—ta
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—ta
(suffix) [the] definite article for some nouns of feminine gender. Ex: naag; woman - naagta; the woman. Gabar; girl - gabarta, the girl
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabayn
(Aabayn-ta)
1. Tixgelin; aabayeelid; daryeelid.
2. (weel) xoolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aad
aad: 1. (⁰) Dhab; si daran.
2. Adigu.
-aad: Tiraab lagu dabakaro tirada oo muujiya jagada tiradaasi ku abbaaran tahay, saddex-aad (3d.); shan-aad (5d.); sagaal-aad (9d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaddanaan
(Aaddanaan-ta)
Ku abbaarnaan; toosnaan; ekaan; beegnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafeyn
(Aafeyn-ta)
Aafo gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aagaan
1. (Aagaan-ka) Furka aagaamaha iyo haamaha lagu daboolo.
2. (Aagaan-ta) Haan yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aakhiro
(Aakhira-da)
Meesha iyo nolosha danbe oo lagu noolaan doono, kolka adduunka laga tago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaladeyn
(Aaladeyn-ta)
Aalad u yeelid; qalabayn; hubayn; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammiin
(Aammiin-ta)
Erey ducada dabadeeda la yiraahdo oo ulajeeddadiisu tahay Ilaahow aqbal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusin
(Aammusin-ta)
Hadal u diidid ama ku celin, hadal ka joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusnaan
(Aammusnaan-ta)
Hadlid la'aan; shib ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanayn
(Aanayn-ta)
Aano ku raadin ama darteed wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aashaa
(aash-)
Si miyir iyo xasilloonaani ku jirto; aayar, tartiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasnaan
(Aasnaan-ta)
Wax la xabaalay ahaan; xabaalnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayad
(Aayad-da)
1. Suurad quraan, tixaha ay ka kooban tahay, middiiba.
2. Wax aan hor loo arki jirin oo yaab leh.
3. Mucjiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayar
Si deggan oo miyir leh; qunyar; tartiib; xasil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayatiin
(Aayatiin-ka)
Waxtar aan durba dhalane, waa danbe, oo iyadana loo baahan yahay, la filana hayo oo loogu talaggalo; waxtar raaga; cirib-danbeed; meecaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayid
(Aayid-da)
Wax raagey ama dib loo dhigay, waa danbe oo loo baahan yahay, waxtarkooda helid, ku tabkicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayo
1. (Aaya-da) (waa shedan tahay) Carruurta hooyadood maahee, oorida kale, oo aabbahood qabo.
2. (Aaya-ha) Waxtar waa danbe wax laga dheefo; ciribdanbeed; aayatiin; meecaad; liil danbe; (ama aaye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaji
(Abaaji-ga)
Lumid waa danbe la tabo; tasow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaajiyid
(Abaajiyid-da)
Baadi wax badan sii maqnayd, iyadoo aan la tebin; tasoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
ta
-ta
(naxwe) Labada qodob oo dhabta ah oo qodbaha kale ka farcamaan midkood (midka kale waa -ka); waxaa ka farcama -da iyo -sha. Waxaa qaata magacyada dheddig oo ku dhammaada B, F, G, N, R, S.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ta
ta¹: mu.ti.dh kuwa, w Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tusaale: “Ta timid waa Caasho”. la-mid: tan¹
ta²: (-ta) q.dh Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y, iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tusaale: “ul+ta-> usha, bad+ta> badda”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ta
ta¹: mu.ti.dh (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tusaale: Ta timid waa Caasho. la-mid: tan.
ta²: (-ta) q.dh Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka 't' ee qodobkan wuxuu isu beddelaa 'd' markup raaco magacyada lab oo ku dhammaada d, c, x, h, y, iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka 'l' labadaa xaraf waxay isu beddelaan 'sh'. Tusaale: ul+ta -> usha, bad+ta> badda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ta
(magac'uyaal) tilmaame oo dhedig oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Dh: tan. Wa: kuwa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ta
ta, adj. poss. - lahaan dhadig ah
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
eta
s.f. - fil, cimri, da'.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—ga
[suffix] definite article of some masculine gender. Ex: gaariga; the car. Guriga; the house
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—ha
(suffix) definite article of some masculine gender words ending in e vowel. Ex: guuraha; night travel, haasawaha; the date (courting); furaha; the key
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—ka
(suffix) definite article of some musculine gender nouns. Ex: sanad -ka; the year, wiil-ka; the boy