaw ku yimid; gadaalka'imaad; kooyto (ab'ogaa iyo abaarikeentay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abab
(Abab-ka)
1. Daaqbarad (xoolo).
2. Dhallaanka yaryar waxbarashadooda hore sida cunno cunidda; sansaanka, habka, ku-dayashada, (ama abaab).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaanwarre
(Abbaanwarra-ha)
Labada isu dhaxa, kan lab; say; nin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abboowe
(Abboowa-ha)
Erey walaal ka dhigan oo kuwa wada dhashay ama xigto ah ama isjeceli, isugu yeeraan (ama boowe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeer
(Abeer-ka)
Neef ishkin ah (geel, lo') oo dheddig oo goortuu ku curan lahaa aan ku curan; qaalin aan weli dhalin; galgaal (lo'); tebis (ari) (ama ameer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeesow
(Abeesow-ga)
Cudur oogada dadka ku dhaca oo haraggu u ekaado haragga abeesada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuurid
(Abuurid-da)
Wax aan hor u jirin uumid; curin; alkumid; jirsiin; dhalin; ahaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuuris
(Abuuris-ta)
Uumis; alkun; dhalis; curis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abwaan
(Abwaan-ka)
1. (qof) laamo badan oo cilmi aqoon weyn ku leh ama u leh siiba dhaqanka iyo ilbaxa tolka; waaya-arag; waxyaqaan; buuni.
2. (*) Buug ama buugag laamaha aqoontoo dhammi ku urursan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abyan
(Abyan-ka)
Garasho ama dareen, wax sillan ama lala yaabo, ay dhaliyeen; yaab; irkig; amakaag; ashqaraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addimid
(Addimid-da)
Aadaanka salaadda ku dhawaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adkaysasho
(Adkaysasha-da)
Hawl, dhib, xanuun adkaysi u lahaansho; dhabar-adkaansho; dulqaadasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adkaysi
(Adkaysi-ga)
Hawl, dhibaato, xanuun, dhabar-adayg u lahaansho; dulqaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-dhu
de: the [FEMININE DEFINITE SUBJECT]
lx: -dhu
ps: det-f-subj
xe: the girl
xv: =-tu
key: -dhu
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
-sha
(suffix) definite article of some of the feminine genders ending with the letter L; [the]. Ex: nayl - naysha; the lamb, bil; bisha; the month, il; isha; the eye
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-sha
bw: bil > bisha
de: the [FEMININE DEFINITE ARTICLE]
lx: -sha
nt: fusion of l + -ta
ps: det-f-suf
xe: basal > basasha
xv: the onion
key: -sha
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-dhii
a: =-tii after feminine nouns ending in dh
de: the [FEMININE KNOWN SUBJECT]
lx: -dhii
ps: det-f-suf
key: -dhii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adhas
(falkaabe) erey tilmaama weerar degdeg ah oo an loo meel dayin. Mar qudha ayuun buu libaaxii dagaal adhas kula yidhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adhax
f. n. spine, backbone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adhax
-da:(n) lower part of the back ~ arax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adhax
-da: (magac, dhedig, keli) xubin lafdhabarta ka mid ah oo ka kooban riciro iyo hilib; sabraha dushooda ama halka kulmisa; inta u dhaxaysa feedha u hoosaysa iyo miskaha, badhyaha na ka sarraysa ama halka dhabarku ku dhamaado; ilmaha la xanbaarsanyahay halka uu ku fadhhiisto. Adhaxda ka jab baan, ku aarsadayoo, itaal ba ka quustay aabbaday. Dh: arax. Wa: adhxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adhax
a: arax {N}
de: spine, backbone
lx: adhax
pd: (-da Pl: adhxo (/ha))
ps: n3-f, n2-f
key: adhax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idhan
-ka: (magac, lab, keli) halka banka iyo dhirtu iskaga darsmaan. Reerkayagu idhanka ayuu yaallaa. Dh: afmeer.
idhan -ka: (magac, lab, keli) inta curdinka ah ee ka soo hadha laanta marka maydhaxda laga diiro; liilan yar oo maydhax ah.
idhan -ka: (magac, lab, keli) daliigga meeriska ah ee weelasha la tolo, sida gorfaha, masafaha iyo dabaqyada, ay ka kooban yihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
odhan
v.-inf: to say
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
odhan
(v) say (seey) ~ oran. Ex: waxaan odhan lahaa..; I would say
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
odhan
de: to say
lx: odhan
ps: v4a-inf
see: oran (for this and all other forms beginning with odhan-) {N}
key: odhan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudha
(magac, dhedig, keli) nafta noolaha ku jirta. Roobka qawqawloow qadhqadhay, qaawanaantayduu arkaday, ee qudhayda halkeen dhigaa. Dh: ruux, naf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udhaq
(fal) wax wanaagsan qabashadiisa u tartan; dadka kale, khayrka uga badi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-dhaada
de: your
lx: -dhaada
ps: pro-det-2sg
xe: your daughter
xv: =-taada
key: -dhaada
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-dhan_4
de: this, these
hm: 4
lx: -dhan
ps: deic-f-suf
xe: this girl
xv: =-tan
key: -dhan_4
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-dhayda
de: my
lx: -dhayda
ps: pro-det-1sg
xe: my daughter
xv: =-tayda
key: -dhayda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-dheeda
de: her
lx: -dheeda
ps: pro-det-3f
xe: her daughter
xv: =-teeda
key: -dheeda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-dhiisa
de: his
lx: -dhiisa
ps: pro-det-3m
xe: his daughter
xv: =-tiisa
key: -dhiisa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-dhooda
de: their
lx: -dhooda
ps: pro-det-3pl
xe: their daughter
xv: =-tooda
key: -dhooda