ereyga

—ka

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

—ka

DHAN

(suffix) definite article of some musculine gender nouns. Ex: sanad -ka; the year, wiil-ka; the boy

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aabbe

DHAABAN
1

(Aabba-ha)

2

Qof lab oo wax dhalay; labada waalid kan lab (ama aabbo).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aabbur

DHAABAN
1

(Aabbur-ka)

2

Weel afka ka awda; dabool; fur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aabi

DHAABAN
1

(Aabi-ga)

2

Arrin aan jid ahayn oo cid lagula kaco; gardarro; maag; daandaansi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aadaan

DHAABAN
1

(Aadaan-ka)

2

Ereyo yar oo lagu dheeraysto oo dadka tukashada loogu yeero (ama addin).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aadane

DHAABAN
1

(Aadana-ha)

2

Intii Nebi Aadan dhalay ka mid ah; dad; qof.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aagaan

DHAABAN
1

1. (Aagaan-ka) Furka aagaamaha iyo haamaha lagu daboolo.

2

2. (Aagaan-ta) Haan yar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aakhir

DHAABAN
1

(Aakhir-ka)

2

Kan danbe.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aalkol

DHAABAN
1

* (Aalkol-ka)

2

Biyabbiyood aan midab lahayn, oo ur sillan, oo daarmi og, oo baabbi'i og, oo siyaalo badan loo soo saaro, waxna loogu qabsado, (ama aalkolo).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aameel

DHAABAN
1

(Aameel-ka)

2

1. Harrub.

3

2. Wixii waxay arkaan iska raaca.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aamminid

DHAABAN
1

(Aamminid-da)

2

Kalsooni u qabid; rumaysasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aammus

DHAABAN
1

(Aammus-ka)

2

Hadal la'aan; shib.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aammusin

DHAABAN
1

(Aammusin-ta)

2

Hadal u diidid ama ku celin, hadal ka joojin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aar

DHAABAN
1

(Aar-ka)

2

1. Libaax weyn oo lab.

3

2. Aan biqin; geesi.

4

3. Aarsi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aaran

DHAABAN
1

(Aaran-ka)

2

1. Qaalmaha yaryar oo geela; qaan.

3

2. Doog iyo barwaaqo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aas

DHAABAN
1

(Aas-ka)

2

1. Xabaasha (dadka dhinta) iyo waxa ku saabsan; duug.

3

2. Iftiinka midabyada leh oo qorraxdhaca; cirguduud; cilcillow.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aashuun

DHAABAN
1

(Aashuun-ka)

2

Weel biyaha lagu shubto oo laga sameeyey dhoobo; malbo; jalxad; shaanbi; ballaas.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aayad

DHAABAN
1

(Aayad-da)

2

1. Suurad quraan, tixaha ay ka kooban tahay, middiiba.

3

2. Wax aan hor loo arki jirin oo yaab leh.

4

3. Mucjiso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aayatiin

DHAABAN
1

(Aayatiin-ka)

2

Waxtar aan durba dhalane, waa danbe, oo iyadana loo baahan yahay, la filana hayo oo loogu talaggalo; waxtar raaga; cirib-danbeed; meecaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aayo

DHAABAN
1

1. (Aaya-da) (waa shedan tahay) Carruurta hooyadood maahee, oorida kale, oo aabbahood qabo.

2

2. (Aaya-ha) Waxtar waa danbe wax laga dheefo; ciribdanbeed; aayatiin; meecaad; liil danbe; (ama aaye).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ab

DHAABAN
1

(Ab-ka)

2

Awooweyaashii hore oo laga soo jeedey; isir; wasiir; walcan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ka

DHAFANDHAAF
1

Erey tixda ulajeeddooyin badan oo kala gaar ah u yeela; wuxuu badanaa muujiyaa: meel laga dhaqaaqay, meel laga yimid ama laga soojeedey, wax kala go'ay ama kala durkay, wax la isu foodinayo ama la simayo, kd. (Balcad buu ka yimid; alif-ka-ya'; qalin buu jeebkiisa ka soo baxshey; ceelku aqalka waa ka fog yahay; arrinta wax ka qabo; Marka waxaa ka weyn Xamar; magaaladii qofna waa aan ka garan waayey; baqdin baa ilmaha ka dhawaajisay: afar labo ka gooya: wiilka beenta ka daaya; ...) kolka shaqal aan loo dhexayni ka hormaro, wuxuu noqdaa -ga; (sida: Guuleed iga weyn; naga taga).

