-am
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-am
de: [ADJECTIVAL, INCHOATIVE ~ PASSIVE VERB]
lx: -am
ps: v1-inch-suf
xe: is getting knotted
xv: =-an
key: -am
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabbe
(Aabba-ha)
Qof lab oo wax dhalay; labada waalid kan lab (ama aabbo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadaan
(Aadaan-ka)
Ereyo yar oo lagu dheeraysto oo dadka tukashada loogu yeero (ama addin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalkol
* (Aalkol-ka)
Biyabbiyood aan midab lahayn, oo ur sillan, oo daarmi og, oo baabbi'i og, oo siyaalo badan loo soo saaro, waxna loogu qabsado, (ama aalkolo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusin
(Aammusin-ta)
Hadal u diidid ama ku celin, hadal ka joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aan
(Aniga; aan; i; ii - annaga; innaga; aannu; na; noo) qofka hadla haya ama wax qora haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanayn
(Aanayn-ta)
Aano ku raadin ama darteed wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaway
Aaway?
Xaggee buu (ama bay) jiraa (ama jirtaa?); Meeyey? Meeday? (ama away?).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayid
(Aayid-da)
Wax raagey ama dib loo dhigay, waa danbe oo loo baahan yahay, waxtarkooda helid, ku tabkicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayo
1. (Aaya-da) (waa shedan tahay) Carruurta hooyadood maahee, oorida kale, oo aabbahood qabo.
2. (Aaya-ha) Waxtar waa danbe wax laga dheefo; ciribdanbeed; aayatiin; meecaad; liil danbe; (ama aaye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abab
(Abab-ka)
1. Daaqbarad (xoolo).
2. Dhallaanka yaryar waxbarashadooda hore sida cunno cunidda; sansaanka, habka, ku-dayashada, (ama abaab).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaanduule
(Abbaanduula-ha)
Col ama ciidan duullaan ah, kan u madax ah; colwade; maqaddin (ama ammaanduule).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abboowe
(Abboowa-ha)
Erey walaal ka dhigan oo kuwa wada dhashay ama xigto ah ama isjeceli, isugu yeeraan (ama boowe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeer
(Abeer-ka)
Neef ishkin ah (geel, lo') oo dheddig oo goortuu ku curan lahaa aan ku curan; qaalin aan weli dhalin; galgaal (lo'); tebis (ari) (ama ameer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abhin
(Abhin-ta)
Qof laga baqa hayo, ama wax laga celina hayo, hadal saameeya oo uu ka baqo, (sida: Allaahaa hadduu Alla yahay), kula hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abid
(abid-)
(ama abad, abiid)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abley
(Abley-da)
Qalab bir ka samaysan oo raggu dhexda ku xirto oo ku dagaallamo; toorrey; billaawe; (ama amley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abooto
(Aboota-da)
1. Hooyada hooyadeed ama aabbaha hooyadii; Mocooyo; Ayeeyo.
2. Fil weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abraar
(Abraar-ka)
Soo bood; meel dad badan ama dhir badan xoog ku marid; jibaax; majiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abtirsiino
(Abtirsiina-da)
Abtiris (ama abtirsiimo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuur
1. (Abuur-ka) a) Wax aan hor u jirin uumis; alkun. b) Geed ubxa haya, docda uu lafta ama iniinta ku lee yahay, oo kolkii la beero korta oo geed hor leh oo cusub noqota; laf ama iniin ama cad kasta oo geed hor leh noqon karta; firi. c) Hawsha la qabto kolka beerta abuurka lagu rida hayo.
2. (Abuur-ta) Sida loo uumay (farsamo, hab, qaab); baxaalli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-m
de: ADJECTIVAL, INCHOATIVE ~ PASSIVE VERB
lx: -m
ps: v1-inch-suf
xe: got tied up
xv: =-an
key: -m
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
-an
(suffix) [at end of nouns] this ... Ex: gabadhan: this girl. Gurigan; this house
—an: (suffix)-, changes some verbs to adjective. Ex: daaran; lightened, dansan; turned off
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-at
de: [AUTOBENEFACTIVE]
lx: -at
ps: v3-suf
xe: you slept
xv: -o ~ -an
key: -at
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bam
m. n. bomb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bam
-ka: (n) bomb (baam); an explosive weapon ~ bambo, bambaano
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bam
(ereycodeed) lagu tusmeeyo qarax weyn. Dh: baw, bug, dam.
