—ha
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—ha
(suffix) definite article of some masculine gender words ending in e vowel. Ex: guuraha; night travel, haasawaha; the date (courting); furaha; the key
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
A
a: (a')
Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabbe
(Aabba-ha)
Qof lab oo wax dhalay; labada waalid kan lab (ama aabbo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabo
(Aaba-ha)
Tixgelis; danayn; aabayeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadane
(Aadana-ha)
Intii Nebi Aadan dhalay ka mid ah; dad; qof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aagaan
1. (Aagaan-ka) Furka aagaamaha iyo haamaha lagu daboolo.
2. (Aagaan-ta) Haan yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aameel
(Aameel-ka)
1. Harrub.
2. Wixii waxay arkaan iska raaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammus
(Aammus-ka)
Hadal la'aan; shib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusan
Aan hadla hayn; shib ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusid
(Aammusid-da)
Hadal joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusin
(Aammusin-ta)
Hadal u diidid ama ku celin, hadal ka joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusnaan
(Aammusnaan-ta)
Hadlid la'aan; shib ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aan
(Aniga; aan; i; ii - annaga; innaga; aannu; na; noo) qofka hadla haya ama wax qora haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aano
(Aana-da)
Xumaan hore oo lays gaarsiiyey oo in laga aarguto uurka lagu hayo; godob; utun; asaaye; aarsi; dakano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayatiin
(Aayatiin-ka)
Waxtar aan durba dhalane, waa danbe, oo iyadana loo baahan yahay, la filana hayo oo loogu talaggalo; waxtar raaga; cirib-danbeed; meecaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayo
1. (Aaya-da) (waa shedan tahay) Carruurta hooyadood maahee, oorida kale, oo aabbahood qabo.
2. (Aaya-ha) Waxtar waa danbe wax laga dheefo; ciribdanbeed; aayatiin; meecaad; liil danbe; (ama aaye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaabulid
(Abaabulid-da)
Arrin isku duwid; hagaajin; qabanqaabin; dumid (col).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaahi
(Abaahi-ga)
Isutagga awrka iyo hasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaal
(Abaal-ka)
Samafal laysu galay, xusuusta wanaagsan iyo mahadda laysaga hayo; lib; gallad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaalhayn
(Abaalhayn-ta)
Samaan laysu falay, mahad iyo xusuus wanaagsan u hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abab
(Abab-ka)
1. Daaqbarad (xoolo).
2. Dhallaanka yaryar waxbarashadooda hore sida cunno cunidda; sansaanka, habka, ku-dayashada, (ama abaab).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—haa
(suffix): refer to; intend (inteendhi); mean (miin). Ex: furahaa; you mean the key
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ha
Erey ulajeeddada hadalka ama tixda kol, wax lays fara hayo ka dhiga (sida: wiilku hilibka ha cuno; wiilashu hilibka ha cuneen), kolna wax laysu diida hayo (sida: ha cunin; ha cunina).
-ha - (naxwe) toddobada qodob mid kamid ah: wuxuu raacaa ereyada kelida ah oo lab oo -e ku dhammaada iyo kuwa kooxda ah oo -o ku dhammaada sida fure (fura-ha) iyo faro (fara-ha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ha
qr. 1. (naxwe) Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tusaale: “Wiilasha buugta ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tusaale: “Ha keenin!”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ha
qr. 1. (naxwe) Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tusaale: Wiilasha buugta ha akhriyeen. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tusaale: Ha keenin!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ha
imp: don't!, do not!
ha class, opt. formative: may, let
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ha
qu'il, elle, ils, elles.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ha
used to express what should not be done: don't (dhuu-not); do not. Ex: hafiirin; don't look. Ha aadin; don't go
ha: (optative mood) expressing a wish or choice; let (let). Ex: ha dhacdo; let down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ha
(qodob) qoddobada lab ee Af Soomaaliga ka mid ah oo xagga danbe ka raaca magacyada lab badhkood oo ka dhiga wax la isla garanayo sida kuwa ku dhammaada 'E': wadne fi wadnaha, tuke fi tukaha, qurbe fi qurbaha, like fi likaha. Waxa kale oo uu raacaa ereyada wadarta ah oo ku dhammaada xarfaha O, G, X, F, oo uu u beddelaa wadar la isla garanayo, sida: gabdho fi gabdhaha, midho fi midhaha, timo fi timaha, lugo fi lugaha, laxo fi laxaha, tafo fi tafaha.
ha: (qurub) ka hormara falka wax lagu farayo cid kale, sida: ha la seexdo; ha loo qaado.
ha: (qurub) ka hormara falka wax cid kale lagaga reebayo oo amar diidmo ah, sida: 'ha u dhiibin', 'ha siin'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aha
v., neg., present habitual: he / she is not; they are not
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
aha
/aaha/ (inter) (informal) oraah la isticmaalo markaad wax fahantid ama heshid waxaad raadinaysay. e.g. I had a good book here somewhere. Aha, here we are.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aha
(v) [with negative ma] 1. he, it or she is not ~ ma aha. Ex: madow ma aha; it is not black, xoog ma aha; it is not by force. 2. they are not. Ex: Soomaali ma aha; they are not Somalies
—aha2: (suffix): the. The definite masculine plural with ending o. Ex: Xoolo; xoolaha; [the livestock]. Ex: Caano; caanaha [the milk], Guryo; guryaha [the houses]
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
sha
-sha
(naxwe) qodob raaca ereyada dheddigga u dhawaaqa oo l ku dhammaada, sida il (isha), bil (bisha), ceelal (ceela-sha), odayaal (odayaa-sha).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sha
-da: (n) a letter of the Somali alphabet, pronounced as (sha') as in the word [shame]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sha
(qodob) ku dabakarma ereyada dhedig oo ku dhammaada shibbanaha 'L', sida: ulusha: odayaal - odayaasha; iyo wixii la mid ah. shaa: eray loogu dhawaaqo dameeraha, kolka la joojinayo. Dameerta shaa dhe. Dh: shug. Li: hag.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—ga
[suffix] definite article of some masculine gender. Ex: gaariga; the car. Guriga; the house
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—ka
(suffix) definite article of some musculine gender nouns. Ex: sanad -ka; the year, wiil-ka; the boy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—ta
(suffix) [the] definite article for some nouns of feminine gender. Ex: naag; woman - naagta; the woman. Gabar; girl - gabarta, the girl
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—haye
(suffix) one who performs a specified action: -er, -or. Ex: goalkeeper; goolhaye; speaker; afhaye