ereyga

—kii

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

—kii

DHAN

(pronoun) the one who or that... Ex: wiilkii...; the boy who..., sannadkii; the year that...

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Agaagse

DHAABAN
1

(Agaagsa-ha)

2

Qof wax badan helay (hilib; lacag, ...) wax yar oo uu u gooyo kii aan wax helin, ama laga qaado; xoolaha la soo dhaco, waxa laga baxsho; loog.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Amaah

DHAABAN
1

(Amaah-da)

2

Xoolo qof qof ka doono, oo haysto, oo goor lagu ballamay kaddib, kii horoo lahaa uu u cesho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Awlal

DHAABAN
1

(Awlal-ka)

2

1. (hilib) Dhinac; sarar.

3

2. Malabka kiisa raagey oo madow; xabagbarshi raagtey.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baadifad

DHAABAN
1

(Baadifad-da, Baadifad-ka)

2

Qofka baadida hela oo qabta oo kii lahaa ku sima, waxa la siiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ceemad

DHAABAN
1

(Ceemad-da)

2

Kiish joonyadda u eg oo wax lagu gurto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cubtan

DHAABAN
1

(Cubtan-ka)

2

Hab dadka cayaara haya lagu kala doorto; labo qof baa mid wuxuu oranayaa cub, kan labaadna cir; kolkaasaa kii hore qof dooranayaa; kan doortay maahee, kan kalaa isna cub oranaya oo qof dooranaya; sidaasay ku wadayaan taniyo inta dadka laga wada doorto; doorasho; (ama cugtan).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dabammaryo

DHAABAN
1

(Dabammarya-da)

2

Qof la erya hayo ama la foodsaaray, hadduu si degdeg ah, kii kale u dhabarjebsho oo gadaal uga maro; dhabarjebis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dabweyn

DHAABAN
1

(Dabweyn-ta)

2

1. Dabka lagu dagaallamo kiisa waaweyn oo culculus.

3

2. Colka dabka jaadkaas ah haysta oo ku dagaallama.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Fahraso

DHAABAN
1

(Fahrasa-da)

2

Kitaabka, meesha lagu qoro fasallada iyo kiiba bogga laga helo; tusmo; (ama fahrasad).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gaafabbixid

DHAABAN
1

(Gaafabbixid-da)

2

Wiilasha cidda, siiba curadka, inta loo guursho oo xoolo la siiyo, cidda ka dhexbixid oo gaar u degid; carruurta hadba kii kora oo guursada oo isku fillaada oo gaar u dega.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Goriilla

DHAABAN

* Daayeerrada dadka lagu soo sooco oo adduunka kan ugu weyn; wuxuu ku nool yahay Afrika. Dhererkiisu wuxuu gaaraa labo mitir iyo ka kor, culayskiisuna 300 (saddex boqol) oo kiilogaraam. Wuxuu lee yahay: madax weyn, sur gaaban, indho yaryar, san dulal waaweyn iyo dhogor oogadiisa ku wada rogan. Dabo ma laha; (ama gooriilla).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gunnad

DHAABAN
1

(Gunnad-da)

2

Kolay laga sameeyo harag ama dun ama wax kale oo lacag iyo alaabo kaleba lagu rito; kiish; qundul; qandi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ina

DHAABAN
1

1. Uyaal uu lee yahay qofka hadlaya oo kooxda ah oo kan lala hadlayaa ku jiro, oo wax la taarana hayo; innaga.

2

2. a) (ina) Kii uu dhalay: inankii; wiilkii. b) (inà) Tii uu dhalay; inantii; gabadhii.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jaasuus

DHAABAN
1

(Jaasuus-ka)

2

1. Qof hawshiisu tahay (wax ha ku qaato ama yuusan ku qaadane) inuu qarsoodi u baaro oo u soo ogaado oo dabadeed sheego wax qof ama dad ama qaran (kiisa ama ku shisheeye) sir u ah oo haddii la ogaado dhibaato ka imanayso.

3

2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; basaas; dhexsocoto; warxangee; (ama jaajuus).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jawaan

DHAABAN
1

(Jawaan-ka)

2

Kiish ka samaysan liilammo ama xargo yaryar oo la isku falkiyey; joonyad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Joonyad

DHAABAN
1

(Joonyad-da)

2

Kiish ka samaysan maro, dun, mayrax oo wax lagu rito ama lagu shubto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kaad

DHAABAN
1

1. (Kaad-da) Habeennada aan dhaxanta lahayn oo oogadu u jeesho; jamaad.

2

2. (Kaad-ka) Illinka, xagga gudaha, labadiisa dhinac; xatabadda agteeda oo gudaha ah.

3

3. Kii aad; kan aad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kaarad

DHAABAN
1

(Kaarad-da)

2

Kiish timirta lagu guro oo lagu iibsho; min barkiis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kiil

DHAABAN
1

(Kiil-ka)

2

Beeg; miisaan; qiyaas; cabbir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kii

DHAFANDHAAF
1

Qof ama wax laysla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegeyn, oo lab.

2

-kii — a) Kii. b) Qodobka ka oo noqda -kii kolkuu ka dabadhaco magac qofka hadlaya iyo qofka lala hadlayo isla og yihiin ama yaqaanniin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kii

DHAFANDHAAF

kii¹: mu.ac.l kuwii, w Magacuyaal aan cayinnayn oo lab, oo cid ama wax la isla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegayn. Tusaale: “Kanu waa kii beryahanba aan raadinayay”: “Kii baa yimid”.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kii

DHAFANDHAAF
1

kii¹: mu.ac.l (kuwii, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo lab, oo cid ama wax la isla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegayn. Tusaale: Kanu waa kii beryahanba aan raadinayay. Kii baa yimid.

2

kii²: (-kii) q.l Qodob magac lab dib looga qodbo, kaasoo tilmaamaya waxay hadlaha iyo maqluhu isla ogyihiin. Tusaale: Ninkii baa yimid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kii

DHAFANDHAAF

(qodob) qodob magac lab dib lagaga qodbo oo tilmaamaya wax ay hadlaha iyo maqluhu isla ogyihiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

—gii

DHAFANDHAAF

(suffix) the masculine definite article with the masculine nouns taking (—ga): ending

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

—kiisa

DHAFANDHAAF

(pronoun) the possessive form of he used only for masculine singular nouns ending -ka: his (his). Ex: xaafiiskiisa; his office

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

-kiin

DHAFANDHAAF
1

de: your

2

lx: -kiin

3

ps: pro-det-2pl

4

see: =-kiinna

5

key: -kiin

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sakii

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) iin gasha lugaha co lagu dhasho oo kolka la socdo labada lugood is ku dhacaan oo is lisaan. Dh: sakiiro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

—hiis

DHAFANDHAAF

(suffix) possessive form of he with masculine nouns ending e. his (his). Ex: furihiisa; his key

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

—kiinna

DHAFANDHAAF

(pronoun) the possessive form of you (pural) used only for masculine singular nouns ending -ka: your (yoor) Ex: safarkiinna; your journey

waa la naqliyay ✓