—gii
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—gii
(suffix) the masculine definite article with the masculine nouns taking (—ga): ending
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aw
Aw: (Aw-ga)
1. Awoowe hore; ab.
2. Qof cilmi iyo kasmo gaar ah leh; wadaad.
Aw: (Aw-geed; aw-giis) daraad; dar; aawo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caymin
(Caymin-ta)
1. Caymo u yeelid; nabadgelin.
2. Cayn ku giijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuujin
(Dhuujin-ta)
Xoog u qabasho; adkayn; xajin; giijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giigid
(Giigid-da)
1. Ka joogsasho; iska qabasho; iska buusid; ka jigasho.
2. Aad u dhergid; ka dibbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giijin
(Giijin-ta)
Wax giigsan ka dhigid; xoog u togid; adkayn; dhuujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giijis
(Giijis-ka)
Giijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giir
(Giir-ka)
1. (midab) isku dhafan; baraashirix.
2. Surka xaggiisa danbe; jeego; qadaad.
3. Joof; gan; bulbul.
4. Biriir; wejitub; fooltub.
5. Dhibco ama baro yaryar oo wejiga ku yaal; furuqdhoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giirbaq
(Giirbaq-a)
Midab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giirid
(Giirid-da)
Giir u yeelid; wax giir leh ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giirre
(Giirra-ha)
(giir + le) wejiga giir ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giiryaale
(Giiryaala-ha)
Qof aan geesi ahayn; fuley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giiryaalennimo
(Giiryaalennima-da)
Fulannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giis
(Giis-ka)
Maanso; hees; guluuluc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giisid
(Giisid-da)
Giis tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qosol
(Qosol-ka)
Dhawaaq ama yeer dadka ka yimaada, oo faraxa iyo yaabka iyo jeesjeesku keenaan, oo inta muruqyada wejiga la giijiyo, afka la kala qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wegeredeyn
(Wegeredeyn-ta)
Wegeredka u xirid, u giijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beycad
m.l Midab ciira boos ah oo caddaan xiggeen ah oo ay yeeshaan lo'da iyo fardaha. la-mid: giircad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beymmadow
m.l Midab bey ah oo madowgu ku badan yahay. la-mid: giirmadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caymi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax dhibaato ama halis ka nabadgelin. 2. Aawr la rarayo, cayn ku giijin. 3. Hanti caymis ka diiwaangelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax giigsan sida xarig iyo wixi lamida giigsanaanta ka bi'in. la-mid: dabci².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gii
(ereycodeed) tusmeeya dhawaaq dheer; mid ka mid ah codadka ay nooluhu sameeyaan. Dh: wii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-gii
de: the [MASCULINE KNOWN SUBJECT]
lx: -gii
ps: det-m-suf
xe: the house
xv: =-kii
key: -gii
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—kii
(pronoun) the one who or that... Ex: wiilkii...; the boy who..., sannadkii; the year that...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—giisa
(suffix) (adj)-. the possessive form of he with the masculine nouns ending in a definite article —ga: his (his). Ex: gaarigiisa; his car
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-giin
de: your
lx: -giin
ps: pro-det-2pl
see: =-kiinna
key: -giin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—hiis
(suffix) possessive form of he with masculine nouns ending e. his (his). Ex: furihiisa; his key