bam -ka: (magac, lab, keli) agab labada af dhuumo lagaga xidho oo labada dhinac mid biyaha ku soo nuuga midna ku tuura.
bam -ka: (magac, lab, keli) agab hawo ka buuxdo oo shagagga, kubbadaha iyo waxii la mid ah hawo lagaga buuxiyo. Bambka iigu buuxi kubadda.
bam -ka: (magac, lab, keli) walax siyaabo kala duwan loo qaabeeyo oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyo. Dh: bambo, banbaano. Wa: bamam. bambaani: (fal) dhawr oo si taxadir leh u maaree; aayar u wad oo turunturrada iyo carqaladaha ka ilaali. Dh: banbaani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bam
a: bambo, bom
de: bomb
lx: bam
pd: (-ka)
ps: n4-m
syn: qunbulad {Eng}
key: bam
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Cam
Waalwade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dam
m.dh.sh.r 1. D. dheh: hadal tilmaama wax dhaca ama wax basa. 2. D. ka sii: wax burburin; wax seexin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dam
m.dh.sh.r 1. D. dheh: hadal tilmaama wax dhaca ama wax basa. 2. D. ka sii: wax burburin; wax seexin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dam
Biyo xidheen
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dam
/dhaam/ (n) 1. biyo-xireen (v) 2. biyo-xir u samayn.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Dam
Biyaxir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dam
(tilmaame) meel mugdi ah.
dam: (ereycodeed) lagu tusmeeyo cod weyn sida wax qarxay ama wax dhulka ku dhacay. Dh: dhug.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dam
n., (a mole, a bank) deer, -ki, xer, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gam
m.dh.sh.r Cod lagu muujiyo qof ama wax dilidda. Tusaale: “G. ka sii”.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gam
(ereycodeed) tusmeeya sanqadha laga maqlo xadhig kala go'ay. Dh: gag.
gam: (ereycodeed) tusmeeya dhammaadka hawl ama war la hayay; sanqadha wax dhammaaday ama la dhammeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ham
m.dh.sh.r H. dheh/ h. siin: cod lagu muujiyo cantuugo aad u weyn samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ham
vl. n. putting (food) in the mouth all at once when eating
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ham
/haam/ (n) 1. hilib-doofaar. (n) 2. jilaa heer-hoose ah. e.g. He is not a good actor, he is just a ham. (n) 3. wariye raadye oo bar-barad ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ham
(ereycodeed) lagu tilmaansado jabaqda cunto afka mar keli ah lagu wada riday. Dh: jam.
ham: (ereycodeed) loola jeedo codka ay bixiso ciid meel xoog loogu shubay. Godka ciid ku aas oo ham ku sii. Dh: dem.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ham
de: putting (food) in the mouth all at once when eating
lx: ham
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ham
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jam
/jaam/ (n) 1. malmalaado (rootiga la marsado) 2. ku ciriirin (meel aad u buuxda xoog ku gelin) e.g. Nothing else can be jammed into this bag. 3. si xoog ah oo dhakhsa ah u riixid. (dhakhsa u cadaadin). e.g. I had to stop quickly, so I jammed on the brakes. 4. meel saxmad ah oo aad loo buuxo. e.g. Traffic jam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jam
(ereycodeed) tusmeeya kolka ruux la leeyahay waxan cun oo hal mar afka gasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mam
f.mg1 (-may, -mtay) Wax isticmaalkooda caadeeysasho. la-mid: mab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mam
f.mg1 (-may, -mtay) Wax isticmaalkooda caadeeysasho. m.f.dh, mamid. la-mid: mab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mam
(fal) meel ad wax ku baratay ku walaf oo mar walba ku noqnoqo: u baro. Wanaagga kolka lagu tuso ku dheg oo ku mam.
mam-ka: (magac, lab, keli) caado ah in qofkut waxa uu mar qudha dhadhansho uu ku noqnoqdo si joogto ah oo uu mar walba doono. Mamka ad cuntada ku mamtay cilmi u beddel.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ram
/raam/ (n) 1. wan (wanka sumalka ah ee idaha loo hayo) (v) 2. ku dhicid (xoog u hardiyid).
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Ram
(I) Montone;
(S) ALEN (S. c. m.; Alén); WAN (S. g.: Uàn)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ram
n., wan, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
yam
/yaam/ (n) baradho-macaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yam
(fal) aammus ku ekow oo shib dheh. Yam eey yam, yeedhaa ma yeella. Dh: us. Li: yoon.