2

-ka — (naxwe) Labada qobod oo dhabta ah (kan kale waa -ta oo qodbaha kale ka farcamaan, midkood; waxaa ka farcama -ga, -ha, -a; wuxuu raacaa magacyada lab oo ku dhammaada B, D, F, L, N, R, S (Sh).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ka

DHAFANDHAAF
1

ka¹: mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tusaale: “Ka yimid waa Cali”. la-mid: kan².

2

ka²: h (nax) Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tusaale: “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo isticmaalo. Tusaale: “Marka waxaa ka weyn Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tusaale: “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.

3

ka³: (-ka) q.l Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan magacyada kale ee labka ah. Tusaale: “ nin+ka- >ninka, buug+ka->buugga”.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ka

DHAFANDHAAF
1

ka¹: mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tusaale: Ka yimid waa Cali. la-mid: kan¹.

2

ka²: h (nax) Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tusaale: Balcad ayuu ka yimid. Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay. Tuulo ka tuulo ayuu nastaa. b) qurub barbardhigid loo isticmaalo. Tusaale: Marka waxaa ka weyn Xamar; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tusaale: Kooxdan buu ka cayaarayaa. Halkaas buu guri ka dhisay. Waddada buu ka tallaabay.

3

ka³: (-ka) q.l Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: - ga, -ha, -a oo raacaan magacyada kale ee labka ah. Tusaale: nin + ka -> ninka, buug + ka -> buugga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ka

DHAFANDHAAF
1

prep: at, from, off, away, out of; against; across; about, concerning

2

ka prep: than [comparative]

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Ka

DHAFANDHAAF

1) au sujet de, 2) depuis, 3) plus que, 4) plus (comparatif).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

ka

DHAFANDHAAF
1

(preposition), from (faroom). Ex: xaggee ka timid? where did you come from?

2

ka: make some verbs imperative form [expressing a command]

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ka

DHAFANDHAAF
1

(magac-uyaal) tilmaame oo lab oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Ka ku salaamay waa Caddaani. Dh: kan. Wa: kuwa.

2

ka: (qurub) naxwe ahaan loo adeegsado falka hortiisa oo la xidhiidha meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Dikhil baan ka imid. Macawis buu Kulmiye kabadhka ka soo saaray.

3

ka: (qurub) naxwe ahaan loo adeegsado barbardhigid labo iyo in ka badan. Cali baa Faadumo ka dheer.

4

ka: (qurub) naxwe ahaan la xidhiidha meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Cuddoon, Carta ayay guri ka dhisaysaa. Anoo jidka ka tallaabay uun baan ku arkay.

5

ka (-ka) qodob magaca lab raaca oo dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Waxa uu raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, 1, n, r, s (sh). Qodobkan waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raaca magacyada kale ee labka ah. faras+ka faraska, saqaf+ka= saqafka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

ka

DHAFANDHAAF

مِنْ، عَنْ، ابْتِدَاءً مِنْ

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

—ga

DHAFANDHAAF

[suffix] definite article of some masculine gender. Ex: gaariga; the car. Guriga; the house

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

—ha

DHAFANDHAAF

(suffix) definite article of some masculine gender words ending in e vowel. Ex: guuraha; night travel, haasawaha; the date (courting); furaha; the key

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

—ta

DHAFANDHAAF

(suffix) [the] definite article for some nouns of feminine gender. Ex: naag; woman - naagta; the woman. Gabar; girl - gabarta, the girl

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

—kaas

DHAFANDHAAF

(pronoun) that; with masculine nouns having definite article -ka. Ex: wiilkaas; that boy. Ninkaas; that man

waa la naqliyay ✓